MUQDISHO (KAAB TV) – Weerar bilawday xalay fiidkii ayaa soo gaaray saaka, kaasoo kooxda Al-Shabaab ay ku soo qaadeen dhismaha Hotelka SYL oo ah goob ay deggan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Dadka ayaa is weydiinaya su’aalo badan oo ku saabsan sida baabuurka qaraxyada iyo kooxda weerarka geysatay ay ugu suuragashay inay gaaraan hotelka oo ku dhex yaalla xeyn daabka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, halkaasoo ammaankeeda aad loo adkeeyo.