SO | EN

SO | EN

Facebook oo 20 jirsatay: Soomaalida isticmaasha

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa maanta oo ah 4 February ay ku beegan tahay 20 guurada markii la aas-aasay barta Facebook oo markaasi lagu bilaabay ‘The Facebook’ markii dambana loo beddelay ‘Facebook.

Facebook oo ah bar ay dadka ku wada xiriiraan aya sidoo kale noqotay aalad wararka iyo macluumaadka dadka dunida ku kala qaataan, xog iyo aqoona la isugu gudbiyo.

In ka badan 3 bilyan oo shakhsi ayaa Facebook ku jirtay, sida ay muujineyso tirakoobka u dambeeya ee 2023 ay shaacisay shirkaddan oo hadda hoostagta Meta.

Soomaalida, waxay ka mid tahay dadyowga aadka u isticmaala Facebook. Weli waa barta koowaad ee dhanka baraha bulshada ee ay Afrikaanka iyo Soomaalida u adeegsadaan faafinta wararka iyo kala xog qaadashada.

Haddaba, Kaab TV ayaa weydiiyay qaar ka mid ah dhallinyarada Muqdisho sida ay ku bilaabeen isticmaalka Facebook iyo waxa ay u adeegsadaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News