SO | EN

SO | EN

Erdogan oo ku hanjabay faragalin haddii ay Suuriya kala qeybsanto xiligan

|

Ankara (KAAB TV) –  Madaxweynaha dowladda Turkiye Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in uu amri doono faragelin si looga hortago in Suuriya ay kala qeybsanto, digniintan oo si gaar ah ugu socota ciidamada Kurdiyiinta ee dalkaas.

“Ma aqbali karno qiil kasta oo Suuriya ay ku kala qaybsanto, haddii aan ogaanno khatarta ugu yar waxaan qaadi doonnaa tallaabooyinka lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Erdogan isagoo intaas ku daray “waxaan leenahay awoodda”.

Sidoo kale, digniinta Erdogan ayaa ah tii ugu dambeysay ee ku wajahan Xoogaga Dimoqraadiga Suuriya ee Kurdiyiinta ay u badan yihiin iyo Mareykanka oo taageeray duullaanka SDF ee ka dhanka ah Daacish.

Isaga oo sheegay in Suuriya aysan meelna uga banaanayn “argagixiso”, Erdogan wuxuu yiri “hadii ay khatartu soo baxdo, waxaan faragelin karnaa hal habeen”.

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay dagaal dhamaadkii todobaadka dhex maray kooxaha taageersan Turkiga iyo kuwa Kurdiyiinta ay u badan yihiin ee YPG, oo ah laf dhabarta SDF.

Dhanka kale, Ankara ayaa kooxda YPG u aragta garab ka mid ah xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo tan iyo 1980-meeyadii dagaal hubaysan kula jiray dowladda Turkiga, islamarkaana Turkiga iyo xulafadiisa reer galbeedka ay u aqoonsan yihiin dhaq-dhaqaaq argagixiso.

Sikastaba, Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sheegay in “ciribtirka PKK/YPG ay waqti un naga xigto” isagoo sare u qaaday suurta-galnimada in kooxda ay ku biirto dowladda Suuriya oo ay hubka iska dhigto.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News