Fikradaha Archives - Kaab TV

Rajo aad u yar oo laga qabo wada hadalka doorashada ee mucaaradka iyo Xasan Sheekh uga socda Muqdisho
LONDON (Kaab TV) – Shalay, waxaa dhacay kulankii labaad ee fool-ka-fool u dhexmara Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Madasha Samatabixinta iyo Dowlad Gobolleedyada Puntland iyo Jubaland ay kula kulmeen iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan kii ka horreeyay wuxuu ahaa kii ka dhacay Hotel Decale, ee xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, oo ujeedkiisu ahaa in xoogaa shakiga iyo kala aamin-baxa la isaga soo dhowaado, inkastoo kulankaas laf ahaantiisa aanu dhalin wax is aaminaad ah oo qolo kasta goonigeeda qado uga keensatay meelo kale.

Waxaa garab socday labo shir oo ay kala lahaayeen labada garab ee uu Baarlamaanka Federaalka u kala jabay, qarkana hadda u saaran in labo guddoomiye uu yeesho.

Xitaa iyada oo kulanka shalay uu ka dhacay Villa Soomaaliya ayaa fadqalo lagu sameeyay Madaxweynaha Jubaland oo qori BKM ah looga dhex xaday Villada, inkastoo naloo sheegay in qorigii lasoo heley.

KULANKA SHALAY

Daqiiqadihii shalay la fadhiyay Villa Soomaaliya lama gaarin isu soo dhowaansho labada arrin ee ugu weyn: waa beddelidda Dastuurka ku-meel-gaarka ah oo hal dhinac ah iyo qaabka loo qaban doono doorashada 2026.

Dhanka Golaha Mustaqbalka waxay ku adkeysanayaan go’aankoodii ay marar badan sheegeen ee ahaa in Dastuurku yahay kii 2012 oo isbeddel aan la isku raacsaneyn jiri karin, iyo in doorashadu noqoto hab la wada aqbalsan yahay oo aan cid gaar ah jeebka ku ridan karin.

Madaxweyne Axmed Madoobe.

Labadan arrimood Xasan waa ku dhib, mana uu rabo inuu fuliyo.

Marka la heshiin waayo, siyaasiyiinta Soomaalida waxay ku kala tagaan labo waxyaabood: in guddi la saaro iyo in dib la isugu soo laabto. Sidaas ayaana shalay kulankii ahaa lagu afmeeray.

Saaka oo Jimce ah dhanka Golaha Mustaqbalka waxay noo sheegeen inay dhankooda diyaariyeen xubnaha guddiga, ayna sugayaan dhanka Xasan Sheekh.

Ma rabo inaan ka hordhaco, laakiin waxaa iska muuqata in haddiiba arrimaha waaweyn aan tanaasul ka jirin, daacadnimo ay ka maqan tahay dhinacyada shiraya, inaysan natiijo kasoo bixi doonin.

MAXAA HADDABA LOO KULMAYAA HADDAAN LA HESHIIN KARIN?

Waa su’aasha ay qabaan dadka aan sida hoose ula socon shirarkan doorashada iyo khilaafka ka taagan Dastuurka iyo doorashada.

Xasanka Villada wuxuu leeyahay labo ujeeddo oo ah inuu helo fursad kasta oo lagu kala tagi karo, ka dibna eedda dusha u saaro dhanka Golaha Mustaqbalka.

Tan labaadna waa in waqtigu fogaado, oo marba dib loo dhaco intii ay u gaarto.

Dhanka Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan Puntland iyo Jubaland waxay qabaan in si kasta oo Xasan irdaha marmarsiinyada looga soo xiri karo la sameeyo, oo waa taa ay Villada ugula kulmeen, iyo in la abuuro fursad doorashada tteendhada ku qabsoomi karto.

The post Rajo aad u yar oo laga qabo wada hadalka doorashada ee mucaaradka iyo Xasan Sheekh uga socda Muqdisho appeared first on Kaab TV.

Turkey oo F16 Geeyay Muqdisho; Danaha Somaliland iyo Israel iyo cawaaqibka ka dhalan kara
LONDON (Kaab TV) – Waxaa beryihii lasoo dhaafay soo baxaayay warar sheegaaya in Turkey ay keentay Muqdisho 3 diyaaradood oo nooca F16 ah. Wararkaas oo warbaahinta qaarkeed ay xaqiijisay.

