SO | EN

SO | EN

Faahfaahin: Duqeyntii Jamaame oo ay ku dhinteen 12 shacab oo carruur ku jiraan

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Duqeyn diyaaradeed oo 15kii bishii hore ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa geysatay dhimashada 12 ruux oo ay ku jiraan carruur.

Ehelada dadka dhintay iyo muuqaallo laga heley goobta ayaa muujinaya baaxadda khasaaraha duqeyntan oo ay geysteen diyaarado weerar ku qaaday degmada Jamaame.

Duqeynta ayaa heshey goob ay rayid ku sugnaayeen oo dugsi Quraan, waxaana dadka dhintay ku jira illaa 8 carruur ah oo ka soo jeeda beesha Biyamaal oo ka mid ah beelaha deegaanka.

Waxaa dadka dhintay ku jira macalin dugsi Quraan oo ka mid ah dadkii ku sugnaa goobta madfacu haleelay.

Saddex ka mid ah dhimashada ayaa haween ah.

Duqeyntan waxaa sheegtay Taliska AFRICOM kaas oo war saxaafadeed kasoo baxay 17 Nofembar 2025 ku sheegay in duqeyn diyaaradeed ay ka geysteen meel waqooyi bari kaga beegan magaalada Kismaayo.

AFRICOM ma sheegin faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta khasaaraha.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News