SO | EN

SO | EN

Madaafiic lagu weeraray Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) -Tiro hoobiyaal ah ayaa aroornimadii hore ee saakay lagu garaacay qeybo ka mid degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, waxaana hoobiyaasha qaarkood lasoo wariyay iney ku dhaceen xarunta taliska ciidamada AUSSOM ee Xalane oo ku taala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta u sheegay iney maqleen ilaa afar jug oo is xigxigay oo ku dhacay agagaarka garoonka Aadan Cadde.

Jugta hoobiyaasha ayaa guud ahaan tiradooda lagu sheegay ilaa lix jug ayaan la ogeyn labada kale halka ay ku dhaceen, hayeeshee wali si rasmi ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicda lagu weeraray xerada Xalane.

Kooxda Al-Shabaab ayaa daqiiqado kadib dhawaqa madaafiicda baraha ay ku leedahay Internetka ku baahisay inay ka dambeeyeen weerarka madaafiicda ah ee lagu beegsaday Xalane.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka dowladda Fedaraalka iyo dhanka taliska AUSSOM oo ku aadan weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda iyo hadii ay geysteen khasaare.

Ugu dambeyntii weerarkaan ayaa qeyb ka noqonaya weeraro madaafiic ah oo ay kooxdu sidaan oo kale dhowr jeer ugu weerartay Xerada Xalane iyo agagaarka xarunta Madaxtooyada Soomaaliya sanadkaan gudahiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News