Paris (KAAB TV) – Dhamaan kooxaha kaciyaara dalka Faransiiska ayaa laga mamnuucay xirashada Xijaabka hadii ey doonayaaan in ey ka qeyb galaan xili ciyaareedka olombikada ee soo socdo.
Sidoo kale, iyadoo latixgalinaayo shuruucda udagan dalka oo ay kamid yihiin mamnuucista xirashada Cabaayada ee goobaha waxbarashada iyo dhamaan ka qeyb galayaasha wafdiga Faransiiska ayaa laga joojiya inta lagu guda jiro xili ciyaareedka 2024-ka.
Faransiiska ayaa gabi ahaanba kasoo horjeedo muujinta Diinta in lagu guda jiro dhacdooyinka laxiriira Sportska.
Dhanka kale, Wasiirka ciyaaraha dalka Faransiiska Amélie Oudéa-Castéra ayaa kudhawaaqay go’ankan sida ey qortay warbaahinta dalka Faransiiska France24.
Go’aankan, sida uu sheegay wasiirka ciyaaraha Faransiiska, macnaheedu waa dhexdhexaadnimo buuxda oo dadweynaha ah, inkastoo aan meel kasta laga soo dhaweyn.
Faransiiska ayaa sanadahan dambe la soo baxay siyaasad ka dhan ah muslimiinta dalkaas iyo guud ahaan diinta Islaamka, taasoo ka careysiisay muslimiin badan oo caalamka ku baahsan.