SO | EN

SO | EN

Beledweyne: Ku dhawaad 8 qof oo ku dhintay fatahaadda

|

Baledweyne (KAAB TV) –Waxa sii kordhaya tirada dadka ku geeriyooday fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka geystay xaadafaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ilaa 8 qof ayaa la xaqiijiyay iney ku geeriyoodeen fatahaadda wabiga Shabeelle ee magaalada Baladweyne 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay warbaahinta u sheegen maamulka degmada Baledweyne.

Maaamulka degmada Baledweyne ayaa sidoo kale sheegay in fatahaadu ay sababtay khasaare hantiyadeed oo baaxad leh iyo barakacii ugu xoogana dhowrkii sano ee lasoo dhaafay.

Duqa degmada Baledweyne Nadar Tabaax ayaa sheegtay in hay’addaha samafalka ay ka gaabiyeen wax ka qabashada xaaladaha ka dhashay fatahaada ee lasoo daristay dadkii ku noolaa xaafadaha Baledweyne oo intooda badan u barakacay deegaanka Ceel jaalle.

Nadar ayaa sidoo kale dalbatay in gurmad deg deg ah lala soo gaara dadka reer Baledweyne ee sida weyn u saameysay fatahaada.

xaafadaha magaalada Baledweyne waxaa wali ku dhex go’doonsan qoysas badan oo isugu tagay meelaha taaga ah ee ku yaala xaafadaha Baledweyne, iyadoo biyaha wabiga ay sii xoogeysanayaan saacadba saacada ka dambeysa.Sidoo kale waxaa jira qoysas badan oo ay saameysay fatahaadda, kuwaas oo u barakacay duleedka magaalada oo ay haatan ku haysato xaalad nololeed oo adag.

Maaamulka degmada Baledweyne ayaa sidoo kale farriin wxaxaay u direen dowladda federaalka iyo HirShabelle, iyaga oo ka codsaday inay gurmad bani’aadanimo oo deg-deg ah ay lasoo gaaraan reer Beledweyne.

Dhinaca kale Wabiga Shabeelle ayaa maanta ku fatahay qeybo ka mid xaafadaha degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Wabiga ayaa maanta bilaabay inuu ku fataho xaafada Indhaceel oo ka mid ah xaafadaha degmadaas, waxaana halkaas isaga barakacay shalay iyo maanta boqolaal qoys oo nolosha kala baxsanaya saameynta biyaha.

Fataahada wabiga ee degmada Buulaburte ayaa kusoo beegmeysa, iyadoo markii horaba dadkeeda ay la daalaan dhacayeen xaalado nololeed oo ka dhashay go’doon ay degmadaasi galiyeen kooxda As.

Waa markii labaad oo sanad gudahiisa uu wabiga Shabeelle fatahaad ka sameeyo degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan, waxaana xusid mudan in buundadad degmadaas ay tahay mid aad u liita kadib qaraxyo As ay la beegsaday dhamaadkii sanadkii ladoo dhaafay ee 2022

Gobolka hiiraan  waxaa sanad kastaa ku soo laa laabta fatahaado khasaare badan gaarsiiya shacabka, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Beledweyne.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News