Fashilka kugedaaman Wasiirka Gaashaandhiga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac

|

MUQDISHO (KAAB TV ) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa bartiisa Facebook soo dhigay qoraal ay dadka shacabka ah aad uga falceliyeen xili meydadka ciidanka dowladda Soomaaliya ay daad sanaayeen deegaanka Busley ee gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo lagu dilay sargaal sare oo katirsanaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo lagu magacabi jiray Liibaan Golcad halka tira intaas kabadana ilaa hada lagu la’yahay nolol iyo geeri toona.

Qoraalka uu Wasiir Jaamac soo dhigay bartiisa facebook aya umuuqday mid uu ku difaacayo Xukuumadda uu katirsanyahy sidoo kalana uu ku mashquulay arrimaha siyaasadda, meeshii laga rabay in uu xoogga saaro shaqaadii loo idmaday ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo doorkeeda kufashilantay.

Sarkaalkii labaad oo ugu sareeyay ciidanka xasilinta caasiamdda iyo tiro kaloo badan ayaa lagu dilay weerarkii shalay kadhacay deegaanka Busley ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo dadka kafalceliyay qoraalka Wasiir Jaamac ay ubadnaayeen ehelada askartii kudhimatay weerarkii kadhacay deegaanka Busley ee gobolka Shabeellaha Hoose xili ay baraha bulshada buux dhaafisay tacsida loo diraayay sarkaal Liibaan Golcad iyo askartii lagu laayay Busley.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyadoo aan tacsi & udhimrin toona aan udirin ehelada askartii kushahiiday deegaanka Busleey ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa Wasiir Jaamac uu soo qoraal maldahan oo uu kuduraayay madaxdii kushireysa magaalada Garoowe qoraalka Wasiir Jaamac ayaa uqornaa sida tan” Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin horaa loo yiri, hadda aber miyaa?”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxmed Nuur Jaamac ayaa waqtigiisa inta badan kubixiya baraha bulshada sida Facebook & Tiktok.

Qoraalka Wasiirka ayaa waxa uu kucabiraayay dareenkiisa dooda kataagan dhameystirka Dastuurka, balse shaqada Wasiir Jaamac ay dowladdu uxilsaartay ayaa kabaaxad weyn mida mida Dastuurka waxaana shaqadiisa kamuuqato dayacaad weyn.

Dadka aragtiyadooda kadhiibtay qoraalka Wasiirka sigaar ah ehelada askartii kudhimatay gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kutilmaamay masuul aan damiirku hageynin, kamacaashaaaya dhiigga dhainyaradda & xubin aan uqalmin in uu kursiga kusii fadhiyo.

Wasiir Jaamac ayaa ilaa haatan haatan wax cudur daar ah kama uusan bixin fariintiisa carada kuriday shacabka.

Dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey loogu eedeeyay in eysan heysanin Wasiir Gaashaandhig oo kuhaboon ladagaalanka argagixisada & dib udhiska ciidanka lakiin dadka qaar ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu Wasiir Jaamac uu kursigu ugu haayo dano gaar ah Wasiir Jaamac ayaana si aad ah isugu mashquuliyo dhaliisha dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ee uu isaga qeybta ka ahaa taas oo uu waayadan dambe caashaqay maadaxweyne Xasan Sheekh, laakiin taasi macaawineyso Soomaaliyada haatan holceyso oo u baahan caqli iyo cudud lagu samata bixyo.

Dib udhac weyn ayaa heysta wasaaradda gaashaandhigga, wasiirka iyo taliyaha xoogga ayaa isku dhacay, taasina waxay qalqal gelisay jiritaanka ciidanka xoogga dalka, maadaama ciidamada qaar dagaalo qaraar ay la kulmeen, halka ciidamada qaar ay waayeen mushaarkoodii.

Xaaladda siyaasadda Soomaaliya ayaa kasii dareysa maalmihii dambe, waxaana hadalo kulul warbaahinta isu marinaya madaxda dowladda iyo madaxdii hore ee dalka, waxayna dhamaan doodahaan iyo khilaafaadka jira ka dhasheen wax ka bedalka Dastuurka oo doodiisa ay ka socoto baarlamaanka.

Dadweynuhu waxa ay inta badan soo jeedinayaan kahor wijiga labaad ee dagaalka kadhanka ah Al-Shabaab loobaahanyahay in lahelo Wasiir Gaashaandhig oo leh qibrad, masuuliyad iyo faham uu ku aqriyo xaalada dalka ahmiyadiisuna tahay ciidan tayo leh heystana qalab kufilan.

 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News