SO | EN

SO | EN

Farmaajo ‘’ Qof kasta tuuladiisa haku laabto haddii aan la joojin arrimaha Dastuurka ‘’

|

Muqdisho (KAAB)- Madaxwaynihii hore ee Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale ka hadlay xaaladda guud ee dalka si gaarka ah furitaanka dastuurka KMG ah oo buuq badan uu ka taagan  yahay waqtigan.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa sheegay in ay haboon tahay in Dastuurka KMG in lagala tashado dhamaan  Bulshada Soomaaliyeed si waliba daah furan laakiin hadda sida ay wax u socdaan aysan ahayn mid sax ah.

Farmaajo oo muuqaal uu arimahaas kaga hadlayey soo dhigay baraha bulshada ayaa saheegay hadii laga laaban waayo wax ka bedelka dastuurka oo qof walba ku laaban doono tuuladiisa, dowladnimaduna ay hallkaas ku burbureyso.

Madaxwaynihii hore ayaa sheegay in haddii la bedelayo Dastuurka loo baahan yahay in la qaado talaabooyin ka duwan tan hadda ay wado Dowladda hadda uu hogaaninayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu soo hadal qaaday Farmaajo in Barlamaanka Soomaaliya kol dhawayd ay qaadeen talaabooyin sharci darro ah oo si qasab loo marsiiyay Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News