Fikradaha Archives - Kaab TV

Puntland oo 28 jirsatay: Dowladnimadii geedka hoostiisa ka bilaabatay ee hana qaaday
Wargeyskii Kaaha Bari, oo aan akhriskiisa jeclaa, ayaan maalin subax ah horraantii 2003 ka daalacday maqaal cinwaankiisu ahaa: “Nin geedo tiriyay oo qurac ka tagay, geedo ma tirin.”

Waxay ahayd weedh gaaban, balse xambaarsan macne fog. Waxay ka digaysay qofka wax eegaya oo tirinaya waxyaabaha muuqda, balse iska indhatiraya xaqiiqada ugu muhiimsan ee meesha taalla. Waa qofka daraaseeya tirooyinka, magacyada iyo dhacdooyinka, laakiin seega geedka weyn ee hadhka bixinaya.

Kumannaan maqaal iyo qormo ayaan tan iyo maalintaas akhriyay; kuwo badanna aniguba waan qoray. Hase yeeshee, qormadii Kaaha Bari iyo cinwaankeedaas weli kama go’in xusuustayda. Weedhaasi mar kasta ayay maskaxdayda kusoo noqotaa marka laga hadlayo qiimeynta dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sida loo fahmayo safarka dheer ee ay soo martay.

Siddeed iyo labaatan sano ka hor, waxay ahayd arrin aad u adag in qof Soomaali ahi rumaysto in dowladnimo lagu unkay meel ka baxsan xarumihii waaweynaa ee siyaasadda, oo xitaa geed hoostiis lagu bilaabay, ay maalin uun yeelan karto hay’ado, sharciyo iyo nidaam siyaasadeed shaqaynaya.

Rajadu way yareyd, shakiguna wuu badnaa.

Soomaaliya waxay ku jirtay burbur siyaasadeed iyo dagaallo daba dheeraaday. Muqdisho waxay ahayd goob colaadeed, dowladdii dhexe way burburtay, kooxo hubaysan ayaa ku loollamayay awoodda, waxaana adkayd in la qiyaaso in meel ka mid ah dalka ay ka dhalan karto hannaan siyaasadeed oo waara.

Haddana, 1-dii Agoosto 1998, waxaa la dhidbay aasaaska nidaam cusub oo markii dambe noqday mid ka mid ah tiirarka dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya. Dastuurkii lagu unkay Puntland wuxuu noqday bilowgii tijaabo siyaasadeed oo weyn: in dowladnimo laga dhiso gudaha dalka iyadoo la adeegsanayo heshiis bulsho, hay’ado deegaan iyo nidaam federaal ah.

Waagaas, dad badan waxay ku soo koobi jireen su’aal keliya: “Aan aragno siday noqoto.”

Sababtoo ah xitaa qofka rajada qaba ma saadaalin karin in nidaam ka dhashay xaalad adag uu sii jiri karo muddo tobanaan sano ah, iyadoo weli ay socdeen dagaallo iyo khilaafaadyo siyaasadeed.

Dabaaldegga Puntland.

In meel ka mid ah Soomaaliya ay ka hanaqaaddo hay’ado shaqeeya, iyadoo caasimaddii dalku ay wali la tacaalayso burbur iyo colaado, waxay ahayd wax aan si fudud maskaxda qofka caadiga ahi u qaadan karin.

Maanta, 28 sano kadib, dowladnimadii geedka hoostiis lagu bilaabay waxay maraysaa marxalad kale. Waxay leedahay waayo-aragnimo siyaasadeed, hay’ado amni iyo maamul, doorashooyin, nidaam sharciyeed iyo taariikh dheer oo mudan in si dhab ah loo daraaseeyo.

Taasi macnaheedu ma aha in aanay jirin caqabado. Waxaa weli jira dooddo ku saabsan dimuqraadiyadda, hufnaanta maamulka, awood-qaybsiga, xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo sida loo dhisi karo nidaam ka jawaabaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Laakiin qiimeynta cilmiga ah waxay u baahan tahay in la eego waxa jira, ma aha oo keliya waxa maqan.

Haddii maanta qof doonayo inuu fahmo dowlad-dhiska Geeska Afrika, isagoo aan si dhab ah u daraaseyn waaya-aragnimada Puntland iyo Somaliland, wuxuu luminayaa qayb muhiim ah oo ka mid ah sheekada.

Wuxuu noqonayaa ninkii geedaha tiriyay ee quraca ka tagay.

The post Puntland oo 28 jirsatay: Dowladnimadii geedka hoostiisa ka bilaabatay ee hana qaaday appeared first on Kaab TV.

Sacdiyo Bajaaj: Waxaan rabaa caddaalad iyo garsoor madaxbannaan
Magacaygu waa Sacdiyo Macallin Cali Xasan. Waxaan ahay hooyo Soomaaliyeed oo leh ilmo 12 bilood jira, welina u baahan naasnuujin, daryeel iyo jacayl hooyo. Taas oo jirta, haddana ilmahaygu wuxuu u baahan yahay la-joogitaankayga, aniguna waxaan u baahanahay inaan guto waajibkayga hooyonimo. Qareennadaydu waxay ku doodayaan in xaaladdayda hooyonimo, baahida ilmahayga iyo muddada uu weli ku jiro ee naasnuujintu ay yihiin arrimo mudan in sharciga iyo maxkamaddu si gaar ah u tixgeliyaan.

Intaas waa ii weheliya cudurka neefta, dhib weyn ayuuna igu hayaa. Sida aan marar badan sheegay, ma aan helin daryeelkii caafimaad ee aan u baahnaa. Sababtaas darteed, waxaan codsanayaa in la ii oggolaado helitaanka dhakhtar madanbannaan oo si degdeg ah u baaro xaaladdayda, iyo in aan helo daawada, daryeelka iyo xaaladaha nololeed ee aanan xag caafimaad uga maarmin.

Waxaan xirnaa tan iyo 12 Abriil 2026, waxaana 14 Abriil la ii gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Muqdisho. Ugu dambayn, 25 Juun 2026, Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay igu xukuntay saddex sano oo xabsi ah. Anigu dembi ma qirsani mana qiran. Waxaan aaminsanahay in la ii haysto hadallo iyo aragtiyo aan soo bandhigay, isla markaana xukunka la igu riday aanu ka dhalan hannaan garsoor oo ka madaxbannaan cadaadis iyo faragelin.

