MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca qaraxii xalay ka dhacay meel u dhow Warshadda Barafuunka ee hore ee magaalada Muqdisho.
Dhimashada ayaa hadda gaartay 9 ruux, halka tobaneeyo ay dhaawac yihiin.
Xalay boolisku waxay si hordhac ah u sheegeen dhimashada 5 ruux oo kaliya.
Isbitaallada qaar ayaa sheegaya in ddadkii dhaawacmay ay u geeriyoodeen qaraxa.
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay iyagu geysteen qaraxa.
Ma jirto faahfaahin kale oo ka soo baxday hay’adaha ammaanka ee Dowladda Soomaaliya.