Qormadaan gaaban waxaan uga hadli doonaa diyaaradaha, ujeedka wuxuu noqon karo iyo cawaaqibka ka dhalan kara.

1- Turkidu waxay isticmaalaan diyaaradda Mareykanku farsameeyo ee F16. Waa nooc diyaaradaha dagaalka oo Maryland, USA lagu farsameeyo, oo meel dhexe ah, badina waddamada Carabta way haystaan, oo Mareykanka ayaa ka iibiya.

Dhammaan waddamada laga iibiyay – oo Turkidu ku jiraan – waxay saxiixeen heshiis END-USER RESTRICTION AGREEMENT, oo reebaya:

(1) in waddan kale loo sii wareejiyo; (2) in ay isticmaalaan cid aan ahayn waddankii laga iibiyay ee u heysta shahaadada; (3) inaan lagu sameyn kari hawlgal ama dagaal aysan ogeyn dowladda Mareykanka.

Dhammaan qodobadaan waxay ka mid yihiin heshiisyada difaaca ee laga saxiixo ka hor intaan waddan laga iibin diyaaradaha iyo agabka kale ee militari. Turkey dhammaan qodobadaan way aqbaleen.

Xusuusin: Diyaaradda F16 waa ka duwan tahay drones-ka ay Turkidu iyagu sameystaan.

UJEEDKA F16 LA GEEYAY MUQDISHO

2- Turkidu waxay marmarsiinyo ahaan u adeegsadaan dagaalka Shabaab. Waxaa jira cabsi laga qabo in Shabaabka Xamar qabsadaan, taasoo walaac weyn ku haysa Saldhigga TURKSOM ee Muqdisho.

Iyada oo taas laga fiirinaaya waxay Turkidu ka codsan karaan Mareykanka in diyaaradaha F16 ay muddo kooban ka soo hawlgalaan Soomaaliya.

Waxaa kaloo jirta in Turkidu ay doonayaan inay shidaal iyo macdan qodis ka fushadaan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, oo ay ku jirto shidaal baaris dhanka badda ah. Waa mashruuc kale oo dood ka tagan tahay, waxaana Turkida u arkaan inay maalgelinta ay Soomaaliya ku sameeyeen darteed xaq u leeyihiin inay shidaal iyo macaadinba qotaan.

Haddiise ay noqoto si abadiyan ah ay uga hawlgalaan Soomaaliya, taas waxay ka horimaaneysaa heshiiska End-User Restriction Agreement. Waxaana ka dhalan kara in Mareykanka qaado tallaabooyin (hoos ayaan ku sheegi doonaa tallaabooyinkaas).

Madaxweyne Somaliland Cabdiraxmaan Cirro iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel Gideon Sa’ar (Hargeysa, 6 Jannaayo 2026).

SOMALILAND IYO DANAHA ISRAEL

3- Turkidu uma adeegsan karaan diyaaradahan wax ka baxsan inta iyaga amnigooda ku saabsan, ama dagaalka Shabaab ah. Haddiise ay dhacdo inay Soomaaliya ka codsato in loo adeegsado arrimaha Somaliland, tusaale: muranka hawada ee Muqdisho iyo Hargeysa ama la isku dayo in lagu carqaladeeyo danaha Israel waxay iyana jabineysaa heshiiskii iibka ee ay Turkey kula gashay Mareykanka.

Sidaa darteed diyaaradaha waxba uma tari karaan arrimaha hawada ee Soomaaliya, oo dabcan loo arko muran u dhexeeya Soomaalida (Hargeysa iyo Muqdisho).

Israel waxay aqoonsatay Somaliland 26kii Disembar 2025, taasoo ka dhigan in labada dhinac ay u wada dhaqmayaan sidii labo dowladood oo is la eg, waxaana ku jirta heshiisyada labada dhinac in Israel caawimaad siin karto Somaliland haddii lasoo weeraro. Taas waxay keeni kartaa isku dhac dhexmara Israel iyo Turkey (umase badna inay dhacdo).

Safiirka Turkey ee Muqdisho Alper Aktaş iyo mas’uuliyiinta Wasaradda Gaashaandhigga Soomaaliya. (Muqdisho, 11 Jannaayo 2026).