Waxaan aaminsanahay in la iga duudsiyey qaar ka mid ah xuquuqdii uu dastuurku ii jidaynayey. Waxaan dareemayaa in awood dowladeed la ii adeegsaday; waxa laygu ciqaabayo ee aan eersadayna yihiin hadal iyo aragti aan muujiyey. Sidaas ha ahaatee, marnaba ma doonayo in qaddiyaddayda lagu laro dagaal siyaasadeed, colaad bulsho ama muran qabiil. Ma doonayo in ay cid gaar ahi kiiskayga ka dhigato hub ay doodaheeda ku itaasho, taas oo aniga igu sii cuslayn karto xaaladda aan ku jiro. Keliya, waxaan doonayaa in dacwaddayda lagu qiimeeyo sharci, caddayn iyo caddaalad.

Cabashadayda ku saabsan hannaanka dacwadda

Dacwaddayda waxaa markii hore gacanta ku hayey garsoore aan filayay inuu si madaxbannaan u dhegeysan doono. Sida la ii sheegay, markii dambe waxaa galkii la wareegay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, kaas oo sidoo kale noqday garsoorihii go’aanka iga gaaray. Haa, waxaan rumaysanahay in ay fari ku godan tahay dhexdhexaadnimada ama madaxbanaanida laga filan karo guddoomiye dhegaysanaya dacwad ay dowladdii isaga soo magacowday u haysato eedaysanaha.

Ma dalbanayo cafis madaxweyne

Waan qayaxayaa arrinkayga. Anigu, ma dalbanayo cafis madaxweyne, sababta oo ah marnaba ma qirsani inaan dembi galay. Sababta oo ah, dalbashada cafisku waxay la gudboon tahay qof qirsan dembi oo codsanaya in ciqaabta laga dhaafo ama laga dhimo. Anigu waxaan codsanayaa helitaanka garsoor caddaalad ah iyo in xukunkaygu noqdo mid lagu saleeyey sharci iyo caddaymo lagu kalsoonaan karo. Waxaa kale oo aan dalbanayaa rafcaan madaxbannaan oo dib u eegaya dhammaan habkii dacwadda loo maareeyey, caddeymaha la adeegsaday, xuquuqdii la i siiyey iyo sababaha sharci ee lagu saleeyey xukunka.

Ma doonayo hadallo qiiraysan ama ka-badbadis ah kuwaas oo dhaawici kara dacwaddayda.

Ma doonayo in qaddiyaddayda la qabiileeyo ama la reereeyo, taas oo dhibka igu sii kordhinaysa.

Ma doonayo in dacwaddayda darteed qof, ama bulsho kale loogu xadgudbo, taas xaqdarro ah.

Caddaaladdu waa ammaano; waana udubdhexaadka nolosha qofka, qoyska, bulshada iyo dowladnimada. Garsoorkuna waa in uu ka madaxbannaanaadaa cadaadis siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale iyo mid qabiil. Warkaasi run iyo xaq ma yahay?

Eebbana wuxuu Qur’aanka ku yiri: “Ilaahay wuxuu idin farayaa in aad dadka ammaanadooda u guddaan, haddaad kala xukumaysaan dadkana in aad ku xukuntaan caddaalad…” (4:58)

Mar labaad, garsoorku waa ammaano. Xilka garsooruhuna ma aha oo keliya awood isaga u gaar ah oo uu qof ku xukumo, balse waa masuuliyad ay Alle iyo dadkiisuba u igmadeen. Sidaas darteed, Garsooruhu waa in uu u sinnaadaa dadka isaga oo aan u eegin awooddooda, qabiilkooda, hantidooda, xilka ay hayaan ama cidda ay xiriirka la leeyihiin. Waa in marka uu go’aanka gaarayo xusuustaa in qofka hortiisa taagan uu leeyahay sharaf, qoys, ilmo, nolol iyo xuquuq uu dastuurku ilaalinayo.

Waxa aan dalbanayo

Aan warkayga soo koobo. Waxaan si cad u dalbanayaa arrimaha soo socda:

1. Rafcaan degdeg ah oo madaxbannaan: Waxaan doonayaa in ay rafcaankayga si degdeg ah u dhegeysato maxkamad madaxbannaan oo si hufan dib ugu eegta xukunka, caddeymaha iyo habkii dacwaddu u dhacday.

2. Garsoore dhexdhexaad ah: Waxaan doonayaa garsoore aan xilkiisa, mustaqbalkiisa ama go’aankiisu aanay u okobbanayn rabitaanka masuuliyiin kale. Waa in uu yahay garsoore aan ka cabsanayn in uu xilkiisa waayo marka uu sharciga iyo caddaaladda u hiilliyo.

3. In la kala saaro maamulka maxkamadda iyo garsoorka kiiska: Waxaan doonayaa in dacwaddayda loo magacaabo garsoore aan hayn xil sare oo maamul kaas oo culays dadban saari kara. Saxnimada xukunku ma aha oo keliya in la riday balse waa in ay bulshaduna aragtaa in uu u dhacay si hufan oo madaxbannaan.

4. In qareennadaydu helaan xogta kiiskayga oo dhan: Waxaan doonayaa in qareennadayda la siiyo: qoraalka xukunka oo dhammaystiran; dhammaan caddeymaha dacwad-oogista; qoraallada iyo maxdarrada fadhiyada maxkamadda.

5. Daryeel caafimaad oo degdeg ah: Waxaan doonayaa in xaaladdayda caafimaad uu baaro dhakhtar madaxbannaan, kaddibna la ii oggolaado in aan helo daawada iyo daryeelka aan u baahanahay.

6. In la tixgeliyo xaaladda ilmahayga: Waxaan doonayaa in maxkamaddu si dhab ah u eegto danta iyo xuquuqda ilmahayga yar, baahidiisa naasnuujinta iyo saameynta ay ka-maqnaantaydu ku yeelan karto caafimaadkiisa iyo koritaankiisa. Ilmahayga yari, qayb kama aha dacwadda, mana mudna in si dadban loogu xukumo ciqaab aanu isagu shaqo ku lahayn.

7. Dhegeysi dadweyne oo hufan: Waxaan doonayaa in dhegeysiga racfaankaygu noqdo mid uu dhegaysigiisu dadweynaha u furan yahay. Haddii uu sharcigu oggol yahay, waxaan jeclaan lahaa in bulshada loo fududeeyo inay la socdaan dacwadda, si meesha looga saaro wararka is burinaya iyo shakiga ku saabsan waxa maxkamadda ka dhacaya.

