SO | EN

SO | EN

Farmaajo, Sheekh Shariif, C/Shakuur wax maka badali karaan jihadda loowado Dastuurka?

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilihii udambeeyay kuhowlanaa dhameystirka Dastuurka dalka, oo waayahan dambe noqday dooda ugu weyn ee kajirta dalka.

Xasan Sheekh wuxuu wali halgan ugu jiraa sidii baarlamaanka 11-aad uu unoqon lahaa midka soo gaba-gabeeya muddada 12-ka sano soo jiitamaayay Dastuurka.

Kooxaha mucaaradka ayaa iyagana dhankooda waxa ay aaminsanyihiin in waddada loosocdo ay tahay mid shaqsi, balse aysan aheyn waddo ummadda Soomaaliyeed anfici karta.

Aragtida mucaaradka ayaa ah in xiligan aan Dastuurka ladhameystiri karin, Villa Soomaaliyana ay arrintan Dastuurka kaleedahay dano shaqsiyadeed, sidoo kale Puntland ayaa iyadana diidan sida ay Villa Soomaaliya wax kuwado.

Sheekh Shariif oo kamid ah Xildhibaannada golaha Shacabka, ayaa shalay tagey fadhiga baarlamaanka, iyadoona dooda Dastuurka ay kow tahay.

Sheekh Shariif waxaa la ogsoonyahay in uu kamid yahay xubnaha sida weyn udiidan qorshaha wax kabadalka Dastuurka.

Dhanka Villa Soomaaliya ayaa iyadana waxa ay dooneysaa in afarta cutub ee ugu horeysa Dastuurka ladhameystiro Dastuurka kahor 10-ka bisha March ee sanadkan 2024-ka.

Kaqeyb galka madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif ee fadhiga baarlamaanka shalay ayaa waxaa kadhashay su’aalo badan oo kamid ah in Sheekh Shariif uu isku dayayo in uu wax kabadelo jihada hada loosocdo.

Waxaa jirto aragti ah in hadii fadhiga baarlamaanka soo fadhiistaan Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhamaantood xildhibaano ah in ay wax kabadli karaan jihada hada loosocdo iyo iney kahortagi karaan sida ay hada wax uwado kooxda talada haysa.

In hada lajoojiyo ama jihada loosocdo waxa laga badelo, waa labo arrimood oo kala duwan, balse waxaa jiro aragtiyooyin qaar oo sheegaya in aan hada laga hortagi karin ama aan labadeli karin jihada loosocdo, maadaama ay haatan Xildhibaano badan rajo kaqabaan iney kusoo baxaan isku dhafka soosocda ee Xukuumada Dan Qaran.

Waa macquul in madaxdii hore ee dalka soo maamushay ay wax kabadalaan qoddobada qaar, iyagoona garab kadhiganaya Xildhibaano qaar oo ay macquul tahay in qoddobada qaar ay dood kaqabaan si kaduwan sida Villa Soomaaliya.

Afarta cutub ee ugu horeysa wax kabadalka Dastuurka waxaa ugu muhiimsan ayaaa laleeyahay, waa in uu dalka yeesho madaxweyne iyo madaxweyne kuxigeen, in lamideeyo doorashooyinka oo ay noqdaan qof iyo cod iyo in uu dalku yeesho labo xisbi.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News