Faah-faahin dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Garoowe

|

Garoowe  (KAAB TV) –Dagaal xooggan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Garoowe, gaar ahaan dhanka Bari ee magaalada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay warbaahinta in iska horimaadku uu ka dhacay deegaanka Beerta 22-aad, halkaas oo maleeshiyaad hubeysan ay isku fara saareen.

Israsaaseynta ayaa sababtay dhimashada hal qof, iyadoo saddex kale ay ku dhaawacmeen, sida la xaqiijiyay.

Dadka ku dhaawacmay dagaalka ayaa la sheegaya in loo qaaday isbitaallada magaalada Garoowe, halkaas oo xaaladdooda lagula tacaalayo.

Dagaalka ayaa salka ku hayay muran dhuleed oo u dhexeeyay kooxo hubeysan, sida ay wararku qaar ay sheegayaan.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta colaadu ka dhacday, hase yeeshee weli ma jiraan faah-faahin rasmi ah oo ay bixiyeen laamaha ammaanka.

Magaalada Gaorowe ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilalka ay geysanayaan kooxaha isku haya dhulka, mana jirto wax tallaabo adag ama maaro ah oo arrintaan uu ku wajahayo maamulka Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News