SO | EN

SO | EN

Falcelin ka dhalatay hadal Madaalle uu ku weeraray Gabadhaha Muqdisho.

|

Muqdisho (KAAB )- Guddoomiyaha Gobolka Banadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Madaalle ayaa sheegay in wax lala yaabo ay tahay in waqti saq dhexe ah ay banaanka joogaan gabadhaha Soomaaliyeed.

Hadal uu jeediyay ayuu ku sheegay in caasimada ay ku soo badanayaan waxyaabo anshax xuma ah oo laga soo min guuriyay dalalka Yurub sida uu hadalka u dhigay .

Waxa uu soo hadal qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu la dagaalami doono waxkasta oo ay u arkaan in ay wax u dhimayaan anshaxa suuban isla markaana gobolka Banaadir aan laga aqbali doonin.

Laakiin durbadiiba waxaa arintan ka falceliyay bulsho badan oo ku xiran baraha bulshada.

Qaar ka mid ah ayaa sheegay in Madaalle ay u  taalo shaqo ka balaaran ku mashquulka haweenka  jirkooda  iyo kuwo kale ee habeenkii aada aroosyada .

Kuwo kale oo baraha bulshada hadalkan kaga falceliyay ayaa sheegay in magaalada ay ka jiraan dilal taasna ay tahay wax loo baahan yahay inuu ka shaqeeyo Guddoomiye Madaalle.

Si kastaba marar badan ayaa sidan oo kale Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho u sheegay in aysan ku haboonayn gobolka Banaadir waxyaabaha dhaqan dooriska ah.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News