Madaxweynaha Turkey, Erdoğan, ayaa booqasho ku tagi doona Itoobiya bisha soo socota, ka dibna wuxuu tagi doonaa Muqdisho.
Waa safar lagu adkeynaayo fulinta heshiiskii Ankara ee Xasan Sheekh iyo Abiya, kaasoo Erdoğan dhexdhexaadiyay.
𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐝𝐬𝐞 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧𝐚𝐚𝐝 𝐢𝐧𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐨𝐠𝐚𝐚𝐭𝐨:
– Heshiiskii MOU-ga ee Itoobiya iyo Somaliland weli waa sidiisii, Itoobiya kama laaban. Kaliya Xasan ayaa bedelay mowqifkiisii hore.
– Sababta sida deg degga heshiiska loogu galay waxay ahayd arrinta hawlgalka AUSSOM maadaama ATMIS waqtiga ka dhammaaday, ayna qasab ahayd in deg deg loo helo hawlgal lagu bedelo (kaasoo Itoobiya ay qeyb ka tahay).
𝐌𝐮𝐱𝐮𝐮 𝐄𝐫𝐝𝐨ğ𝐚𝐧 𝐤𝐚 𝐟𝐚𝐚’𝐢𝐢𝐝𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐚𝐫𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐈𝐭𝐨𝐨𝐛𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚?
– Turkey waa dalka labaad ee hantida ugu badan galiyay Itoobiya.
– Maalgalinta Turkey ee Itoobiya u taalla waxay gaareysaa $2.5 billion.
– In ka badan 200 shirkadood oo Turkey ah ayaa joogta gudaha Itoobiya, waxaana u shaqeysa in ka badan 30,000 Itoobiyaan ah.
– Turkey waxay lacag badan ka heshaa diyaaradaha drone-ka ciidamada oo ay Itoobiya ka iibsato (lacagta UAE ayaa bixisa).
𝐃𝐇𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈𝐘𝐀:
– Turkey waxay ku leeyihiin saldhig ciidan Muqdisho, waxayna ciidamadooda badda joogaan xeebaha Soomaaliya oo ay tababar iyo roondo ku sameeyaan.
– Turkey waxay geed fadhi u yihiin kooxda Ikhwaanu Muslimiin, oo Erdoğan laftiisu ka tirsan yahay. Sidaa darteed Soomaaliya waa meel muhiim ugu ah dhanka afkaarta diineed (gaar ahaan aragtida Ikhwaanka). Halkan Masaarida ayaa aad uga horjeedda, waana sababta Masar madax-beelka uga qaaday heshiiska Ankara ee Turkey ku lug yeeshay.
𝐆𝐄𝐄𝐒𝐊𝐀 𝐀𝐅𝐑𝐈𝐊𝐀:
– Erdoğan, oo aaminsan inuu soo celin karo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, isuna arka KHALIIFKA khilaafada Turkida cusub, ayaa isku dayaya inuu saameyntiisa ku baahiyo caalamka, si aar ah gobolka Geeska Afrika, dhanka badda iyo saameynta militariga ayuuna xoogga saarayaa.
– In Turkey ku guuleysto xallinta khilaafkii Itoobiya iyo Soomaaliya waxay ugu yaraan loo arki karaa micnaha ay leedahay SAAMEYNTA TURKEY ee Geeska Afrika.
𝐌𝐀𝐒𝐀𝐑 𝐕𝐒 𝐓𝐔𝐑𝐊𝐄𝐘:
– Masar waxay xoog, xeelad iyo farsamo gelin doontaa sidii ay uga hortagi lahayd saameynta Turkey iyo Ikhwaanka is huwan ee Soomaaliya. Tan waa sababta ay durba u bilawday is xulufeysiga Masar iyo Eritrea.
– Haddii 500 askari oo Masaari la keeno Muqdisho, waxay ku guuleysan kartaa Masar inay qorshayaasheeda gurracan ka bilawdo Muqdisho.
– Masar waxaa kaloo ka go’an in aan Itoobiyaanka loo ogolaan inay Badda Cas lugaha soo saarin, taasoo halis amni ay u arkaan Masaarida.
W/Q: Abdalle Ahmed Mumin