DIYAARADAHA F35 ISRAEL VS F16 TURKEY

4- Halka ay Turkey ka adeegsato F16 (4th generation), waxay Israel haysataa F35 oo 5th generation ah (fiiri labada sawir ee hoose). Diyaaradda F35 nooca ay Israel sii hormarisay ee Adir, waxaa lagu tilmaamaa diyaarad awood badan, oo ka dhuuman karta raadaarka ay waddamo badan haystaan.

Marka ay joogto Carabta iyo Afrika oo dhan, waxay F35 fulin kartaa hawlgal iyada oo aan xitaa laga ogaan waddanka uu hawlgalkaasi ka dhacaayo. Waxay F35 awoodda inay xitaa soo riddo F16 haddii ay dagaal noqoto.

CAWAAQIBKA

5- Haddii ay dhacdo inay #Turkey ku xadgudubto heshiiska looga iibiyay diyaaradaha ee ay Mareykanka kula jirto, waxay horseedi kartaa dhowr tallaabo oo waddanka ka iibiyay uu qaadi karto:

A) In heshiiska la buriyo, oo aan diyaarad dambe laga iibin, isla markaana loo diido qalabka dayactirka diyaaradaha ay hadda haystaan

B) In Mareykanka dalbado in qalabkii uu iibiyay loo soo celiyo maadaama heshiiskii lagu xadgudbay.

C) In cunaqabateyn lagu soo rogo Turkey taas oo sii adkeyn karta dhismaha ciidamadiisa.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

The post Turkey oo F16 Geeyay Muqdisho; Danaha Somaliland iyo Israel iyo cawaaqibka ka dhalan kara appeared first on Kaab TV.

AQOONSI YAA BIXIN KARA? – QORMO GAABAN
Waa faallo kooban oo ku aaddan sida uu aqoonsiga dowladaha u shaqeeyo, iyo gaar ahaan kiiska aqoonsiga Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland.

1) Waa Maxay Aqoonsi?

Aqoonsi (Recognition) marka laga hadlayo xiriirka caalamiga ah, waa marka dal uu si rasmi ah u qirto in hay’ad ama dhul kale uu buuxiyay shuruudaha dalnimo ama uu leeyahay dowlad sharci ah, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ula macaamilo sida dal ama dowlad rasmi ah.

Aqoonsigu waa marka dal uu si rasmi ah u aqbalo dal kale inuu yahay dal madax-bannaan. Aqoonsiga ka bacdi waxaa xiga tallaabooyin sida in safiiro la is dhaafsado, iyo safaarado labada dhan ah.

2) Aqoonsigu ma Go’aan Siyaasi ah baa Mise Waa Wax Kale?

Aqoonsigu waa GO’AAN SIYAASI ah, oo ay dowlad gaarto. Waxaa fuliya ama meelmariya waaxda siyaasadda ama xukuumadda ee dalka wax aqoonsanaya.

KIISKA SOMALILAND: Xukuumadda Israa’iil ee uu hoggaamiyo RW Netanyahu ayaa ka mas’uul ah go’aanka siyaasiga, iyada ayaana ku dhawaaqday.

3) Qaramada Midoobay ma Diidi Kartaa Haddii Dal uu Aqoonsado Dal Kale?

Maya. Qaramada Midoobay kuma jirto waajibabyadeeda shaqo inay diido, ogolaato go’aan siyaassadeed oo dal kale gaaray.

Tusaale: UK, France, Canada, iyo illaa 130 waddan ayaa aqoonsaday Falastiin, laakiin USA iyo Israaiil ayaa diiday, haddana lama joojin, oo sidaas ayay ku meelmartay.

4) Maxaa Tallaabo ah oo QM Qaadi Kartaa Haddii Dal la Aqoonsado, Laakiin dowladaha kale ay Diidaan?

Waxba. Kaliya waxaa furan in kulan la qabto, oo la cambaareeyo sidii dhacday labo habeen ka hor oo 14 waddan ay cambaareeyeen kiiska aqoonsiga Somaliland. Laakiin lama cunaqabateyn karo, mana jirto ganaax ama ciqaabo kale oo ka dhalanaya in dal QM ku jira, sida Israa’iil, uu aqoonsado dal kale, sida Somaliland — xitaa haddii Soomaaliya oo ku jirta QM ay diiddo.

5) In Dal la Aqoonsado iyo inuu Xubin ka Noqdo QM Maxay ku Kala Duwan Yihiin?