8. Garsoor aanu saamayn ama ka fog cadaadiska baraha bulshada: Waxaan doonayaa garsoore go’aankiisa ku saleeya sharciga iyo caddeymaha, kana madaxbannaan hadal-haynta Facebook, TikTok iyo baraha kale ee bulshada. Garsooruhu waa in aanu arrinkaan dhibka igu ah ka raadin caannimo, taageero dadweyne ama raalligelinta madax ka sarreysa. Si taas ka awran, waa in uu raadiyaa una iishaa xaqa iyo caddaaladda.

9. In aan qaddiyaddayda loo adeegsan aargoosi toos ah ama dadban: Waxaan codsanayaa in taageerayaashaydu aysan qof kale aflagaaddayn, ama qabiil iyo qoys dhan eedayn. Waxaan diidayaa in dulmi la igu sameeyey looga jawaabo dulmi kale. Damiirkaygu wuxuu ii sheegayaa in dhibbanuhu aanu xaqiisa ku raadsan karin dhibaataynta cid kale oo aan eed lahayn.

Xorriyadda hadalka iyo masuuliyadda dowladda

Muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin in ay dowladda dhaliilaan; weyddiimo geliyaan siyaasaddeeda; ka hadlaan shaqo la’aanta, eexda, musuqa, saboolnimada iyo in fursadaha jira loo siman yahay. Xornimadaas ujeedkeedu ma aha in uu qofku ka sarreeyo sharciga. Dhanka kale, sharciguna ma aha in uu noqdo hub lagu afwaajiyo dhaliisha ama lagu cabsi-geliyo qofka awoodda yar. Sidaas darteed, kolka cid lagu eedeeyo sheegista hadal sharciga ka hor imanaya, waa in si cad loo qayaxaa hadalkaas, sharciga uu jebiyey iyo waxyeellada uu geystay. Qofka eedaysanna waa in la siiyaa fursad uu isku difaaco. Taas oo jirta, haddana xaqiiqdu waa in ay dowladdu ka awood badan tahay qofka eedaysan ee xabsiga ugu jira. Halkaas waxaa ka dhuroobaya in ay masuuliyadda ugu weyni dusha ka saaran tahay dowladda iyo garsoorka, lagana doonayo in ay muujiyaan dulqaad, dhexdhexaadnimo iyo u okobbanaanta sharciga.

Farriintayda bulshada Soomaaliyeed

Bulshada Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa in aan qaddiyaddayda loo rogin colaad, qabyaalad, cay ama aargoosi. Sidaas oo kale, qareennada, culimada, haweenka, hooyooyinka, suxufiyiinta, aqoonyahanka iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha waxaan ku dhiirrigelinayaa in ay taageeraan xaqa qof kasta u leeyahay garsoor caddaalad ah. Mar labadaad, ma dalbanayo:

in la igu taageero sababta oo ah waxaan ka soo jeedaa qabiil gaar ah.

in la ii hiilliyo sababta oo ah waxaan ahay qof dumar ah oo keliya.

Si taas ka mudan, waxaan dalbanayaa in la ii hiilliyo sababta oo ah waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo xaq u leh caddaalad, daryeel caafimaad iyo garsoor madaxbannaan. Ogaada, maalin kasta qof baa laga yaabaa in uu hortago maxkamad. Se, haddii maanta la aqbalo in qof lagu xukumo hab aan caddaalad ahayn, berri qof kale ayaa sidaas oo kale loo xukumi karaa, jeer ay gardarradu seeraha dhaafto. Dulucdu waa; ilaalinta xuquuqdaydu ma aha oo keliya ilaalinta Sacdiyo. Waa ilaalinta xuquuqda qof kasta oo Soomaaliyeed iyo in la iska soo mooso caddaalad-darro aan hubno in ay adduunka iyo aakhiraba saamayn xun nagu yeelan doonto.

Gunaanad

Qofna laguma muquunin karo awood, xarig, dil, cabsi-gelin, afwaajin, ama xeer si aan daw ahayn loogu adeegsaday. Taariikhda Soomaaliya waxaa ka buuxa dad badan oo loo xiray fikirkooda, hadalkooda ama mowqifkooda siyaasadeed. Ujeedkaygu ma aha in aan naftayda la simo haldooradii hore ee xaqooda la seejiyey, balse waa in aan dadkayga xusuusiyo in ay xorriyadda hadalka iyo garsoorka madaxbannaani yihiin hanti uu jiil kastaaba ku khasban yahay in uu jiilka xiga u sii ilaaliyo.

Qore: Sacdiyo Macallin Cali Xasan

Ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Farriintan waxay Sacdiyo ka soo dirtay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyada oo soo marsiisay Qareen Sakariye Ismaaciil Nuur 28 Juun 2026

The post Sacdiyo Bajaaj: Waxaan rabaa caddaalad iyo garsoor madaxbannaan appeared first on Kaab TV.

Turkey way ka baaqsan kartay fadeexadda diblomaasiyadeed ee kasoo wajahday Soomaaliya
Turkey waxay maanta dhex fadhiyaan fadeexo diblomaasiyadeed iyo waji-gabax ay ka maarmi kareen. Kulanka maanta [Khamiis 23 Abriil 2026] safiirkooda Muqdisho, Alper Aktaş, uu la yeeshay hoggaanka mucaaradka Soomaaliya wuxuu ka turjumay walaaca sii kordhaya ee dadweynaha Soomaalida haatan ka qabaan faragelinta Turkey ku heyso arrimaha Soomaalida – gaar ahaan xilli weli aysan jirin is aaminaad dadka dhexdiisa ah.

Sannadkii 2011 oo ay Turkey soo galeen Soomaaliya, waxaan ahaa wariye ka hawlgalaayay Muqdisho, waxaana marar badan kasoo warramay hawlihii gargaarka ay Turkida ka wadeen Muqdisho. Waa sannadkii lagu dhawaaqay inay macluul ka jirto Soomaaliya, ka dib markii tobanaan kun oo ruux ay gaajo u dhinteen, halka in ka badan 240,000 ruux oo barakac ah, ay soo galeen Xamar.

