SO | EN

SO | EN

Faahfaahino kasoo baxaya duqeymo culus oo ka dhacay deegaanka Basra

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warar dheeraad ah ayaa laga helaya duqeyn xoogan oo Xalay saqdii dhexe si weyn looga maqlay agagaarka deegaanka Basra oo ah deegaan istiraatiiji ah oo u dhaxeeya magaalooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Deegaanka Basra oo ku yaala xuduudda gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ayaa goobjoogayaal ku sugan waxay Warbaahinta u sheegeen iney maqleen jugta duqeynta ka dhacay nawaaxiga deegaanka Basra oo ah meel inta badan lagu arko saraakiisha sar sare ee Al-shabaab.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo duqeynta ayaa sheegaya in lala eegtay fariisin Al-shabaab ku lahayeen duleedka Basra, hase ahaatee wali si rasmi ah looma oga cida fulisay duqeynta iyo khasaaraha ka dhashay intaba.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo ku aadan duqeynta Xalay ka dhacay agagaarka deegaanka Basra oo la rumeysan in khasaare xoog leh kasoo gaartay Al-shabaab.

Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Mareykanka uu sanadkan si weyn u kordhiyay duqeymaha dhanka cirka ah ee la beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab iyo Daacish.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News