SO | EN

SO | EN

Erdogan oo u sheegay sida looga baahan yahay Saaxiibkiis Putin oo argagax la kulmay

|

Ankara (Kaab TV) – Dalka Ruushka waxaa soo maray saacado kooban oo argagax lahaa, waxaa shaki badan la galiyay awooddii uu lahaa madaxweynaha dalkaasi Vladamir Puntin, kaddib kacdoonkii ay sameeyeen ciidamada calooshood u shaqeestayaasha ah ee Wagner.

Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Teyyip Erdogan oo qadka telfoonka kula xiriiray dhigiisa madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin , ayuu ugu baaqay in uu is dejiyo una dhaqmo si caqli-gal ah, si kacdoonka dalkaasi ka bilowday loo dejiyo.

War kasoo baxay madaxtooyada Turkiga ayaa lagu sheegtay in labada dhinac ay ka wadahadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Ruushka, waxa uuna Erdogan u sheegay Putin in Turkigu uu diyaar u yahay inuu qaybtiisa ka qaato sidii xal nabadeed loo gaari lahaa.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa xariir dhaw la leh madaxweynaha Ruushka, waxa uuna hoggaamiyaha dib loo doortay ee dalka Turkiga oo kamid ahaa madaxdii ugu horeesay ee xiriirka la sameesay Putin oo galay xaalado adag oo jahwareer ah.

Kacdoonka ay sameeyeen ciidamada hubeesan ee calooshood u shaqeestayaasha Ruushka ee Wagner ayaa meesha ka saaray awooddii uu ku faani jiray madaxweyne Putin, waxaana Ruushka laga dareemay jahwareer iyo cabsi xooggan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News