Waxaan tagay xeryihii Badbaado 1, Badbaado 2 iyo Rajo oo ahaa xeryihii ay dadka barakaca ku soo xaroodeen halkaas oo hay’adaha Turkida ay raashiin qeybin, daaweyn iyo kaalmo kale u fureen dadka baahan. Markii abaartii ay dhammaatayna waxay Turkidu billaabeen bixinta deeqo waxbarasho oo dhallinyarada dugsiyada sare ka baxday la siiyay, oo maanta dhallin badan ay kasoo aflexeen.

Turkida marnaba looma arki jirin faragelin, ee waxaa loo arkay dad dhex dhexaad ah, oo ka xor ah is-heysadka Soomaalida dhexdeeda ah. Deegaanka kasta waa ka hawlgaleen aqbalaadda dadku aqbalay darteed.

MAANTA wax kasta way is bedeleen. Turkida hadda waxay Soomaali badan u arkaan “gumeysi cusub” iyo dad “dano gaar ah wata”. Waxaana sabab u ah miisaan la’aanta siyaasadooda ku wajahan Soomaalida, iyo isku daygooda boobka kheyraadka dalka.

Weerarkii Koonfur Galbeed lagu qaaday, ee Xasan Sheekh u adeegsaday ciidan ay Turkey tababareen iyo qalab ay iyaga bixiyeen wuxuu qaawiyay magacii Turkida, wuxuuna uga sii daray tuhunkii hore looga qabay hawlaha Turkida ee Soomaaliya.

Arrinta Somaliland waxay iyana abuurtay shaki kale iyo neceb loo qaaday Turkida. Xitaa Puntland iyo Jubaland maanta waxaa Turkida lagu fiirinayaa indho shaki leh.

Waxaan oo dhan xukuumadda Ankara waxaa u keenay diblomaasiyadeeda kheyrul mas’uulnimada ee Soomaaliya oo halkii ay wax guud ku koobnaan lahayd daba eryatay dano shakhsiyaad.

Soomaalida asal ahaan waa dad qab weyn oo neceb dhaqanka jujuubka iyo is gumeysiga ku dhisan. Khilaafaadka qabaa’ilka oo asal ahaan salka ku haya colaadaha miyiga waxay abuureen in qabiiladu loollamaan. Marka Turkey ay koox taageerto looma arko inay dowlad taageertay, ee waxay dad badani u arkaan in qolo gaar ah la safan tahay.

Hadda waxaa la joogaa xilli ay xukuumadda Ankara is-daba qaban karto, oo ay sixi karto dhaqan-diblomaasiyadeedkeeda ay kula macaamisho Soomaalida si ay ugu yaraan u badbaadsato magaceeda waxa yar ee ka haray, intaysan xaajadu faraha ka bixin oo aan la arkin Turkey lagu dhex eryanaayo gudaha Soomaaliya.

W/Q Abdalle Ahmed Mumin

The post Turkey way ka baaqsan kartay fadeexadda diblomaasiyadeed ee kasoo wajahday Soomaaliya appeared first on Kaab TV.

Maxaa sababay rajo beel dhallinyarada Soomaaliyeed?
MUQDISHO (Baraarug) – Sida uu sheegay Maxamed Aadan Cabdisalaam, oo ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaha Muqdisho, dhallinyarada Soomaaliyeed waxay wajahaan rajo-beel sii kordhaya. Waxa uu tilmaamay in burburka, shaqo la’aanta iyo caqabadaha kale ee hor taagan nolosha ay ku khasbeen qaar badan oo dhallinyaro ah inay dalka ka tahriibaan.

Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in xaddidaadda xorriyadda hadalka ay ka mid tahay sababaha sii xoojinaya niyad-jabka dhallinyarada, taasoo dhalisa in ay dareemaan in aysan mustaqbal ku lahayn dalka.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu raadsado xuquuqdiisa, isla markaana marka dhallinyarada la caga-jugleeyo ama la cabburiyo ay taasi keento niyad-jab iyo ka quusashada dalka.

The post Maxaa sababay rajo beel dhallinyarada Soomaaliyeed? appeared first on Kaab TV.

Rajo aad u yar oo laga qabo wada hadalka doorashada ee mucaaradka iyo Xasan Sheekh uga socda Muqdisho
LONDON (Kaab TV) – Shalay, waxaa dhacay kulankii labaad ee fool-ka-fool u dhexmara Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madasha Samatabixinta iyo Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubaland ay kula kulmeen iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan kii ka horreeyay wuxuu ahaa kii ka dhacay Hotel Decale, ee xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo ujeedkiisu ahaa in xoogaa shakiga iyo kala aamin-baxa la isaga soo dhowaado, inkastoo kulankaas laf ahaantiisa aanu dhalin wax is aaminaad ah oo qolo kasta goonigeeda qado uga keensatay meelo kale.

Waxaa garab socday labo shir oo ay kala lahaayeen labada garab ee uu Baarlamaanka Federaalka u kala jabay, qarkana hadda u saaran in labo guddoomiye uu yeesho.

Xitaa iyada oo kulanka shalay uu ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa fadqalo lagu sameeyay Madaxweynaha Jubaland oo qori BKM ah looga dhex xaday Villada, inkastoo naloo sheegay in qorigii lasoo heley.

KULANKA SHALAY

Daqiiqadihii shalay la fadhiyay Villa Soomaaliya lama gaarin isu soo dhowaansho labada arrin ee ugu weyn: waa beddelidda Dastuurka ku-meel-gaarka ah oo hal dhinac ah iyo qaabka loo qaban doono doorashada 2026.

Dhanka Golaha Mustaqbalka waxay ku adkeysanayaan go’aankoodii ay marar badan sheegeen ee ahaa in Dastuurku yahay kii 2012 oo isbeddel aan la isku raacsaneyn jiri karin, iyo in doorashadu noqoto hab la wada aqbalsan yahay oo aan cid gaar ah jeebka ku ridan karin.

Madaxweyne Axmed Madoobe.

Labadan arrimood Xasan waa ku dhib, mana uu rabo inuu fuliyo.

Marka la heshiin waayo, siyaasiyiinta Soomaalida waxay ku kala tagaan labo waxyaabood: in guddi la saaro iyo in dib la isugu soo laabto. Sidaas ayaana shalay kulankii ahaa lagu afmeeray.

Saaka oo Jimce ah dhanka Golaha Mustaqbalka waxay noo sheegeen inay dhankooda diyaariyeen xubnaha guddiga, ayna sugayaan dhanka Xasan Sheekh.

