SO | EN

SO | EN

Faahfaahin: Saddexdii xubnood ee Beesha Macallin Dhiblaawe ee NISA ay xirtay xalay

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa Kaab TV uu heley faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan xarigga lagula kacay saddex oday oo isku beel ahaa, kuwaasi oo xalay ciidan hubeysan oo ka tirsan hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka (NISA) ay xireen.

Saddexda oday ayaa kala ah: Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Cumar Cali Rooble oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ganacsade Cali Xaaji iimaan oo aad uga hadlay barakicinta sharci darrada ee dadka xaafadda Siinaay, iyo sidoo kale Gacansade Cabdulqaadir Maxamud Cilmi (Bulaale) oo ka mid ahaa dadkii diiday barakicinta shacabka masaakiinta ah.

Saddexdan oday ayaa kasoo jeeda Beesh Macallin Dhiblaawe ee Waceysle.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa cambaareeyay xariggoodda waxayna dalbadeen in deg deg loo siidaayo.

“Falkaan afduubka ah wuxuu waji gabax iyo ceeb ku yahay cid kasta oo soo abaabushay wuxuuna dhaawacayaa xasilloonida, amniga iyo kalsoonida bulshada ay ku qabi karto xukuumadda Federaalka ah oo markaan u soo dhar dhigatay, una bareertay ku xadgudubka karaamada shacabka iyo masuuliyiinta,” ayuu yiri Madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed.

Wuxuu ku baaqay in deg deg loo sii daayo.

Sidoo kale, Ra’isul Wasaare hore Xasan Cali Khayre ayaa cambaareeyay.

Saddexda oday waxaa la siidaayay xalay saqdii dhexe, iyadoo wax eed ah loo jeedin.

Sababta loo xiray?

Ilo ku dhow qoysaska ayaa sheegay in labo ka mid ah odayaasha Cumar Cali Rooble iyo Cali Xaaji Iimaan laga soo qabtay degmada Shibis, xilli ay ku sugnaayeen guryahooda.

NISA ayaa weerartay guryaha odayaashan oo kasoo xirtay.

Cumar Cali Rooble waa da’da 90aad sida uu dhowaan ka sheegay shirkii madasha mucaaradka ee Muqdisho.

“Xasan Sheekh hadduu rabo caawa labo xabbadood ha igu dhufto oo ha i dilo. Aniga waxaan ahay 90 jir laakiin waxaa dhibaatada ku jiraaya waa dhallinyarada yar yar,” ayuu yiri Cumar oo si kulul u dhaliilay barakicinta dadka rayidka ah ee guryahooda laga qaadanaayo oo uu wado Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale Cumar Cali Rooble oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si joogto ah uga hadli jiray warbaahinta, isagoo aad u cambaareyay madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka Muqdisho ku wada barakicin.

Sababta siideyntooda lama caddeynin, waxaana soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo amray in la siidaayo saddexda oday.

Beryahan waxaa Muqdisho ku sii badanaya caburinta iyo xarigga muwaadiniinta dhaliisha u jeedisa dowladda, iyada oo si gaar ah loo beegsanayo dadka ka hadla barakicinta shacabka iyo la wareegidda dhulalka danta guud oo la tilmaamay in sifo sharci darro ah loo xaraashaayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News