Waa labo arrimood oo aan shaqo isku lahayn. Marka dal cusub la aqoonsado, sidiisa ayuu dal ku yahay, laakiin inuu ku biiro QM waxay u baahan tahay: (1) inuu soo codsado xubinnimo (application); (2) in xubnaha Golaha Amniga oo 15 xubnood ah ay u codeeyaan oo ugu yaraan 9 waddan ay aqbalaan; (3) in golaha guud ee QM la geeyo, oo 2/3 xubnaha guud oo ah 193 waddan ay u codeeyaan, taasoo ka dhigan in 129 cod ay tahay inay “HAA” ugu codeyso.

Haddiise xubnaha 5ta waddan ee haysata Diidmada Qayaxan (Veto) ee Golaha Amniga uu mid ka mid ah “VETO” ku diido ka doodista codsiga xubinnimada waddanka cusub, sidaas ayuu codsiga ku burburayaa. Loomana gudbinaayo codsiga xubinnimada Golaha Guud.

6) Waddan Xor ah oo Dowlad Haystaa oo aan ku Jirin QM ma Jiraa?

Haa. Falastiin waa dowlad la aqoonsan yahay oo safaarado ku leh caalamka, mana haysato xubin buuxda oo QM ah. Kaliya waxay Falastiin ku fadhidaa QM sida “korjoogto” ama “observer” ahaan.

Sidoo kale, Taiwan, Kosovo, iyo Western Sahara ayaan ku jirin QM laakiin waa waddamo ay dowlado aqoonsadeen, adduunkana ku leh matalaad.

Gunaanad, aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland waa rasmi marka lagu fiiriyo curfiga diblomaasiyadda caalamiga, waana “VALID”. Meel looga noqdo ma jirto illaa ay Israa’iil iyada ka noqoto ama Somaliland laf ahaanteeda ay ka tanaasusho ka gooni noqoshada Soomaaliya.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

The post AQOONSI YAA BIXIN KARA? – QORMO GAABAN appeared first on Kaab TV.

ARAGTI: Sababta Aqoonsiga Somaliland uu Muhiim ugu yahay Nabadda, Amniga, iyo Caddaaladda Geeska Afrika
Aqoonsiga Somaliland ee maanta ay aqoonsatay Dowladda Israa’iil waa tallaabo muhiim ah oo wax ku ool ah oo loo qaaday nabadda, amniga, iyo caddaaladda Geeska Afrika. Go’aankani waa mid ka weyn siyaasad.  Waa qiritaanka xaqiiqo siyaasadeed oo ay qaabeeyeen taariikh ku saleysan adkeysi, iyo rabitaan cad oo ka yimid dadweynaha ku soo caana maalay xasilloonida, ismaamul dimuqraaddi ah, iyo amni in ka badan soddon sano.

Aqoonsiga Jamhruuriyadda Somaliland ma aha oo kaliya go’aan siyaasadeed; ee waa qirasho akhlaakhi ah oo taariikheed, naf huritaan, iyo xuquuqda guud ee ay dadka u leeyihiin inay ku noolaadaan nabad iyo karaamo.

Marka bulshooyinka loo oggolaado inay go’aamiyaan mustaqbalkooda siyaasadeed iyagoo adeegsanaya habab nabad iyo dimuqraadi ah, natiijadu waxay inta badan noqotaa xasillooni guud oo weyn, colaadaha oo yaraada, iyo iskaashi xooggan oo dhexmara derisyada.

Marka aan sidaas leeyahay uma hadlaayo sidii qof bannaanka ka yimid ee waxaan ahay qof ku dhashay gudaha Soomaaliya oo ku soo koray xilligiiyadii ugu naxdinta badnaa ee 1990-meeyadii. Waxaan si toos ah u arkay rabshadihii, burburkii dawladda, iyo dhibaatadii loo geystay dadka rayidka ah. Waa xilligaas markii ay Somaliland ka baxday midowgeedii ay la gashay Soomaaliya, ka dib xasuuqii naxariis darrada ahaa ee ay u geysteen ciidamadii Soomaaliya.

Waaya-aragnimadaasi waxay i bartay shakhsiyan macnaha dhabta ah ee cadaalad darrada. Waxay sidoo kale qaabeeyeen aaminsanaantayda aan aaminsanahay in aan bulsho lagu qasbin inay ku sii jirto nidaam siyaasadeed oo u horseeday rabshado joogto ah iyo xuquuqdooda oo loo diido.

