Markaan dhiganayey Class-kii 1aad ee International Security, waxaa lay baray in 3 waxyaabood la eego si waddan cadaawadiisa go’aan looga qaato;-
1. Intention-ka waddanka, oo ah waddankani muxuu rabaa, madaxdiisu se say u fekertaa. Inta badan Intention ku waa Uncertain oo waa saadaal iyo qiyaas, qofna ma qiyaasi karo, waddan kale inuu berri kugu soo duulayo iyo in kale. Waa meesha John Miersheimer uu kalahaa “States Always assume other States have the worst intentions” halkani waa mid ka mida qodobada aasaaska u ah aragtiyaha Realisms-ka, oo af Laascaanood ku noqonaysa xiniyahaaga fuul, ama sida ciyaal Xamarku dhahaan “awooddooda ku tasho”
Ethiopia, doonisteeda (intentions) marna mau qarin tan iyo Boqortooyadii Menelik waxay doonayeen BAD, sidoo kale Madaxda Ethiopia siday u fekeraan marna marna may qarin, kor iyo hoosba way inoogu sheegeen in ay dhulkeenna rabaan, xoog iyo xeeladba.
Siyaasaddeena arrimaha Dibaddu waxay ku fashilantay in ay doonistaa MUUQATA ay DHAB u qaadato, waxaynu xaqiiqsanay doonistaas markii Ethiopia gaadhay meeshay u socotay. Waa DAMIINIMO xrifadeed iyo aqoondarro diplomaasiyadeed oo fashilkeeda ay masuul ka tahay Wasaaradda A/Dibaddu.
2. Capabilities, waxaa la qiimeeyaa awoodda waddanka, awooddu inta badan waa wax la tirakoobi karo oo hubanti ah. Dal kani muxuu ciidan, qalab iyo awood leeyahay. Awood difaac iyo awood weerar ba (Defensive and Offensive Capabilities).
Ethiopia horteenna ayay ku dhisatay awood CIIDAN badeed, iyada oo aan wax Bad ah lahayn, saaqidnimo Diplomaasiyadeed darteed waxaan fahmi kari waynay; war Awooddan Offensive ka xaggee lagu soo wadaa, waxaan ogaaney meesha lagu soo wadano dorraad markay Ethiopia wax kasta isku hubsatay.
Wasaaraddeena Arrimaha Dibaddu Khaladkasna iyadaa leh.
3. Intelligence Analysis, hellidda xogo sirdoon oo rasmi ah. Halkani waa meesha laga ogaado labada qodob ee sare. Waa in la keeno xogta cadawga, ujeedkiisa, meelaha uu target gareynayo, iyo ugu danbayn awoodda uu u leeyahay fulinta doonistiisa.
Sirdoonka Dalkeennu wuxuu la daaladhacayaa Arrimaha Gudaha oo runtii aan ugu garaabayno, waana dhab in ay muddo qaadanayso si loo dhsio Sirdoon ka soo warbixin kara waddamada isha-xun (bad intentions) inagu eega. Waxaase dood difaac ah noqon karta, wixii qarsoon ayaa la soo wariyaa ee damaca Ethiopia wuuba caddaa oo in sirdoon ka soo warbixiyo loomaba baahnayn.
Ilaa hadda, dedaalada Diplomaasiyadeed ee Soomaliya waddo waxa horboodaya Madaxweynaha Soomaliya, waxaa muuqata doorkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda inuu wali bannaan yahay, bal u fiirso Page-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopa, 3-dii casho ee u danbayaya 50+ dhaqdhaqaaq wax ka badan oo Diplomaasiyadeed ayay samaysay. Inaga teennuna HAL KULAN ayay qabatay KULANKIINA Safiirkii Ethiopia ee laga cabanayay ayaa soo Dhex-fadhiistay.
Maxay qabtaan Ambassadors-keennu oon ahayn in ay suudhadh Qurxoon xidhaan, si dhiibsana calanka Soomaliya u soo dhinac fadhiistaan. Waa mushkiladda ay leedahay marka magacaabistu wada noqoto, xulasho siyaasadeed (Politiacal Appointment).
Waa in arrinkaas cashar laga bartaa, Siyaad Barre oo Dictator ahaa, marnaba waligiis qof huudhaydh ah Ambassador kama dhigan, intii hore oo dhan ragga Afrika ugu baxarsan baa hormuud ka ahaa MOF-keenna.
Ugu danbayn, Waxaynu haysannaa khuburo iyo aqoonyahan farabadan oo fakaagaas inaga buuxin kara, balse waa in daacadnimo jirtaa marka hore, oo la hawlgeliyaa cid taqaan sida saloolka Diplomaasiyadeed loo dubo.