SO | EN

SO | EN

Erdogan oo sheegay in hoggaamiyaasha Isra’iil lagu xukumo dambiyo dagaal

|

Germany (KAAB TV) – Madaxweynaha dalka Turkiga Tayyip Erdogan shaaca ka qaaday in Isra;iil ey tahay dowladd argagixiso ah oo dambiyo nooc walba ah kageysatay gudaha Gaza iyadoo sameysay xadgudubyo kadhan ah sharciyada caalamiga ah.

Sidoo kale, Erdogan oo booqasho kutagay dalka Jarmalka labo maalmood kahor si uu kulan ula qaato Chancellor Olaf Scholz ayuu khudbad uu kajeediyay halkaas uu kusheegay, in ololaha milateri ee Isra’iil ee kadhanka ah Xamaaz ey qeyb kayihiin weerarada ugu khiyaanada badnaa ee taariikhda kadhaca aduunka iyadoo aan laqiyaasi karin taageerada Isra’iil ey kaheleyso reer Galbeedka.

Dhanka kale, madaxweyne Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in hoggaamiyaasha Isra’iil lagu xukumo dambiyo dagaal iyo in lahorgeeyo maxkamada caalamiga ee cadaaladda Hague, sidoo kale Erdogan ayaa markale kuceliyay in Xamaaz eysan aheyn Urur argagixiso ah balse ey yihiin Uru siyaasadeed kuguuleystay doorashooyinkii ugu dambeeyay.

Midowga Yuru, Mareykanka, Britian oo ah wadamadda reer Galbeedka iyo kuwo kamid ah wadamadda Carabta ayaa Xamaaz u arka in ey yihiin Ururu argagixiso ah.

Xukuumada madaxeyne Erdogan ayaa marti galisay qaar kamid ah xubnaha Ururka Xamaaz waxeyna taageertaa in xal labo dowladood ah laga gaaro colaada Isra’iil iyo Falastiin kadhex aloolsan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News