Gobolkeenna, Geeska Afrika, wuxuu u baahan yahay xasillooni. Maanta kooxaha argagixisada, kooxaha dambiilayaasha ee abaabulan, masiibooyinka cimilada, iyo amniga cuntada oo sii xumaanaya ayaa khatar weyn ku haya nolosha dadkeenna.

Soomaaliya waa inay qirtaa oo ay aqbashaa qaranimada Somaliland. Dhammaanteen waan ogayn in tani ay imanayso – in maalin uun Somaliland ay xor noqon doonto ugu dambayntiina tii ayaa timid.

Muqdisho waa inay soo dhaweysaa oo ay ugu hambalyeysaa Somaliland tallaabadan muhiimka ah ee aqoonsiga. Dadka reer Somaliland waa walaalaheenna, ma aha cadowgeenna. Waxaan wada qabsan karnaa waxyaabo badan oo wanaagsan iyada oo loo marayo is-ixtiraam iyo wadahadal dhexmara Muqdisho iyo Hargeysa. Labada dhinacba waa inay furaan albaabka wada-shaqeynta wax dhisaysa, iskaashiga gobolka, iyo mustaqbal lagu dhisay wada-noolaansho halkii la is inkiri lahaa.

Aqoonsiga Somaliland ma tirtiraayo taariikhda ay wadaagaan DADKEENNA – taariikhda ku salaysan ehelnimo iyo walaalnimo; Tani waxay u oggolaan doontaa labada shacab inay hore u socdaan iyagoo sharfan oo hadaf cad leh.

Mar labaad, anigoo ah qof ka soo jeeda bulsho la kulantay dulmi, waxaan si adag u aaminsanahay inay tahay xuquuqda dad kasta, qaran kasta, iyo waddan kasta inuu yeesho go’aan-qaadasho.

Nasiib wacan iyo hambalyo Dadka #Somaliland!

The post ARAGTI: Sababta Aqoonsiga Somaliland uu Muhiim ugu yahay Nabadda, Amniga, iyo Caddaaladda Geeska Afrika appeared first on Kaab TV.

Kirada Nolosha
Noloshu waa shirqool dabiici ah, waxa hadheeyay shirqoolada noolaha!

Noloshu waa makhaayad aad kafee ka cabayso, adigoo shil ku miyir daboolay ka soo naaxay, shil aad shirqool uga shakisan tahay, adigoon isla jeerkaa garanayn halkaad ka timid, halkaad u socoto iyo waxa kugu dhaliyay in uu shirqool yahay shilkani toona, adigoo xasuusasho ku jira, ayaad isla jeerkaana fahan isleedahay dadka makhaayada gudaheeda kooxaha kooxaha u shiraya waxay maleegayaan!

Wanaagu waxa weeye miyuusig macaan ayaa baxaya, waxa miiska kaaga ka soo horjeeda fadhida gabadh daymada wajigeedu xasillooni ku dareensiiyay, hab dhaca miyuusiga ayaad ku dheehatay noolahan mugdiga wehelka kaaga noqday, kol kaliya ayaa iftiin noloshu is buuxisay, fiyooraha guduudan ayaa kuu muuqday, urta isku qasan ee fooxa, bunka, iyo cadarkeeda ayaa ku saaqay, mar aad ka jeedsatay, dhiig ayaa kuu uray oo mugdigii kugu celiyay, waxaad go’aansatay in aad indhaha ku hayso, shilkii, shirqoolkii iyo shaqaaqada illaw! Miiskeeda tag oo kafee la cab oo baro ayaad go’aan ku gaadhay, kabalyeerigii ayaa ku dul yimid adoo soo urursanaya awooddii aad carafta ku raaci lahayd, nolosha kiradeedii, shirqoolkaanad xasuusan waa lagugu dhaxal wareejiyay, canjalad Tisiita ah ayay noloshu daartay, gabadha waa la dulmiyay ilmaa ka dareeraysa, iyaduna shirqool bay ku nooshahay, nin dhiig ku fooldhaqan ayaa gacanta jiitay, iyadoo is ciilkaambinaysa ayay raacday, wuu dhunkaday oo dhiigiisii ku dhamuuqay, iyadoo dhiig leh ayay dhoolacadaysay, waa taa nitaaqadii dib kuugu soo doogatay.

