Feysal Cali Waraabe oo beesha caalamka ugu baaqay in ay xushmeeyaan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

|

Hargeisa (KAAB TV) – Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee maamulka Somaliland UCID Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu soo saaray ugu baaqay beesha caalamka inay xushmeeyaan madaxbannaanida iyo jiritaanka Somaliland.

Sidoo kale, Feysal Cali Waraabe ayaa xusay in dhammaystirka heshiiskii isfahamka ee dhex maray maamulka Somaliland iyo Itoobiya uu marayo marxalad gabogabo ah, waxa uuna sheegay in uu ka xun yahay in beesha caalamka faraglin ku sameyso hirglinta heshiiskaasi.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, ayaa caddeeyay  in maamulka Somaliland aanay weligeed qayb ka noqon Soomaaliya, hase ahaatee Somaliland midow qayrul dastuuriya la gashay Soomaaliya sannadkii 1960kii.

Dhanka kale, Faysal wuxuu intaas ku daray in midowgii fashilmay uu dhammaaday sannadkii 1991kii, kadib toban sanno ah oo Somaliland ay dagaal dhiig ku daatay la gashay keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Wuxuuna xusay in tan iyo muddadaas ay Somaliland ahayd qaran madaxbannaan oo dimuqraadi ah.

Eng. Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Itoobiya ay mar walba qadariso madaxbannaanida Soomaaliya, waxaanu bayaamiyay in tan iyo 2006-dii Itoobiya dowladda  Soomaaliya ka saacidaysay sidii nabad looga dhallin lahaa oo ay geysay ciidammo, taasina ay sababtay in Itoobiya ku wayday Soomaaliya dad badan.

Ugudambeyn, hadalkan Feysal Cali Waraabe ayaa kusoo imaanaya xilli dalka Turkiga wadahadal wajigii labaad ah uga furmayo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaa oo kawada hadlaya sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay heshiiskii Abiy la galay maamulka Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News