MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada Danab ku lahaayeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, weerarka kadib ayay ciidamada si xeeladeysan uga baxeen deegaanka, balse waxaa si degdeg ah uga falceliyay ciidanka dowladda oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah, waxaana lagu guuleystay in dib loo qabsado Wargaadhi.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Abuukar Macalim, ayaa sheegay in Al-Shabaab weerarka ay ka soo qaadeen hal jiho, hase yeeshee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay dib isu abaabuleen kadibna ay guulo ka gaareen dagaalkaas.
“Shabaab si xun ayaa loo jabiyay. Hadda waxaa deegaanka gacanta ku haya ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka,” ayuu yiri.
Dhinaca kale, Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in howlgal qorshaysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley lagu dilay in ka badan afartan xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Waxa lagu xusay in howlgalkan uu yimid kadib weerarkii ay kooxda ku qaaday deegaanka Wargaadhi.
Bayaanaka ayaa sidoo kale lagu sheegay in xaaladda deegaannadaasi ay hadda deggan tahay, islamarkaana gacanta dowladda ay si buuxda ugu jiraan.
Dhanka Al-Shabaab, waxay ku andacoodeen in ay qabsadeen deegaanka Wargaadhi, oo ku yaalla qiyaastii 189km u jirta magaalada Muqdisho, ayna gubeen saldhigga ciidamada Danab halkaasina ay ku dileen askar ka tirsan guutadaasi.
Dowladda Soomaaliya wali kama aysan jawaabin sheegashadaas.