FAALLO: DUQEYMAHA MAREYKANKA IYO ISRAEL EE IRAN

|

LONDON (Kaab TV) – Saaka oo Sabti ah waxay ciidanka Mareykanka iyo Israel duqeymo ku qaadeen gudaha Iran.

Illaa hadda goobaha la beegsaday waa ku dhowaad 30 goobood. Waxaa ka mid ah hoyga iyo xafiiska Aayatolah Khamenei. Lama oga halkuu aaday wadaadka.

Waxaa kaloo la beegsaday xarunta taliska sirdoonka, iyo xafiisyada hoggaanka Ilaalada Kacaanka Qudus oo ay Mareykanka u yaqaanaan argagixiso caalami ah.

Rag sare oo Ilaalada Kacaanka Iran ee IRGC ayaa la sheegayaa inay dhinteen ama dhaawacmeen. Waase adag tahay in xog sugan laga helo gudaha Iran.

BILAWGA DUULAANKA IYO SABTI?

Weerarka oo shalay diyaarsanaa waxaa dib loogu dhigay inuu billawdo Sabtida oo ah maalinta ay xafiisyada soo galaan madaxda sirdoonka iyo kuwa dowladda Khamenei si loo wiiqo awoodooda, loona beegsado hoggaanka sare.

Weerarka waxaa laga billaabay dhanka koonfureed magaalada ku taalla Chabahar. Sababta waa in gantaalaha difaaca hawada ay halkaas yaalleen. Waana la burburiyay.

Intaas ka dib ayaa la garaacay fariisimaha caasimadda Tehran iyo magaalooyin kale.

Iran waxay hadda wajahaysaa qalabkeeda difaaca oo qaarkiis la burburiyay, iyo rasaasta gantaalaha cirka oo aad ugu yar.

Mareykanka iyo Israel waxay ciyaarayaan qorshe ah: in duqeymaha hawada lagu diciifiyo dhamaanba awoodda militari ee Iran, kadibna laga fekero in hawlgalo kooban laga fuliyo gudaha kuwaas oo lagu beegsanayo madaxda sare ee rijiimka.

HAL AAN HOREY U DHICI JIRIN

Marka Iran la duqeeyo sida badan jawaabteeda way soo daahi jirtay oo maalmo ayay qaadan jirtay, balse saaka rijiimka Iran saacado gudahood ayuu gantaalo ugu qeybiyay wadamada Khaliijka Carabta iyo xitaa Israel taas oo muujineysa in hadda aysan jirin wax #Iran ay xeerineyso iyo cid ay u aabo-yeeleyso toona, gaar ahaan goobaha rayidka ee ay beegsanayaan gantaalaha #Tehran ka imaanaya.

UJEEDKA MUXUU YAHAY?

Duulaankan waa ka duwan yahay kuwii hore oo markasta waqti kooban inta la duqeeyo xarumaha nukliyerka iyo kuwa ciidamada laga soo bixi jiray. Walow uu Madaxweyne ku Xigeenka Mareykanka sheegay inaysan dooneyn “dagaal daba dheeraada” oo Mareykanku ku lug yeesho.

Donald Trump wuxuu saaka hadal siiyay Wargeyska Washington Post wuxuuna sheegay in hawlgalkaan uu yahay mid “xorriyad” iyo “amni” looga dhigaayo Iran.

Balse, Raisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa farriin uu soo duubay ku sheegay in duqeymaha ay socon karaan illaa intaa loo baahan yahay, ama ay muhiim yihiin.

Tani micneheedu waa inuu jiro qorshe fog oo la doonaayo in looga fuliyo Iran; in marka hore la naafeeyo Khamenei iyo xukunkiisa, ka dibna lagu qasbo inay is dhiibaan ama cararaan, markaa ka bacdina dowlad shacbi looga dhiso Iran.

Su’aashuse waxay tahay: yaa u diyaarsan inuu qabto hoggaanka Iran. Ma jiro mucaarad mideysan, dalkana kuma noola oo waa hore ayaa qaar la dilay, qaarna ay carareen.

Dhanka kale, Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqay weerarro cusub oo ka dhan ah maraakiibta Badda Cas, taasoo ka dhigan in colaaddan ay si degdeg ah isu beddeshay mid gobol oo wejiyo badan leh.

(Muuqaalka waa saaka iyo Tehran oo toos ay gantaaladu ugu hoobanayaan).

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News