Makhaayadu dhisme kharaabad ahaa oo dib loo casriyeeyay weeye, aqal shanqol ahaa oo gaydh lahaa oo gantaal ku habsaday, qoyskii lahaa oo saqafka iyo duco miciinsaday mid walbaa halkuu duubnaa ayaa xabaal u noqotay, muddo dheer xabaashooduu ahaa, xabaashooda ayaa loo soo bun doontay, qabrigaa lagu soo booqday, haddaad cabaar aamusto gabi ahaanba, baroortii shufbeelkooda waad sii maqlaysaa, jahawareerka hadda haystana jidhkaa kula dubaaxinaya!

Intaan makhaayad kafee loo gedin kharaabadu, qashin qub ayay ahayd; ka musqul waayaa ku gabado, ka daroogo la dhuumanayaana malaa’igta wax qoraysa ka galo, meelaha xun xun ma soo galaan baa la yidhi!

Laakiin, urta taxanta si loo tiro, qubuurahanna qasri looga taago, waxaa la isugu wacay awooddo tirabadan, falsamayaqaano, naqshqadeeyayaal iyo faalalawba. Faalku wuxuu qoray dhir kala duwan oo lagu qariyo fooxa, dhir fayaaminaysa ruuxa, fiiradiisa shiiqinaysa, fekerkiisana muhmal galinaysa. Dhirtu waxa ay kugu kalifaysaa in aad iska illowdo baadigoobkaad isku raadinaysay, waxay kugu shuqlinaysaa walaaca kirada nolosha, hillib caydhiin ah bay ku cunsiinaysaa!

The post Kirada Nolosha appeared first on Kaab TV.

AFCON 2025: Morrocco oo kulmineysa xiisaha kubbada iyo dhaqanka Afrika. Soomaalidase maxay uga dhigan tahay?
RABBAT, Morocco (Kaab TV) – Morrocco  ayaa martigaleynaysa Tartanka Qaarada Afrika 2025 (AFCON), kaas oo bilaaban doona 21 Diseembar 2025 ilaa 18 Janaayo 2026. Tartankani wuxuu ka dhici doonaa lix magaalo oo taariikhi ah, isagoo isku daraya xiisaha kubadda cagta, dhaqanka, iyo quruxda dhulka.

AFCON 2025 waxay noqon doontaa tartanka ugu weyn ee kubadda cagta Afrika, iyadoo 24 dal oo Afrikaan ah ay ku tartamayaan. Waa tartankii 35-aad ee qaaradda Afrika, sidoo kalena waa kii labaad ee Marokko ay martigaliso tan iyo 1988. Tartanka wuxuu ka dhici doonaa magaalooyinka sida Rabat, Marrakech, Fez, Casablanca, Tangier, iyo Agadir, kuwaas oo leh taariikh dheer iyo dhismayaal casri ah.

Ciyaarta furitaanka ayaa xulka qaranka Moroco waxay wajihi doonaan xulka qaranka Comoros, halka maalinka ku xiga ay wada dheeli doonaan xulka Mali iyo Zambia.

Ciyaarta furitaanka ayaa xulka qaranka Moroco waxay wajihi doonaan xulka qaranka Comoros

Aniga oo ah wariye ka shaqeynayay ciyaaraha Soomaaliya 15 sano ee la soo dhaafay, ayaa waxaan ka qeybgalay xafladda abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ee Afrika, taas oo lagu qabtay magaalada Rabat 15 Novermber 2025. Dadka Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay sanadkan si toos ah u daawaday dhacdadan, waxaana kumanaan ka falceliyeen barta Facebook ee Astaan Sports.

Aragtidayda AFCON 2025 – oo ah koobkii 35aad ee Afrika – wax badan ayuu kaga duwan yihiin tartamadii ka horreeyay. Waxaa sannadkan la horumariyay adeegyada ay heli karaan taageerayaasha u soo safraya Moroco si ay u daawadaan ciyaaraha. Morocco waxay diyaarisay 723 basas cusub si ay ugu fududeyso martida iyo ciyaartoyda. Waxaa sidoo kale diyaar ah hoteelo raaxo leh iyo deegaanno lagu nasto.

