Ankara (Kaab TV) – Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa shalay Axadii shaaciyay in ciidanka sirdoonka dalka Turkiga ay Suuriya kudileen hoggaamiyihii Daacish Abuu Xuseen Al-Qurashi.
Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in ay kudaba jireen laamaha amaanka mudo dheer howl-galkan oo ka dhacay Suuriya ayaa lagu dilay ayuu yiri madaxweyne Erdogan oo wareysi gaar ah siiyay TV-ga TRT Turk.
Dadka deegaanka iyo kuwa ammaanka Suuriya ayaa sheegay in howl-galkan uu ka dhacay magaalada Jandris ee waqooyiga Suuriya halkaas oo ay gacanta ku hayaan kooxaha uu Turkiga taageero waxayna kamid tahay goobihii inta uu ka dhacay dhulgariirkii 6-dii February kadhacay Turkiga iyo Suuriya.
Erdogan ayaa ku hanjabay in sii wadi doonaan dagaalka argagixisada Daacish ayaa al-Qurashi u dooratay hoggaamiyeheeda bishii November 2022 kadib markii hoggaamiyihii hore ee Daacish lagu dilay hawlgal ka dhacay koonfurta Suuriya.
Hasayeeshee Daacish ayaa lumisay awooddii ay ku laheyd dhulkaas, kadib hawlgallo ay sameeyeen ciidamada Mareykanka ee Suuriya iyo Ciraaq, iyo sidoo kale ciidamada Suuriya oo ay taageerayaan Iran, Ruushka iyo dowlado kala duwan.