MUQDISHO (KAAB TV) – UNSOM ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ku sheegtay in Swan uu diiradda saari doono sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed si ay u horumariyaan arrimaha nabadda, amniga, horumarka iyo dowlad dhisidda.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku dhawaaqay magacaabista Swan 14-kii May.
“Swan ka dib waxa uu kulamo ballaaran la qaatay hoggaanka xarunta Qaramada Midoobay ka hor inta uusan imaan Muqdisho,” ayuu yiri UNSOM.
Swan ayaa horay u soo noqday wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa UNSOM 2019 ilaa 2022,kadib muddo dheer oo uu ka soo shaqeeyay howlaha diblomaasiyadda ee Mareykanka.
Swan waxa uu ahaa ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha gobolka ee arrimaha Afrika intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2008, iyo agaasimaha falanqaynta Afrika ee Xafiiska Sirdoonka iyo Cilmi-baadhista ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee 2005 ilaa 2006.
Kahor inta uusan qaban shaqadan, Swan waxa uu shaqooyin kala duwan ku qabtay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Jamhuuriyadda Congo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.
Imaatinka Swan ayaa yimid ka dib markii ay Soomaaliya si rasmi ah uga codsatay Qaramada Midoobay in ay joojiso shaqada UNSOM ee dalka ka dib markii si qoto dheer loo tixgaliyay mudnaanta istaraatiijiyadeed.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa dhawaan sheegay in dowladda Soomaaliya aysan mar dambe codsan doonin in dib loo cusboonaysiiyo qaraarka tirsigiisu yahay 2705 (2023).