Ma rabo inaan ka hordhaco, laakiin waxaa iska muuqata in haddiiba arrimaha waaweyn aan tanaasul ka jirin, daacadnimo ay ka maqan tahay dhinacyada shiraya, inaysan natiijo kasoo bixi doonin.

MAXAA HADDABA LOO KULMAYAA HADDAAN LA HESHIIN KARIN?

Waa su’aasha ay qabaan dadka aan sida hoose ula socon shirarkan doorashada iyo khilaafka ka taagan Dastuurka iyo doorashada.

Xasanka Villada wuxuu leeyahay labo ujeeddo oo ah inuu helo fursad kasta oo lagu kala tagi karo, ka dibna eedda dusha u saaro dhanka Golaha Mustaqbalka.

Tan labaadna waa in waqtigu fogaado, oo marba dib loo dhaco intii ay u gaarto.

Dhanka Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubaland waxay qabaan in si kasta oo Xasan irdaha marmarsiinyada looga soo xiri karo la sameeyo, oo waa taa ay Villada ugula kulmeen, iyo in la abuuro fursad doorashada tteendhada ku qabsoomi karto.

The post Rajo aad u yar oo laga qabo wada hadalka doorashada ee mucaaradka iyo Xasan Sheekh uga socda Muqdisho appeared first on Kaab TV.

Turkey oo F16 Geeyay Muqdisho; Danaha Somaliland iyo Israel iyo cawaaqibka ka dhalan kara
LONDON (Kaab TV) – Waxaa beryihii lasoo dhaafay soo baxaayay warar sheegaaya in Turkey ay keentay Muqdisho 3 diyaaradood oo nooca F16 ah. Wararkaas oo warbaahinta qaarkeed ay xaqiijisay.

Qormadaan gaaban waxaan uga hadli doonaa diyaaradaha, ujeedka wuxuu noqon karo iyo cawaaqibka ka dhalan kara.

1- Turkidu waxay isticmaalaan diyaaradda Mareykanku farsameeyo ee F16. Waa nooc diyaaradaha dagaalka oo Maryland, USA lagu farsameeyo, oo meel dhexe ah, badina waddamada Carabta way haystaan, oo Mareykanka ayaa ka iibiya.

Dhammaan waddamada laga iibiyay – oo Turkidu ku jiraan – waxay saxiixeen heshiis END-USER RESTRICTION AGREEMENT, oo reebaya:

(1) in waddan kale loo sii wareejiyo; (2) in ay isticmaalaan cid aan ahayn waddankii laga iibiyay ee u heysta shahaadada; (3) inaan lagu sameyn kari hawlgal ama dagaal aysan ogeyn dowladda Mareykanka.

Dhammaan qodobadaan waxay ka mid yihiin heshiisyada difaaca ee laga saxiixo ka hor intaan waddan laga iibin diyaaradaha iyo agabka kale ee militari. Turkey dhammaan qodobadaan way aqbaleen.

Xusuusin: Diyaaradda F16 waa ka duwan tahay drones-ka ay Turkidu iyagu sameystaan.

UJEEDKA F16 LA GEEYAY MUQDISHO

2- Turkidu waxay marmarsiinyo ahaan u adeegsadaan dagaalka Shabaab. Waxaa jira cabsi laga qabo in Shabaabka Xamar qabsadaan, taasoo walaac weyn ku haysa Saldhigga TURKSOM ee Muqdisho.

Iyada oo taas laga fiirinaaya waxay Turkidu ka codsan karaan Mareykanka in diyaaradaha F16 ay muddo kooban ka soo hawlgalaan Soomaaliya.

Waxaa kaloo jirta in Turkidu ay doonayaan inay shidaal iyo macdan qodis ka fushadaan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo ay ku jirto shidaal baaris dhanka badda ah. Waa mashruuc kale oo dood ka tagan tahay, waxaana Turkida u arkaan inay maalgelinta ay Soomaaliya ku sameeyeen darteed xaq u leeyihiin inay shidaal iyo macaadinba qotaan.

Haddiise ay noqoto si abadiyan ah ay uga hawlgalaan Soomaaliya, taas waxay ka horimaaneysaa heshiiska End-User Restriction Agreement. Waxaana ka dhalan kara in Mareykanka qaado tallaabooyin (hoos ayaan ku sheegi doonaa tallaabooyinkaas).

Madaxweyne Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Sa’ar (Hargeysa, 6 Jannaayo 2026).

SOMALILAND IYO DANAHA ISRAEL

3- Turkidu uma adeegsan karaan diyaaradahan wax ka baxsan inta iyaga amnigooda ku saabsan, ama dagaalka Shabaab ah. Haddiise ay dhacdo inay Soomaaliya ka codsato in loo adeegsado arrimaha Somaliland, tusaale: muranka hawada ee Muqdisho iyo Hargeysa ama la isku dayo in lagu carqaladeeyo danaha Israel waxay iyana jabineysaa heshiiskii iibka ee ay Turkey kula gashay Mareykanka.

Sidaa darteed diyaaradaha waxba uma tari karaan arrimaha hawada ee Soomaaliya, oo dabcan loo arko muran u dhexeeya Soomaalida (Hargeysa iyo Muqdisho).

Israel waxay aqoonsatay Somaliland 26kii Disembar 2025, taasoo ka dhigan in labada dhinac ay u wada dhaqmayaan sidii labo dowladood oo is la eg, waxaana ku jirta heshiisyada labada dhinac in Israel caawimaad siin karto Somaliland haddii lasoo weeraro. Taas waxay keeni kartaa isku dhac dhexmara Israel iyo Turkey (umase badna inay dhacdo).

Safiirka Turkey ee Muqdisho Alper Aktaş iyo mas’uuliyiinta Wasaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. (Muqdisho, 11 Jannaayo 2026).

DIYAARADAHA F35 ISRAEL VS F16 TURKEY

4- Halka ay Turkey ka adeegsato F16 (4th generation), waxay Israel haysataa F35 oo 5th generation ah (fiiri labada sawir ee hoose). Diyaaradda F35 nooca ay Israel sii hormarisay ee Adir, waxaa lagu tilmaamaa diyaarad awood badan, oo ka dhuuman karta raadaarka ay waddamo badan haystaan.

