HARGEYSA (Kaab TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada kulan diblomaasiyadeed oo muhiim ah kula yeeshay Safiir ku-xigeenka Dawladda Faransiiska u fadhiya Jamhuuriyadda Kenya, 𝐑𝐨𝐦𝐚𝐢𝐧 𝐉𝐎𝐋𝐘 iyo Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka Somaliland.
Weftiga ka socday dalka Faransiiska, oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee booqasho rasmi ah ku yimaada Somaliland, ayaa Madaxweynuhu waxa uu ugu horrayn uga mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, isaga oo sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay xoojinta iyo horumarinta xidhiidhka labada dhinac, gaar ahaan dhinacyada diblomaasiyadda, Ganacsiga, Maalgashiga, Dalxiiska, Dhaqanka iyo is-weydaarsiga Aqoonta.
Weftiga waxa ka mid ahaa Dr. Xavier Gutherz oo ah Khabiir Caalami ah oo indhaha Bulshada Caalamka ku baraarujiyey muhiimadda Taariikheed ee uu leeyahay Aasaarta Qadiimiga ah ee Laas Geel, Somaliland.
Muhiimad gaar ah waxa lahaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu si buuxda u taageeray mashruuca”𝗣𝗿𝗼𝘁𝗲𝗰𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗮𝗻𝗱 𝗣𝗿𝗼𝗺𝗼𝘁𝗶𝗼𝗻 𝗼𝗳 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱’𝘀 𝗖𝘂𝗹𝘁𝘂𝗿𝗮𝗹 𝗮𝗻𝗱 𝗔𝗿𝗰𝗵𝗲𝗼𝗹𝗼𝗴𝗶𝗰𝗮𝗹 𝗛𝗲𝗿𝗶𝘁𝗮𝗴𝗲: Ilaalinta iyo Horumarinta Dhaxalka Dhaqanka Somaliland” oo ay maalgelinayso Dawladda Faransiisku, isaga oo Dr. Xavier Gutherz guddoonsiiyey Shahaado Sharaf lagu bogaadinayo isaga iyo kooxdiisa dedaalka weyn ee ay ku bixiyeen ilaalinta iyo badbaadinta Aasaarta iyo Dhaxalka Taariikheed ee Somaliland.
Dhinaca kale, Madaxweynuhu waxa uu Weftiga u faahfaahiyey fursadaha ballaadhan ee ka jira dalka Somaliland, gaar ahaan jawiga nabdoon, xasilloonida siyaasadeed iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee ka jiraSomaliland, kuwaasi oo saldhig u ah in labada dal ay yeeshaan iskaashi dhinacyo badan leh oo midho-dhal ah.
Cirro waxa uu adkeeyey in Somaliland ay diyaar u tahay in ay balaadhiso iskaashiga ay la leedahay Dalka Faransiiska, isla markaana ay danaynayso in la xoojiyo wada shaqaynta ku saabsan horumarinta ganacsiga, dhiirrigelinta maalgashiga, kor u qaadista waxbarashada iyo kobcinta xidhiidhada dhaqameed.
Isaguna dhankiisa, Safiir-ku-xigeenka Dawladda Faransiska ee dalka Kenya, Mudane Romain JOLY ayaa Madaxweynaha uga mahadnaqay soo dhaweynta qiimaha leh, isaga oo muujiyey in Faransiisku danaynayo kobcinta xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland, isla markaana uu qiimeynayo doorka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay nabadda iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika.
Kulanka ayaa ku soo gebogeboobay is-faham iyo rabitaan wadajir ah oo ku saabsan sii xoojinta wada-shaqaynta iyo iskaashiga labada dhinac, si loo gaadho dano wadaag ah iyo iskaashi waara oo u adeegaya horumarka labada dal.

