Baardheere ( KAAB ) Qarax baabuur ayaa aroornimadii hore ee saaka lagu weeraray guri ay degmada Baardheere ee gobolka Gedo ka deganaayeen Masuuliyiin kala duwan.
Gurigan lagu weeraray waxaa degenaa Abaanduulaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga korneyl Axmed Cabdullaahi Xirsi (labaale), guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Bulle Gareed iyo Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirshiid Janan.
Dad goobjoogayaal ah ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah ilaaladoodii ay ku dhinteen Qaraxaasi iyadoo dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dhawaaqa rasaasta dhaceysa iyo hoobiyaal weli laga maqlayo aaga guriga martida ee weerarka is-miidaaminta ah lagu qaaday.
Ciidam fara badan ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana gebi ahaanba la xiray dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Baardheere ee gobolka Gedo.
Ma jiro cid sheegatay masuuliyadda weerarkan iyadoo sidoo kale weli dhinaca dowladdu aysan ka hadlin khasaaraha rasmiga ah.