Marka ay joogto Carabta iyo Afrika oo dhan, waxay F35 fulin kartaa hawlgal iyada oo aan xitaa laga ogaan waddanka uu hawlgalkaasi ka dhacaayo. Waxay F35 awoodda inay xitaa soo riddo F16 haddii ay dagaal noqoto.

CAWAAQIBKA

5- Haddii ay dhacdo inay #Turkey ku xadgudubto heshiiska looga iibiyay diyaaradaha ee ay Mareykanka kula jirto, waxay horseedi kartaa dhowr tallaabo oo waddanka ka iibiyay uu qaadi karto:

A) In heshiiska la buriyo, oo aan diyaarad dambe laga iibin, isla markaana loo diido qalabka dayactirka diyaaradaha ay hadda haystaan

B) In Mareykanka dalbado in qalabkii uu iibiyay loo soo celiyo maadaama heshiiskii lagu xadgudbay.

C) In cunaqabateyn lagu soo rogo Turkey taas oo sii adkeyn karta dhismaha ciidamadiisa.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

The post Turkey oo F16 Geeyay Muqdisho; Danaha Somaliland iyo Israel iyo cawaaqibka ka dhalan kara appeared first on Kaab TV.

AQOONSI YAA BIXIN KARA? – QORMO GAABAN
Waa faallo kooban oo ku aaddan sida uu aqoonsiga dowladaha u shaqeeyo, iyo gaar ahaan kiiska aqoonsiga Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland.

1) Waa Maxay Aqoonsi?

Aqoonsi (Recognition) marka laga hadlayo xiriirka caalamiga ah, waa marka dal uu si rasmi ah u qirto in hay’ad ama dhul kale uu buuxiyay shuruudaha dalnimo ama uu leeyahay dowlad sharci ah, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ula macaamilo sida dal ama dowlad rasmi ah.

Aqoonsigu waa marka dal uu si rasmi ah u aqbalo dal kale inuu yahay dal madax-bannaan. Aqoonsiga ka bacdi waxaa xiga tallaabooyin sida in safiiro la is dhaafsado, iyo safaarado labada dhan ah.

2) Aqoonsigu ma Go’aan Siyaasi ah baa Mise Waa Wax Kale?

Aqoonsigu waa GO’AAN SIYAASI ah, oo ay dowlad gaarto. Waxaa fuliya ama meelmariya waaxda siyaasadda ama xukuumadda ee dalka wax aqoonsanaya.

KIISKA SOMALILAND: Xukuumadda Israa’iil ee uu hoggaamiyo RW Netanyahu ayaa ka mas’uul ah go’aanka siyaasiga, iyada ayaana ku dhawaaqday.

3) Qaramada Midoobay ma Diidi Kartaa Haddii Dal uu Aqoonsado Dal Kale?

Maya. Qaramada Midoobay kuma jirto waajibabyadeeda shaqo inay diido, ogolaato go’aan siyaassadeed oo dal kale gaaray.

Tusaale: UK, France, Canada, iyo illaa 130 waddan ayaa aqoonsaday Falastiin, laakiin USA iyo Israaiil ayaa diiday, haddana lama joojin, oo sidaas ayay ku meelmartay.

4) Maxaa Tallaabo ah oo QM Qaadi Kartaa Haddii Dal la Aqoonsado, Laakiin dowladaha kale ay Diidaan?

Waxba. Kaliya waxaa furan in kulan la qabto, oo la cambaareeyo sidii dhacday labo habeen ka hor oo 14 waddan ay cambaareeyeen kiiska aqoonsiga Somaliland. Laakiin lama cunaqabateyn karo, mana jirto ganaax ama ciqaabo kale oo ka dhalanaya in dal QM ku jira, sida Israa’iil, uu aqoonsado dal kale, sida Somaliland — xitaa haddii Soomaaliya oo ku jirta QM ay diiddo.

5) In Dal la Aqoonsado iyo inuu Xubin ka Noqdo QM Maxay ku Kala Duwan Yihiin?

Waa labo arrimood oo aan shaqo isku lahayn. Marka dal cusub la aqoonsado, sidiisa ayuu dal ku yahay, laakiin inuu ku biiro QM waxay u baahan tahay: (1) inuu soo codsado xubinnimo (application); (2) in xubnaha Golaha Amniga oo 15 xubnood ah ay u codeeyaan oo ugu yaraan 9 waddan ay aqbalaan; (3) in golaha guud ee QM la geeyo, oo 2/3 xubnaha guud oo ah 193 waddan ay u codeeyaan, taasoo ka dhigan in 129 cod ay tahay inay “HAA” ugu codeyso.

Haddiise xubnaha 5ta waddan ee haysata Diidmada Qayaxan (Veto) ee Golaha Amniga uu mid ka mid ah “VETO” ku diido ka doodista codsiga xubinnimada waddanka cusub, sidaas ayuu codsiga ku burburayaa. Loomana gudbinaayo codsiga xubinnimada Golaha Guud.

6) Waddan Xor ah oo Dowlad Haystaa oo aan ku Jirin QM ma Jiraa?

Haa. Falastiin waa dowlad la aqoonsan yahay oo safaarado ku leh caalamka, mana haysato xubin buuxda oo QM ah. Kaliya waxay Falastiin ku fadhidaa QM sida “korjoogto” ama “observer” ahaan.

Sidoo kale, Taiwan, Kosovo, iyo Western Sahara ayaan ku jirin QM laakiin waa waddamo ay dowlado aqoonsadeen, adduunkana ku leh matalaad.

Gunaanad, aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland waa rasmi marka lagu fiiriyo curfiga diblomaasiyadda caalamiga, waana “VALID”. Meel looga noqdo ma jirto illaa ay Israa’iil iyada ka noqoto ama Somaliland laf ahaanteeda ay ka tanaasusho ka gooni noqoshada Soomaaliya.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

The post AQOONSI YAA BIXIN KARA? – QORMO GAABAN appeared first on Kaab TV.

ARAGTI: Sababta Aqoonsiga Somaliland uu Muhiim ugu yahay Nabadda, Amniga, iyo Caddaaladda Geeska Afrika
Aqoonsiga Somaliland ee maanta ay aqoonsatay Dowladda Israa’iil waa tallaabo muhiim ah oo wax ku ool ah oo loo qaaday nabadda, amniga, iyo caddaaladda Geeska Afrika. Go’aankani waa mid ka weyn siyaasad.  Waa qiritaanka xaqiiqo siyaasadeed oo ay qaabeeyeen taariikh ku saleysan adkeysi, iyo rabitaan cad oo ka yimid dadweynaha ku soo caana maalay xasilloonida, ismaamul dimuqraaddi ah, iyo amni in ka badan soddon sano.