Morroco waxay sidoo kale martigalisay ciyaaraha isreeb-reebka koobka adduunka 2026, taas oo fursado cusub u abuurtay dalalka Afrika. Soomaaliya ayaa ka mid ah dalalkaas, iyadoo Morroco ay ka  ay taageertay garoomo iyo deegaan.

Dhaqanka iyo Muusigga

Tartanka waxaa lagu soo bandhigi doonaa dhaqamada gaarka ah ee Morocco iyo Afrika. Muusig iyo ciyaaro dhaqameed ayaa lagu qaban doonaa, iyadoo heesta rasmiga ah ee “Maghribi Maghribi” lagu furayo tartanka maalinta Axadda.

Mohamed Muudey iyo Khyari. | PHOTO/Mohamed Muudey.

Morocco waxay iskaashi la leedahay 54 dal oo Afrika ah, waxaana dalalkaasi ka mid ah Soomaaliya, si loo xoojiyo horumarinta kubadda cagta. Omar Khyari, la-taliyaha madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Morocco, ayaa muujiyay in iskaashigan uu Soomaaliya siinayo fursado tababar iyo kaabayaasha isboorti.

“Waxaan dhisnay iskaashi xiriireed ee 54 dal ee Afrika. Soomaaliya iyo Morocco gaar ahaan waxay leeyihiin iskaashi gaar ah, waxayna Morocco ka caawineysaa Soomaaliya inay dalka Morocco ugu ciyaarto guri ahaan tartamada ay Soomaaliya ka qeybgaleyso, taasoo sare u qaadeysa doorka xulka qaranka Soomaaliyeed ee ciyaaraha AFCON 2025,” ayuu yiri Omar Khyari.

Iskaashigaas wuxuu saamayn weyn ku yeelanayaa dhismaha garoomo iyo kaabayaasha isboorti ee Soomaaliya, taasoo u oggolaanaysa inay ka qeyb gasho heerar sare. Tani waxay sidoo kale soo saari doontaa ciyaartoy tayo sare leh, ka dhigi doonta Soomaaliya inay si tartiib ah u horumariso kubadda cagta dalka.

Mohamed Abdi Muudey waa suxufi arrimaha ciyaaraha, iyo agaasimaha Astaan Sports.

The post AFCON 2025: Morrocco oo kulmineysa xiisaha kubbada iyo dhaqanka Afrika. Soomaalidase maxay uga dhigan tahay? appeared first on Kaab TV.

Halgankii Sheekh Xasan Barsane: Duulaankii Talyaaniga iyo Xabashida
Hordhac

Halganka gobonnimadoonka ee Sheekh Xasan Barsane, laguna difaacaayay lagu difaacaayay dhulka Soomaaliyeed, waxaa sees u ahaa oo shidaalinaayya Islaamnimada. Xiriirkii uu sheekha kusoo sameeyay dhulka Xijaas, waxay dhaxalsiisay ballaarinta baaxadda halganka kaddib markii uu qayb ka noqday matalaadaha dunida Islaamka ee halganka kula jira gumaysiga. Adduun aragga ballaaran ee Sheekha ee dhulka Makah uu kasoo helay, la socodka halgamadii dunida ka socad sida Mahdiga Suudaan, waxay abuureen inuu su’aal galiyo gumaysidoonka kusoo qulqulaayo qaaradda Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaaliyeed oo loo arkaayay mid beylah ah. Laxawga Sheekha wuxuu keenay inuu dadka kusoo kordhiyo hab-maamul, waaya-aragnimo iyo abaabul hor leh, kaaso oo ujeedka yahay in la difaaco dhulka, dadka iyo diinta Islaamka.

Baresafsoor Maxamed Xaaji Mukhtaar wuxuu halganka Sheekh Xasan Barsane ku tilmaamay inuu ahaa halgan ay Soomaali ku mideysneed, ayna difaacaayeen dhaqaalaha ummadda iyo diinta Islaamka. Waxay tani gundhig u ahayd dadaallada uu sheekha ku baadigoobaayay Soomaaliweyn, laguna difaacaayay Qowmiyadda Soomaaliyeed, taasoo ay kaalin ku lahaayeen reeraha laga xusi karo; Gaaljecel, oo uu sheekha ka dhashay, Moobileen, Abgaal, Shiidle, Xawaadle iyo Baadicadde. Qodobadaas uu sheekha ku dul-dhisay halgankiisa waxay ka dhigtay halgan ummadeed oo dhan walba loo dhanyahay, taasoo ilaa maaanta miraheeda ay miraheeda u aayaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ku matalaayay iska-caabinta gumaystaha Talyaaniga iyo Xabashida.

