Afgooye (Kaab TV)– Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaare ka dhashay qarax ka dhacay barqanimadii maanta qaybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu haleelay shacab marayay waddada, waxaana ku dhintay hal qof ayada oo uu ku dhaawacmay mid kale.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa warinayaa inuu ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa degmada Afgooye iyo deegaanka Mareerey ee gobolkaasi sida ey sheegeen ilo dadka deegaanka ah.
Ciidamada ammaanka ayaa qaraxa kadib howlgal kooban ka sameeyay duleedka degmada Afgooye balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.
Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qaraxyo iyo weerar toos ah ka fuliya gobolkan oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal waxaana qorshuhu yahay inay howlgallada kusoo biiraan ciidamo ka socdo waddada dariska la ah Soomaaliya.