SO | EN

Fadeexad Musuqmaasuq: Xafiiska RW Soomaaliya vs Hay’adda FCA – (CADDEYMO Qeybta 2aad)

|

Muqdisho (Kaab TV) – Taariikhdu markay ahayd 1dii Nofembar 2022, madaxa hay’adda Finnish Church Aid (FCA) u qaabilsan Soomaaliya, Ikali Karvinen ayaa warqad u diray Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya isagoo la wadaagay warbixinta xisaab-xirka ee hay’adda ay ku sameysay hawlaheeda Soomaaliya taasoo muujineysa lacag ku maqan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Sida ku cad qoraallo email, oo uu heley Kaab TV oo ay labada dhinac is dhaafsadeen, wuxuu Ikali Karvinen ka dalbaday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in dib loogu soo celiyo lacag dhan 50,000 Yuuro taasoo ku maqan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayna ku isticmaaleen, sida la sheegay kireynta diyaarado bishii Febraayo 2021, hase yeeshee laga been abuurtay.

AKHRI QEYBTII 1AAD EE WARBIXINTA

Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Faadumo Cabdi Cali, ayaa email jawaab ah u qortay Ikali Karvinen, waxayna u sheegtay inay “Xafiiska soo gaartay warbixintiisa 1dii Nofembar 2022, iyo inay uga mahadcelineyso jawaabta deg degga ah”

Hase yeeshee waxay Faadumo Cabdi Cali sheegtay in nasiib darro ay tahay in hay’adda FCA ay weli ku adkeysaneyso warbixinta hanti-dhowrka oo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ku tilmaamay mid “dhinac u raran.”

“Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa horay idiinkala hadlay sida ay arrintu u culus tahay, waxaana idiin soo bandhignay cadeyn. Waxaa nasiib darro ah in xafiiskaagu uu weli taagan yahay oo uu sii wado adeegsiga warbixinta hanti-dhowrka ee khaldan sidii inay tahay warbixin rasmi ah si loo gaaro go’aan dhinac u raran oo cawaaqib yeelan kara,” ayey qoraalka emailkeeda ku tiri Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Faadumo Cabdi Cali.

Intaas kuma ekaan, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Faadumo Cabdi Cali waxay hanjabaad u jeedisay madaxa hay’adda FCA u qaabilsan Soomaaliya, Ikali Karvinen iyadoo tiri “Waxaan kaa codsaneynaa inaad si iskaashi leh uga jawaabto foomka codsiga tafaasiisha ee ku jira lifaaqan si aan u helno cadeyn/jawaab faahfaahsan oo cayiman oo la xiriira eedeymaha lagu sheegay warbixinta hanti dhowrkiinna gudaha, waxaana kaa fileynaa inaad jawaabtan u soo gudbiso sida ugu dhaqsaha badan.

Faadumo ayaa qoraalkeeda ku soo gabagebeysay “Waxa aanu ogaysiin doonaa hanti dhawreheenna guud iyo xeer ilaaliyaha guud kuwaas oo si rasmi ah kula soo xiriiri doona haddii loo baahdo su’aalo dheeraad ah.”

Haddaba sidee ayuu Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ugu lug yeeshay kiiskan?

  • 31 Jannaayo 2021 ayaa Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Dr. Maxamed Ibraahim wuxuu la xiriiray hay’adda FCA, wuxuuna ka codsaday hay’adda FCA inay ka taageerto Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya kireynta diyaarado loo kireynaayo madaxda Maamul Gobolleedyada iyo kuwa Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay Dhuusamareeb 1-4 Febraayo 2021.
  • Sida ku cad warqad uu qoray 1dii Febraayo 2021 Madaxii hore ee FCA u qaabilsanaa Soomaaliya Mika Jokivuori (hadda waa la beddelay), Hay’adda FCA ayaa aqbashay inay taageerto qabashada shirka Madasha Wadatashiga Qaran, oo xilligaasi la doonayey in la isugu dhoweeyo madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Gobolleedyada oo si weyn isugu khilaafsanaa nooca doorashada dalka ka dhacaysa.
  • Iyadoo la raacayo xeerarka u degsan hay’adda, FCA waxay soo jeedisay in la tartansiiyo illaa saddex shirkadood oo kuwa diyaaradaha ah, kadibna qandaraaska la siiyo shirkadda ku guuleysata tartanka.
  • 1dii Febraayo 2021 ayuu Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Dr. Maxamed Ibraahim warqad uu qoray, kuna socodsiiyay waaxda hawlgalka iyo sahayda ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ku sheegay inaysan suurtagal ahayn in tartan furan la qabto si loo xusho shirkad diyaaradeed oo ku habboon qandaraaska kireynta diyaaradaha, wuxuuna ku sababeeyey arrintaasi labo qodob:
    (1) xaaladda amniga oo aan saamaxeynin iyo;
    (2) waqtiga oo ciriiri ahaa maadaama shirka Madasha Wadatashiga Qaran si
    dhakhso ah loo qabanayey.
  • Madaxii hore ee FCA u qaabilsanaa Soomaaliya Mika Jokivuori wuxuu warqad uu u qoray maamulka sare ee hay’adda FCA 1dii Febraayo 2021 ku sheegay in beesha caalamka ay taageersan tahay qabashada shirka Madasha Wadatashiga Qaran, isla markaana Qaramada Midoobay ay durba ballanqaaday inay diyaarado ku soo daabuleyso qaar ka mid ah ergada shirka.
  • Mika Jokivuori wuxuu sidoo kale sheegay in labo nin oo Soomaalida Finland ka tirsan oo kala ah: Jaamac Cigaal iyo Mahdi Cabdile ay saameyn weyn ku leeyihiin madaxda sare ee dowladda iyo bulshada rayidka ee heer federaal iyo heer maamul gobolleed, ayna si fudud u hoggaamin karaan geeddi socodka nabadda ee dalka oo dhan.
Xoghayihii Joogtada (hore) ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Maxamed Ibraahim.

