Muqdisho (KAAB TV) -Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa si kulul weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kuna eedeeyay Burburinta Madasha Wadatashiga Qaranka.
Farmaajo waxa uu ku tilmaamay Shirkii Madasha in lagu abaabulay qorshaha xukun-maroorsiga ah ee uu ku doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu Madasha u beddelo xisbi isaga u gaar ah, waxaana uu xusay inay tahay mid khatar ku ah midnimada iyo xasilloonida dalka.
“Waxaan sida ugu adag u cambaareynayaa damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku doonayo qabsashada doorasho hal dhinac ah, isaga oo adeegsanaya guddi doorasho oo aan haysan wax sharciyad ah, loona marin dhismihiisa habraacyadii dastuurka iyo shuruucda kale ee heshiiska lagu ahaa, taas oo caddeyn u ah in Madaxda dowladdu rabaan oo kaliya qabashada doorasho hal dhinac ah.” Ayuu ku yiri war saxaafadeed uu soo saaray Farmaajo.
Waxa uu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in muddada kooban ee ka hartay muddo xileedkiisa dastuuriga ah aanu dalka gelin xaalad halis ah oo dhaawacaysa dowladnimada iyo wadajirka, mudnaantana siiyo shaqada qaran ee laga sugayey ee ka hortagga khatarta argagixisada, raadinta dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha iyo qabashada gogosha uu ballanqaaday ee Wadatashiga Qaran.
Ugu dambayn, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, SSC-Khaatumo iyo guddoomiyaha Gobolka Banadir inay garowsadaan in waajib ka saaran tahay maslaxadda guud ee dalka iyo hannaan siyaasaddeed oo loo dhan yahay, ayna ka fiirsadaan ka mid noqoshada hanaan siyaasadeed iyo xisbiyo aan ku dhisneyn shuruuc la isla ogol yahay.