SO | EN

SO | EN

Faahfaahinta Qaraxyo lagu weeraray Saldhiga ciidanka Itoobiya ee Doolow

|

Doolow (Kaab TV) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray xerada ciidanka Itoobiya ey kuleeyihiin degmada Doolow, qaraxyadan oo ahaa mid jugtooda laga maqlay xaafadaha degmada Doolow.

Sidoo kale wararka ayaa intaas kudaraya in qaraxa koowaad uu ahaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay midka kalana uu ahaa qof isku soo xiray waxlaha qarxa.

Dhanka kale qaraxyadan oo lagu bartilmaameed saday xerada ciidanka Itoobiya ee degmada Doolow ayaa lagu soo waramayaa haatan in degmada Doolow ey kajirto xaalad aan wanagaasaneen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in magaalada wali laga dareemayo xaalad kacsanaan ah sidoo kale wali macada qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadan lagu weeraray xerada ciidanka Itoobiya ey kuleeyihiin degmada Doolow.

Dhan kale Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada qaraxyadan, Kooxda ayaa baryihii udambeeyay waxeyga xoogga saartay weerarada qaraxyada kubilowdo oo ay kuqaadaan xerooyinka ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS, dhawaan ayey aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab ey wareerareen saldhiga ciidamada Uganda ey kuleeyihiin Buulo Mareer, kaas oo ay cagta ku mariyeen saldhiga.

Sidoo kale wali wax hadal ah kama soo bixin laamaha amaanka iyo kan maamulka Gedo oo ku aadan weerarkan qaraxyada ah.

Qaraxyadan ayaa imaanayo, xili uu madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, uu xalay xubno maamul cusub ah uu u magacaabay gobolka Gedo.

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News