SO | EN

SO | EN

Ethiopia: Madaxii xisbiga PP ee gobolka Axmaarada oo toogasho lagu dilay

|

Addis Ababa (Kaab TV) – Madaxa xisbiga talada dalka Ethiopia haya ee Prosperity Party, laanta gobolka Axmaarada Girma Yeshitila ayaa toogasho lagu dilay, sida ay shaacisay warbaahinta gudaha.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga dilkan balse Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in sarkaalka xisbiga ay dileen “xag-jirayaal rabshado wata oo aaminsan in isaga [Girma] uusan yeelanin fikrad ka duwan kooda”.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay in Girma lagu dilay halkii uu ku dhashay kuna soo barbaaray.
Girma waxa uu xuddun u ahaa go’aankii muranka dhaliyay ee dowladda Ethiopia ee ahaa in la baabi’iyo ciidamada gaarka ah ee dowlad deegaanka oo “dib u habeyn lagu sameeyo” oo laga dhigo ciidan qaran, federaal iyo booliis caadi ah. 

Mudaaharaadyada balaaran ayaa ka dhacayey gobolka Axmaarada kuwaassoo lagaga soo horjeedo go’aanka kala dirista ciidamada gaarka ee gobollada ay heystaan.

Ra’isul Wasaare Abiy ayaa sheegay in kooxda loo igmaday dib u habaynta ciidamada ay awoodi waayeen inay si waafi ah shacabka ugu wargeliyaan qorshaha dib u habeynta ee la doonayo in ciidamada looga dhigo kuwo heer qaran oo hoostaga dowladda federaalka.

Amxaarada oo ka mid ah qowmiyadaha horey u soo qabtay xukunka dalka Ethiopia ayaa muddo dheerba qabay tabasho ay ku doonayaan sadbursi iyo xuquuq dheeraad ah. Waxayna ku doodayeen in gobolkooda uu xaq u leeyahay inuu yeesho is maamulkiisa gaarka ah oo ay ku jiraan heysashada ciidamadiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News