JOWHAR (KAAB TV) -Gobolka Shabeelada Dhexe gaar ahaan tuulooyin hoostaga Deegaanka Wargaadhi waxaa ku afduuban ilaa 7 gaari oo ay saaranyihiin 130 rakaab ah oo kusii socday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kana ambabaxay Muqdisho.
Dadkan ayaa isugu jira waayeelo, haween iyo caruur waxaana wararku sheegayaan in mudo labo maalin ah ay ku afduubanyihiin halkaasi laga soo bilaabo shalay Afar Saaci la ahaatan, waxaana ka go”ay sahaydii ay wateen
Afduubka Gaadiidkan ayaa ka dambeeyay kadib markii nin lagu magacaabo Cali Soo coo jooga Degmada Matabaan uu afduubtay Gaari inataree ah oo laga leeyahay gobolka Shabelada Dhexe kaasi oo isna tirsanaya in qaad looga dhacay gobolka Shabelada Dhexe.
Hadaba waxaa laga deerinayaa xaalada dadka ku afduuban gobolka Shabelada Dhexe kuwaasi oo la tilmaamay in xalay dhan u uku da”ayay roob mahiigaan ah
Marka laga tago 7 gaadiid ee lagu afduubtay gobolka Shabelada Dhexe axaa jira gaari inataree ah oo isna lagu afduubtay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan kaasi oo xiriir laleh afduubka shabelada dhexe
Cali Sooc oo ku sugan banaanka Matabaan una Afduuban Gaari Inataree ah iyo dadkii saarnaa ayaa sheegay in hanti badan ay kaga maqantahay gobolka Shabelada Dhexe oo looga bililiqeestay sida uu sheegay.
Hantidaas ayuu tilmaamay in dad badan ay leeyihiin isaga shaqsiyadiisana uu ku leeyahay inkabadan 1000,000 oo doolar, waxaana hantidaas u uku sheegauy in ay ahayd qaad fara badan oo looga dhacay degmada Aadan Yabaal ilaa lacagtaas laga siinayana uusan gaariga sii dayn doonin.
Maamulka Hirshabelle iyo dowladda dhexe ayaa looga fadhiyaa sidii ay umaarteen lahayd Afduubkan kala aarsashada ah oo ay dhibanaha u yihiin shacabka faraha badan ee Musaafirka ah.