SO | EN

SO | EN

Faahfaahin: 2 dhimasho iyo 2 dhaawac ah qarax ka dhacay agagaarka Stadium Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay, labo kalana way ku dhaawacmeen qarax qof ismiidaamiyay uu geystay oo ka dhacay agagaarka garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho maanta oo Arbaco ah, sida ay xaqiijiyeen booliska Muqdisho.

War kooban oo ka soo baxay ciidanka booliska Muqdisho ayaa lagu sheegay in abaare 4:00 galabnimo qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu ku qarxay meel u dhow garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho xilli ay socotay ciyaarta kubbadda cagta ee u dhexeysay kooxaha Galmudug iyo Banaadir.

Weerarka waxaa ku dhintay labo ruux, halka labo kalana ku dhaawacmeen oo dhammaantood ahaa shacab goobta ka dhowaan.

Uuro aad u weyn ayaa lagu arkay dusha sare ee garoonka markuu qaraxu dhacay iyadoo dad kumannaan ay ku jireen gudaha garoonka oo ay ciyaartu ka socotay.

Rasaas fara badan ayay ciidamada fureen taasoo aan la ogeyn inay dad wax ku noqdeen iyo in kale. Waxaana agagaarka garoonka oo markii horaba amnigooda la adkeeyay ay mar qira isu bedeshay mid kacsan iyadoo dadka meelaha ka dhowaa ay kala carareen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay weerarkan, waxayna sheegeen inay la beegsaden bar ay joogeen ciidanka nabadsugidda ee NISA.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News