SO | EN

SO | EN

Faah-faahin laga helayo Duqeyn ka dhacday Degmada maxaas ee G/ Hiiraan

|

Maxaas(Kaab TV) -Diyaarado dagaal ayaa saaka duqaymo xoogan ka fuliyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Duqaymaha ayaa lala eegtay xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ku dhuumaalaysanayay aagagga degmada Maxaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

Waxaa jiro khasaare xooggan oo gaaray maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo wararku ay sheegayaan in weerarku uu ahaa mid xoogan oo si toos ah u beegsanayay dagaalameyaasha ka tirsan Al-shabaab ee ku sugan degmada.

Gobolka Hiiraan ayaa ka socda Guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, kaasi oo la doonayo in looga saara deegaanada ay ku sugan yihiin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News