SO | EN

SO | EN

Erdogan oo dowladda Somalia uga mahadceliyay taageeraddi wax ka qabashada dhulgariirkii ka dhacay Turkiga

|

Ankara (KAAB TV) – Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Dowladda Soomaaliya siiyay taageerada wax ka qabashada dhibaatadii ka dhalatay dhulgariirkii  ku dhuftay gobolo katirsan dalka Turkiga 6-dii Febraayo, 2023.

Sidoo kale, munaasabad lagu xusaayay sannadguuradii labaad ee ka soo wareegtay dhulgariirka oo lagu qabtay Gobolka Adiyaman, ayaa madaxweyne Erdogan wuxuu ugu mahadceliyay dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inay mar walba garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Turkiga.

Dhanka kale, Erdogan ayaa salaan u diray madaxweyne Xasan Sheekh iyo shacabka Soomaliyeed, waxa uuna uga mahadceliyay taageeradii iyo garab istaagii ay u sameeyeen xilligii ay ku jireen xaalada adag ee ka dhalatay dhulgariirkii dhacay.

Ugudambeyn, qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga Cabdirixiin Maxamuud ayaa madaxweyne Erdogan ka guddoomay biladda Xasuusta, isagoo uga mahadceliyey taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ay la garab taagan tahay dalkiisa iyo sidii looga hortagi lahaa dhibaatadii ka dhalatay isbadalka Cimiladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News