Ciyaarta kama dambaysta ah ee Koobka Adduunka 2026 ayaa caawa si weyn loo wada sugayaa, iyadoo ay foodda is dari doonaan xulalka Spain iyo Argentina si ay ugu tartamaan hanashada koobka adduunka.
Labada xul ayaa soo gaaray finalka kadib markii Spain ay semifinalka ku reebtay France, halka Argentina ay ka adkaatay England.
Ciyaarta ayaa ka dhici doonta garoonka New York New Jersey Stadium, iyadoo taageerayaal badan ay indhaha ku hayaan loollanka labada quwadood ee kubadda cagta.
Dhanka kale, xulka England ayaa xalay ku guuleystay kaalinta saddexaad ee tartanka, kadib markii uu 6–4 kaga adkaaday France ciyaar xiiso badan oo noqotay mid ka mid ah kuwii ugu goolasha badnaa taariikhda kulamada kaalinta saddexaad ee Koobka Adduunka.


