SO | EN

SO | EN

FAAHFAAHIN: Qarax baabuur oo ka dhacay agagaarka madaxtooyada Muqdisho

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Dhowr qof ayaa geeriyootay, illaa 8 ruux oo kalana way dhaawacmeen ka dib markii maanta baabuur miineysan uu ku dhex qarxay agagaarka madaxtooyada magaalada Muqdisho.

Tirada dhimashada ayaa la sheegayaa inay 5 ruux gaarayaan.

Baabuurkan oo la sheegay inuu ahaa mid ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa, ahna nooca Toyota Surf, uuna watay hal ruux ayaa la soo dhigay afaafka hore ee maqaayadda Geel-doox oo ku dhow aagga Golaha Murtida oo ka tirsan xeyndaabka Villa Soomaaliya.

Dadweyne tiro badan ayaa ku sugnaa maqaayadda oo xilligaasi ku jirtay waqtiga qadada, taasoo sababtay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay noqdaan rayid.

Dhismayaal uu ku jiro Guriga Hooyooyinka ayay goob joogayaashu sheegeen inay daaqadihii ka daateen.

Goobta uu baabuurku ku qarxay waxay ka mid tahay baro ay ku wareegsan yihiin kontoroolo ay ku sugan yihiin ciidanka madaxtooyada, waxaana aagga ku yaalla xarumo dowladeed oo ay ku jiraan wasaarado iyo xafiisyo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News