Taano Travel Agency

Dr. Maxamed Ibraahim wuxuu warqaddiisa oo lagu socodsiiyay waaxda hawlgalka iyo saadka ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha uu ku wargeliyay “in la ansixiyo oo la dhaqangeliyo codsigan halka shirkad keliya looga kireysanaayo 7 diyaaradood, maadaama arrintu degdeg tahay.”

“Qaansheegadka ka yimid shirkaddan waa USD 169,400 sida ay soo gudbiyeen,” ayuu yiri Dr. Maxamed Ibraahim.

Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Dr. Maxamed Ibraahim wuxuu kaloo dalbaday in la qaato shirkadda Taano Travel Agency inay keligeed shaqada qabato.

Warqadda Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Dr. Maxamed Ibraahim.

 

Warqadda madaxii hore ee FCA ku aqbalay taageeridda shirka Dhuusamareeb.

Isdabamarinta dhacday 

Sida ay sheegeyso warbixinta hanti-dhowrka FCA, ma jirin wax diyaarad ah oo loo kireeyay madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Gobolleedyada. Dhammaan dukumintiyada loo adeegsaday qandaraaska kireynta diyaaradaha ayaa ahaa kuwo la been abuuray.

“Inkasta oo hal shirkad kaliya lala macaamilay oo uu jiray qiil dhanka waqtiga oo ciriiri ahaa iyo cabsida amniga, baaritaanka xisaabaadka wuxuu muujinayaa in dhammaan hawlaha qandaraaska sida qiimeynta sicirka iyo qaan-sheegadka la fuliyay hal maalin gudaheed (1 Febraayo 2021) iyadoo dhammaan dukumeentiyada loo baahnaa la diyaariyay isla maalintaas. Dhab ahaantii suurtagal ma’aha in hal maalin lagu dhameystiro waxaas oo dukuminti ah oo la xiriira kireynta shan diyaaradood hal maalin gudaheed,” ayey ku dartay warbixinta hanti-dhowrka FCA.

Warbixinta hanti-dhowrka hay’adda FCA ayaa soo ogaatay in Taano Travel Agency aysan lahayn wax diyaarad ah oo laga kireysto, isla markaana aysan xitaa aheyn shirkad safar. Waxaa kaloo la ogaaday in qofka ‘sheegtay’ inuu maamule ka yahay Taano Travel Agency uu laf ahaantiisa ahaa sarkaal ka shaqeynayey isla Xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Puntland iyo Galmudug oo kashifay musuqa

Baaritaanka hanti-dhowrka ayaa lagu wareystay afar qof oo labo ay yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasoo sheegay in madaxweynaha Puntland iyo Galmudug ay iyagu kireysteen diyaaradahooda.

“Sarkaal sare oo ka tirsan madaxtooyada Galmudug iyo wasiir ka tirsan Puntland ayaa sheegay in aysan arag wax diyaarad ah oo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha u soo kireeyay madaxdooda,” ayey tiri warbixinta FCA.

Dalabka lacag celinta FCA

Kaddib warbixinta hanti-dhowrka ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland oo horey u bixiyay lacagtan, taasoo qeyb ka ahayd mashruuca mideeye ee taageridda dib u heshiisiinta Soomaaliya, waxay dalbatay in dib loogu soo celiyo 50,000 Yuuro. Lacagta 50,000 oo Yuuro ayaa qeyb ka ah lacag $169,400 oo Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu ka dalbaday hay’adda FCA.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland ayaa sheegtay in ay billowday baaritaan madax-bannaan oo lagu baarayo hawlaha hay’adda FCA si loo hubiyo in ay “qaaddo tallaabooyin ku filan oo lagu xoojinayo hababka maaraynta khataraha.”

War saxaafadeed ay soo saartay 20kii Abril 2023, Hay’adda FCA waxay qirtay in lacagtan ay maqan tahay, waxayna ballanqaaday inay bixineyso lacagta 50,000 Yuuro oo dib ay ugu celineyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Finland. Hase ahaatee, FCA ayaa iyaduna dhankeeda ka dalbatay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya in loo soo celiyo lacagta ka maqan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News