MUQDISHO (Kaab TV) – Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, bartamaha Soomaaliya, taas oo ka mid ah meelaha yar ee wali ku harsan gacanta dowladda, xilli ay dagaalyahannadu sii wadaan inay dib ula wareegaan degmooyin iyo tuulooyin.
Guddoomiyaha degmada Ceeldheer ayaa sheegay in weerarkii Al-Shabaab ee Jimcaha la fashiliyey, islamarkaana la difaacay magaalada. Dadka deegaanka ayaa sidoo kale ammaanay geesinimada ciidamada deegaanka ee beelaha oo ka qeyb qaatay iska caabinta weerarka.
Inkasta oo ay ku guuldarreysteen Ceeldheer, Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegay in ka badan toban degmo iyo tuulooyin ku yaalla gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

