MUQDISHO (KAAB TV) – James Swan, oo ah Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Kaalmada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Swan, oo ah diblumaasi Mareykan ah oo rug cadaa ah, ayaa xilka loo magacaabay bishii hore ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay dowladda Soomaaliya iyo madaxii hore ee Qaramada Midoobay, Catriona Laing, oo ah diblumaasi British ah oo xilkan haysay muddo sanad ah.
Danjire Laing ayaa ku dhawaaqday dhamaadka shaqadeeda May 21.
War qoraal ah oo uu soo saaray maanta, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida ay uga go’an tahay Mr. Swan in ay taageeraan “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed si ay u horumariyaan nabaddooda, amnigooda, horumarkooda, iyo mudnaanta dowlad-dhisidda”.
Ka hor inta uusan imaan Muqdisho, Swan waxa uu wadahadalo ballaaran la yeeshay hoggaanka xarumaha Qaramada Midoobay si loo xaqiijiyo kala-guurka fudud iyo toosinta ujeedooyinka istaraatiijiga ah.
Mr. Swan kuma cusba qalafsanaanta siyaasadda iyo horumarka Soomaaliya, isagoo horay u soo noqday ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa UNSOM 2019 ilaa 2022. waayo-aragnimada iyo rikoorka kobcinta iskaashiga caalamiga ah.
Dhacdo yaab leh ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in ay joojineyso howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka.
Si kastaba ha ahaatee, warkan ayaa si degdeg ah looga noqday saacado yar ka dib, ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda uu warqad u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo uu ku caddeeyay mowqifka dowladda iyo sida ay uga go’an tahay wadashaqeyn joogta ah oo ay la yeelato Qaramada Midoobay.
Marka Swan uu bilaabo shaqadiisa, waxaa diiradda lagu saari doonaa xasilinta xiriirka iyo xaqiijinta in dadaalka UNSOM ee horumarinta nabadda iyo dimoqraadiyadda iyadoo uu dalka ka socdo muran dastuuri ah iyo kala qaybsanaan siyaasadeed oo dalka kala dhantaashay.