SO | EN

SO | EN

Fartaag oo dhaq-dhaaqyo ciidan ka bilaabay Gedo

|

Gedo (Kaab TV) – Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo kamid ah xubnaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa markale dib ugu laabtay gobolka Gedo halkaas oo uu ka bilaabay dhaq-dhaaqyo ciidan.

Senator Fartaag ayaa booqday xeryo lagu tababarayo ciidamo deegaanka kuwaas oo loo diyaarinayo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaabanaya gobolkaasi.

Fartaag oo siyaasad ahan kasoo horjeedo madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa uga dhawaaqay gobolkaasi dagaal ka dhan Al-Shabaab.

Waxa la’idin diyaariyay waxaa weeyaan ka qayb qaadasha wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab. maanta waa dhammaatay ayaan u maleynaa ayuu raaciyay.

Arrimahaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay mar kale soo rogaal celisay xiisadda Gedo, kadib markii ay gobolkaasi dib ugu laabteen Senator Fartaaq iyo Janan oo haatan abuul siyaasadeed iyo mid ciidan ka wada halkaasi.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta gobolka Gedo oo sii jiitameysay, kahor iyo kadib-ba doorashadii soo dhammaatay ee 2022.

Jubbaland ayaa horay uga hor timid dhaq-dhaqaaqyada  Senator Fartaag iyo wasiir Janan ka wadaan Gedo, gaar ahaan in ciidamo Macawiisley ah laga abaabulo gobolkaasi Gedo.

Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo qayb ka ahaa qorshaha lagu aas aasay ciidankan ayaa ujeedkooda ku sheegay inay ka dhabeynayaan amarkii madaxweyne Xasan ee ahaa la dagaalanka Al-Shabaab, isla-markaana ay xoreynayaan gobolka Gedo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News