Muqdisho (Kaab TV)- Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaqday in shaqadii laga joojiyay dhamaan warbaahinta laga leeyahay dalka dibadiisa ee aan wax fasax ah ka haysan wakaalada maamulka warbaahinta.
Qoraal kasoo baxay Wakaaladda maamulka Warbaahinta Itoobiya (Ethiopian Media Authority) kadib waxa uu maamulka dowlad deegaanka Soomaalida ku dhawaaqay in illaa 14 telefishan oo kuwa Soomaalida ah aysan kasii shaqeyn doonin dalkaasi.
“Dhamaan warbaahinta kala duwan ee laga leeyahay dalka dibaddiisa ee raba inay ka dhaq-dhaqaaqaan gudaha dalka Itooboya, waa inay fasax ka haystaan wakaaladdan, daba-gal badan oo aan samaynay waxaan soo ogaanay inay deegaanka Soomaalida ka shaqeeyaan warbaahino laga leeyahay dalka dibaddiisa, kuwaasi oo wax fasax ah aan ka haysan wakaaladda maamulka warbaahinta Itoobiya,” ayaa lagu yiri warqada kasoo baxday wakaaladda.
Xafiiska Warfaafinta ee dowlad deegaanka Soomaalida oo ka duulaya warqaddaas heer federal kasoo baxday ayaa waxa uu shaqada ka joojiya telefishanada kala ah; MM TV, Universal TV, Horyaal TV, Eryal TV, Kalsan TV, CBA TV, Horn Cable TV, Star TV, RTN TV, STN TV, Goobjoog TV, SAAB TV, Sahan TV, Five TV iyo BBC Somali.