MUQDISHO (Baraarug) – Ku shaqeynta xirfad ay raggu u badan yihiin, iyo waddan ay inta badan ka jirto colaad iyo amni darro, ma aha kaliya caqabadaha ay wajahayaan haweenka Soomaaliyeed ee ku jira warbaahinta.
Farxiyo Maxamed Kheyre, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Suxufiyiinta, ayaa iftiimisay dhibaatooyinka waaweyn ee hortaagan haweenka suxufiyiinta Soomaaliyeed, iyadoo xustay in xaaladahan ay saameyn weyn ku yeesheen fursadahooda shaqo, nabadgelyadooda, iyo horumarkooda xirfadeed.

