DOXA (KAAB TV) – Waxaa maanta oo Sbati ah lagu wadaa baarlamaanka labdiisa gole in cod gacan taag looqaado afarta cutub ee Dastuurka oo wax kabadal lagu sameeyay.
Wax ka bedelka dastuurta ayaa waxaa ka si cad udiiday Madaxweynayaal iyo Ra’isul Wasaarayaal hore, oo ay ka mid yihiin, Maxamed Cabdullahi Faramaajo, Shariif Sheekh Axmed, iyo Xasan Cali Kheyre waxaa ka kaloo ka soo horjeestay siyaasiyiin, xildhibaano iyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.
Sidoo waxaa xalay war qoraal soo saaray Agaasimihii hore ee hay’adda Nisa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waxa uu kusheegay talaabada wax looga bedalaayo Dastuurka in ay tahay shirqool ay ka dambeyso dowladda Imaaraadaka Carabta.
Qoraalka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir aay uqornaa sidantan.
Waxaan la wadaagayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed hadal taariikhi ah oo xiriir la leh mustaqbalka dalka, waana shirqoolkii ugu halista badnaa oo la fulinayo iyadoo la adeegsanayo maskaxda iyo gacmaha masuuliyiin haya xilal qaran. Dowladda Imaaraadka Carabta oo dhawr jeer isku dayday qorshahan ayaa heshay fursad dahabi ah, waana in dalka Soomaaliya la galiyo qalalaase iyo burbur uusan ka soo kaban karin muddo dheer.
Qorshaha koowaad waa in ciidanka qaranka la wiiqo ilaa uu ka gaaro heer uu burburo, gobol walbana loo dhiso ciidamo u gooni ah. Shirqoolkan sanad iyo barkii u danbeeyey ayaa la waday. Xaaladda uu Ciidanka Qaranku ku suganyahay maantay qofkii xog ogaal ahi kama qarsoona.
Wajiga labaad ee qorshaha Imaaraatka waa in la burburiyo xariga isku haya siyaasadda dalka, waana dastuurka kumeel gaarka ah. Haddii dastuurkaas meesha ka baxo waa buundo loogu sii gudbayo wajiga saddexaad oo ah in maamullada dalka qaarkood ku dhawaaqaan iney goosteen oo ay ku daydaan Somaliland, waxaana diyaarsan laba kamid ah maamul goboleedyada dalka.
Cid walba oo laxaw uu ka hayo midnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed, waxaa maanta saaran waajib wadani ah, oo ah sidii dalka looga badbaadin lahaa shirqoolkaas halista ku ah jiritaanka iyo wadajirka dalka.