Aqoonsiga Jamhruuriyadda Somaliland ma aha oo kaliya go’aan siyaasadeed; ee waa qirasho akhlaakhi ah oo taariikheed, naf huritaan, iyo xuquuqda guud ee ay dadka u leeyihiin inay ku noolaadaan nabad iyo karaamo.

Marka bulshooyinka loo oggolaado inay go’aamiyaan mustaqbalkooda siyaasadeed iyagoo adeegsanaya habab nabad iyo dimuqraadi ah, natiijadu waxay inta badan noqotaa xasillooni guud oo weyn, colaadaha oo yaraada, iyo iskaashi xooggan oo dhexmara derisyada.

Marka aan sidaas leeyahay uma hadlaayo sidii qof bannaanka ka yimid ee waxaan ahay qof ku dhashay gudaha Soomaaliya oo ku soo koray xilligiiyadii ugu naxdinta badnaa ee 1990-meeyadii. Waxaan si toos ah u arkay rabshadihii, burburkii dawladda, iyo dhibaatadii loo geystay dadka rayidka ah. Waa xilligaas markii ay Somaliland ka baxday midowgeedii ay la gashay Soomaaliya, ka dib xasuuqii naxariis darrada ahaa ee ay u geysteen ciidamadii Soomaaliya.

Waaya-aragnimadaasi waxay i bartay shakhsiyan macnaha dhabta ah ee cadaalad darrada. Waxay sidoo kale qaabeeyeen aaminsanaantayda aan aaminsanahay in aan bulsho lagu qasbin inay ku sii jirto nidaam siyaasadeed oo u horseeday rabshado joogto ah iyo xuquuqdooda oo loo diido.

Gobolkeenna, Geeska Afrika, wuxuu u baahan yahay xasillooni. Maanta kooxaha argagixisada, kooxaha dambiilayaasha ee abaabulan, masiibooyinka cimilada, iyo amniga cuntada oo sii xumaanaya ayaa khatar weyn ku haya nolosha dadkeenna.

Soomaaliya waa inay qirtaa oo ay aqbashaa qaranimada Somaliland. Dhammaanteen waan ogayn in tani ay imanayso – in maalin uun Somaliland ay xor noqon doonto ugu dambayntiina tii ayaa timid.

Muqdisho waa inay soo dhaweysaa oo ay ugu hambalyeysaa Somaliland tallaabadan muhiimka ah ee aqoonsiga. Dadka reer Somaliland waa walaalaheenna, ma aha cadowgeenna. Waxaan wada qabsan karnaa waxyaabo badan oo wanaagsan iyada oo loo marayo is-ixtiraam iyo wadahadal dhexmara Muqdisho iyo Hargeysa. Labada dhinacba waa inay furaan albaabka wada-shaqeynta wax dhisaysa, iskaashiga gobolka, iyo mustaqbal lagu dhisay wada-noolaansho halkii la is inkiri lahaa.

Aqoonsiga Somaliland ma tirtiraayo taariikhda ay wadaagaan DADKEENNA – taariikhda ku salaysan ehelnimo iyo walaalnimo; Tani waxay u oggolaan doontaa labada shacab inay hore u socdaan iyagoo sharfan oo hadaf cad leh.

Mar labaad, anigoo ah qof ka soo jeeda bulsho la kulantay dulmi, waxaan si adag u aaminsanahay inay tahay xuquuqda dad kasta, qaran kasta, iyo waddan kasta inuu yeesho go’aan-qaadasho.

Nasiib wacan iyo hambalyo Dadka #Somaliland!

The post ARAGTI: Sababta Aqoonsiga Somaliland uu Muhiim ugu yahay Nabadda, Amniga, iyo Caddaaladda Geeska Afrika appeared first on Kaab TV.

Kirada Nolosha
Noloshu waa shirqool dabiici ah, waxa hadheeyay shirqoolada noolaha!

Noloshu waa makhaayad aad kafee ka cabayso, adigoo shil ku miyir daboolay ka soo naaxay, shil aad shirqool uga shakisan tahay, adigoon isla jeerkaa garanayn halkaad ka timid, halkaad u socoto iyo waxa kugu dhaliyay in uu shirqool yahay shilkani toona, adigoo xasuusasho ku jira, ayaad isla jeerkaana fahan isleedahay dadka makhaayada gudaheeda kooxaha kooxaha u shiraya waxay maleegayaan!

Wanaagu waxa weeye miyuusig macaan ayaa baxaya, waxa miiska kaaga ka soo horjeeda fadhida gabadh daymada wajigeedu xasillooni ku dareensiiyay, hab dhaca miyuusiga ayaad ku dheehatay noolahan mugdiga wehelka kaaga noqday, kol kaliya ayaa iftiin noloshu is buuxisay, fiyooraha guduudan ayaa kuu muuqday, urta isku qasan ee fooxa, bunka, iyo cadarkeeda ayaa ku saaqay, mar aad ka jeedsatay, dhiig ayaa kuu uray oo mugdigii kugu celiyay, waxaad go’aansatay in aad indhaha ku hayso, shilkii, shirqoolkii iyo shaqaaqada illaw! Miiskeeda tag oo kafee la cab oo baro ayaad go’aan ku gaadhay, kabalyeerigii ayaa ku dul yimid adoo soo urursanaya awooddii aad carafta ku raaci lahayd, nolosha kiradeedii, shirqoolkaanad xasuusan waa lagugu dhaxal wareejiyay, canjalad Tisiita ah ayay noloshu daartay, gabadha waa la dulmiyay ilmaa ka dareeraysa, iyaduna shirqool bay ku nooshahay, nin dhiig ku fooldhaqan ayaa gacanta jiitay, iyadoo is ciilkaambinaysa ayay raacday, wuu dhunkaday oo dhiigiisii ku dhamuuqay, iyadoo dhiig leh ayay dhoolacadaysay, waa taa nitaaqadii dib kuugu soo doogatay.

