MUQDISHO (KAAB TV) – Ka dib markii uu taliska booliska dhowaan ku dhawaaway inay xireen dad aragtiyo kala duwan ku muujiyay baraha bulshada ayaa waxaa dadweynaha ay muujinayaan cabsi baaxad leh.
Dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay in cabsida hadda soo wajahday dadweynaha ay horseeday in dadka ay billaabaan inay aragtidooda ku muujiyaan hab qarsoodi ah.
Dadweynaha ayaa ka digay in tallaabooyinka lagu beegsanaayo dadweynaha aragtidooda muujiyay ay keeni karto in xorriyadda hadalka iyo xuquuqda sharci ee dadweynaha ay halis gali doonto.