Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal ka dhacay degmada Qansaxdheere

|

Qansaxdheere (Kaab TV) –QansaxdheereDagaal ayaa shalay ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, kaas oo u dhaxeeyay ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidamo mucaarad ah oo isku magacaabay  Ciidamada badbaadada Koofur Galbeed.

 

Taliyaha horkacaya Ciidamada Mucaaradka ee ka dagaallamay Qansaxdheere oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in dagaalkooda uu salka ku hayo xuquuq ay sheegeen in muddo dheer ay ka maqan tahay.

 

Taliyaha ayaa xusay in ciidamadan ay muddo ku dhow 15 sano ay la’aayeen xuquuqdooda sida mushahaaraadkooda iyo garaamka Raashiinka ee ay xaq u lahaayeen, isagoo sidoo kale sheegay in degmada Qansaxdheere ay muddo ku jirtay go’doon, isla markaana askar ay uga dhinteen howlgalladii lagu xoreynayay deegaanka.

 

Sida uu sheegay, markii degmada la xorreeyay kadib wax dib-u-dhis ah laguma sameyn, ayna weli taagan tahay cabashada ciidamada.

 

Taliyaha ayaa ugu baaqay madaxweynaha Koofur Galbeed Laftagareen  in uu qabto doorasho si loo helo isbeddel siyaasadeed, isagoo intaas ku daray in dagaalkii saaka ka dhacay Qansaxdheere uu ku dhaawacmay hal qof oo uu ku tilmaamay inuu ka tirsanaa ciidamada taageersan maamulka Koonfur Galbeed balse aysan khasaare kale jirin oo xagooda soo gaartay

 

Xiisadda ayaa weli laga dareemayaa degmada Qansaxdheere. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Koofur Galbeed oo ku saabsan dagaalka maanta ka dhacay degmada Qansaxdheere.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News