Makhaayadu dhisme kharaabad ahaa oo dib loo casriyeeyay weeye, aqal shanqol ahaa oo gaydh lahaa oo gantaal ku habsaday, qoyskii lahaa oo saqafka iyo duco miciinsaday mid walbaa halkuu duubnaa ayaa xabaal u noqotay, muddo dheer xabaashooduu ahaa, xabaashooda ayaa loo soo bun doontay, qabrigaa lagu soo booqday, haddaad cabaar aamusto gabi ahaanba, baroortii shufbeelkooda waad sii maqlaysaa, jahawareerka hadda haystana jidhkaa kula dubaaxinaya!

Intaan makhaayad kafee loo gedin kharaabadu, qashin qub ayay ahayd; ka musqul waayaa ku gabado, ka daroogo la dhuumanayaana malaa’igta wax qoraysa ka galo, meelaha xun xun ma soo galaan baa la yidhi!

Laakiin, urta taxanta si loo tiro, qubuurahanna qasri looga taago, waxaa la isugu wacay awooddo tirabadan, falsamayaqaano, naqshqadeeyayaal iyo faalalawba. Faalku wuxuu qoray dhir kala duwan oo lagu qariyo fooxa, dhir fayaaminaysa ruuxa, fiiradiisa shiiqinaysa, fekerkiisana muhmal galinaysa. Dhirtu waxa ay kugu kalifaysaa in aad iska illowdo baadigoobkaad isku raadinaysay, waxay kugu shuqlinaysaa walaaca kirada nolosha, hillib caydhiin ah bay ku cunsiinaysaa!

The post Kirada Nolosha appeared first on Kaab TV.

AFCON 2025: Morrocco oo kulmineysa xiisaha kubbada iyo dhaqanka Afrika. Soomaalidase maxay uga dhigan tahay?
RABBAT, Morocco (Kaab TV) – Morrocco  ayaa martigaleynaysa Tartanka Qaarada Afrika 2025 (AFCON), kaas oo bilaaban doona 21 Diseembar 2025 ilaa 18 Janaayo 2026. Tartankani wuxuu ka dhici doonaa lix magaalo oo taariikhi ah, isagoo isku daraya xiisaha kubadda cagta, dhaqanka, iyo quruxda dhulka.

AFCON 2025 waxay noqon doontaa tartanka ugu weyn ee kubadda cagta Afrika, iyadoo 24 dal oo Afrikaan ah ay ku tartamayaan. Waa tartankii 35-aad ee qaaradda Afrika, sidoo kalena waa kii labaad ee Marokko ay martigaliso tan iyo 1988. Tartanka wuxuu ka dhici doonaa magaalooyinka sida Rabat, Marrakech, Fez, Casablanca, Tangier, iyo Agadir, kuwaas oo leh taariikh dheer iyo dhismayaal casri ah.

Ciyaarta furitaanka ayaa xulka qaranka Moroco waxay wajihi doonaan xulka qaranka Comoros, halka maalinka ku xiga ay wada dheeli doonaan xulka Mali iyo Zambia.

Ciyaarta furitaanka ayaa xulka qaranka Moroco waxay wajihi doonaan xulka qaranka Comoros

Aniga oo ah wariye ka shaqeynayay ciyaaraha Soomaaliya 15 sano ee la soo dhaafay, ayaa waxaan ka qeybgalay xafladda abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ee Afrika, taas oo lagu qabtay magaalada Rabat 15 Novermber 2025. Dadka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay sanadkan si toos ah u daawaday dhacdadan, waxaana kumanaan ka falceliyeen barta Facebook ee Astaan Sports.

Aragtidayda AFCON 2025 – oo ah koobkii 35aad ee Afrika – wax badan ayuu kaga duwan yihiin tartamadii ka horreeyay. Waxaa sannadkan la horumariyay adeegyada ay heli karaan taageerayaasha u soo safraya Moroco si ay u daawadaan ciyaaraha. Morocco waxay diyaarisay 723 basas cusub si ay ugu fududeyso martida iyo ciyaartoyda. Waxaa sidoo kale diyaar ah hoteelo raaxo leh iyo deegaanno lagu nasto.

Morroco waxay sidoo kale martigalisay ciyaaraha isreeb-reebka koobka adduunka 2026, taas oo fursado cusub u abuurtay dalalka Afrika. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalkaas, iyadoo Morroco ay ka  ay taageertay garoomo iyo deegaan.

Dhaqanka iyo Muusigga

Tartanka waxaa lagu soo bandhigi doonaa dhaqamada gaarka ah ee Morocco iyo Afrika. Muusig iyo ciyaaro dhaqameed ayaa lagu qaban doonaa, iyadoo heesta rasmiga ah ee “Maghribi Maghribi” lagu furayo tartanka maalinta Axadda.

Mohamed Muudey iyo Khyari. | PHOTO/Mohamed Muudey.

Morocco waxay iskaashi la leedahay 54 dal oo Afrika ah, waxaana dalalkaasi ka mid ah Soomaaliya, si loo xoojiyo horumarinta kubadda cagta. Omar Khyari, la-taliyaha madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Morocco, ayaa muujiyay in iskaashigan uu Soomaaliya siinayo fursado tababar iyo kaabayaasha isboorti.

“Waxaan dhisnay iskaashi xiriireed ee 54 dal ee Afrika. Soomaaliya iyo Morocco gaar ahaan waxay leeyihiin iskaashi gaar ah, waxayna Morocco ka caawineysaa Soomaaliya inay dalka Morocco ugu ciyaarto guri ahaan tartamada ay Soomaaliya ka qeybgaleyso, taasoo sare u qaadeysa doorka xulka qaranka Soomaaliyeed ee ciyaaraha AFCON 2025,” ayuu yiri Omar Khyari.

Iskaashigaas wuxuu saamayn weyn ku yeelanayaa dhismaha garoomo iyo kaabayaasha isboorti ee Soomaaliya, taasoo u oggolaanaysa inay ka qeyb gasho heerar sare. Tani waxay sidoo kale soo saari doontaa ciyaartoy tayo sare leh, ka dhigi doonta Soomaaliya inay si tartiib ah u horumariso kubadda cagta dalka.

Mohamed Abdi Muudey waa suxufi arrimaha ciyaaraha, iyo agaasimaha Astaan Sports.

The post AFCON 2025: Morrocco oo kulmineysa xiisaha kubbada iyo dhaqanka Afrika. Soomaalidase maxay uga dhigan tahay? appeared first on Kaab TV.