SO | EN

FALANQEYN: WADA HADALKA Xasan Sheekh Iyo Shabaab

|

NAIROBI (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada qorshe ay kula hadleyso kooxda Al-shabaab, taasoo ay dhexdhexaadineyso Dowladda Qadar.

Waxaa qorshahan taageeraaya Mareykanka, Midowga Yurub iyo Norway.

Haddaba wada hadalkaan Nabad ma keeni kartaa?

Al-Shabaab waa kooxda argagixsada ah ee weli caalamka ugu jirta liiska argagixisada caalamiga ah. Arrinta wada hadalka ayaa durba dhaliyay dhowr su’aalood oo muhiim ah oo ku saabsan mustaqbalka nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ma aqoonsan doontaa Dastuurka Soomaaliya?

Waxyaabha ugu horrayn waxaa ka mid ah in Al-shabaab oo taariikh ahaan ka soo horjeeda dawladda Soomaaliya iyo dastuurkeeda, ma aqoonsan doonaan oo ay ku dhaqmi doonaan?

Ka warran Dadka Rayidka ah ee lagu xasuuqay weerarada foosha xun ee Al-Shabaab ay dalka ka geysaneysay muddo ku dhow 20 sano?

Al-Shabaab ayaa marar badan mas’uul ka ahaa weeraro ay dad rayid ah ku waxyeeloobeen. Saamaynta dadkan rayidka ah iyo qoysaskooda ayaa ah mid aad u sarreeya. Waxaa jira su’aalo is weydiin mudan oo ku saabsan in kooxda lagula xisaabtami doono gabood-falladaas iyo sida cadaaladda loo horgeyn doono dadka la xasuuqay.

Ma jiri doontaa wax la xisaabtan ah?

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News