Dhalashada iyo Hanaqaadkiisa

Sheekh Xasan Sheekh Nuur Sheekh Axmed oo caan ku ah Sheekh Xasan Barsane, wuxuu sanadkii 1853dii ku dhashay deegaanka Ubaadi oo in ku dhaw 80km u jirta degmada Jowhar. Aabihiis Sheekh Nuur, wuxuu ahaa caalim diineed kaas oo hogaan u ahaa jameecada Balad Ubaadi oo la asaasay sanadkii 1848, kalkaas oo uu bulshada ku bari jiray diinta islaamka iyo axkaamteeda, wuxuuna dadka ku boorin jiray inay adduun iyo aakhira ba u shaqaystaan. Sida uu qofka goor kasta u yahay deegaankiisa, qoyska sheekha oo ahlu diin ah waxay saamayn ku yeelatay qaabaynta mustaqbalka.[1] Sheekh XBarsane taniyo yaraantiisa, koritaankiisa, ilaa noqoshada caalim iyo halgamaa waxay martay heerar uu kaga dhex tallaabay goobo iyo goor kala duwan, waxaana u kala qaadi karnaa saddex marxalad; Ubaadi, Xernimo, iyo Tagidiisii Xajka.

Waxaa heerka Ubaadi saamayn xooggan ku lahaa barbaarinta aabihiis oo seeska u adkeeyay, dhan walba, fikir, saqaafo iyo dhaqan bulsheed. Waxay tani dhalisay inuu Sheekh Xasan uu qaado jidka adoogiis ee dariiqada Suufiyada, taasoo ahayd isbeddelka koowaad ee uu la kowsaday sheekha. Heerka labaad ee Xernimada, waxay ka billaabanaysaa marka uu gaaray da’da labaatanaad, waxa Sheekh Xasan Barsane iyo aabihiisa isla garteen inuu u safro degaanno kale si uu aqoontiisa u korosado kana doonta meel walba oo uu kaga haqab-beeli karo baahida diineed. Sidaas darteed, wuxuu u safray degaanka Mareereey Aw-Xasan ee hoos timaaddo degmada Afgooya oo Muqdisho u jirta 30kn. Marxladdaan wuxuu sheekha la kulmay culimo waaweyn oo uu diinta ka korosado, uguna weynaa Sheekh Maadow Casharoow. Wuxuu hayaankaasi kaga sii gudbay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu mar kale fursad u helay inuu wax ka barto culima waaweyn. Ugu danbeyn geediga aqooneed ee uu sahanka ugu jiray waxa uu gaaray Soomaali Galbeed halkaas oo u noqotay goob uu mar kale culimo ka helo. Dhammaan socdaalladaani uu sheekha iskaga goosay degaannadaasi waxay billow u ahaayeen inuu noqdo caalim diineed oo hanto martabadda qiimaha badan ee Sheekh.[2]

Heerka u danbeeyay waa safarkii Makka oo uu labo jeer tagay kuna soo gutay waajibka xajka, tiirka shanaad ee Islaamnida, waxayna ku beegneed dhamaadka sanadkii 1880naadii. Sheekha inta uu ku sugnaa Sacuudi Carabiya wuxuu fursad u helay inuu barto sooyaalka ballaaran ee caalimka reer Marooko asaasaha dariiqada Axmadiya Sheekh Axmad ibn Idris al-Faasi (1760–1837) iyo wadaadka reer Suudaan ee Muxammad Axmad al-Mahdi (1844–1885). Waxa uu toos ula kulmay asaasaha dariiqada Saalixiya Sheekh Muxamed Binu Saalax al-Rashid (1918), iyo Sheekh Soomaaliyeed Maxamed Guuleed oo kamid ahaa xerta Sheekh Muxamed Binu Saalax, oo ahaa qofka koowaad ee Dooxada Shabeella keenay dariiqada Saalixiya[3]. Ugu danbeyntii, wuxuu sheekha dalka kusoo laabtay asiga oo fikir ahaan isbeddelay oo uu ballaartay adduun aragiisa, wuxuuna kusoo beegmay  iyadoo Gumaystaha uu Afrikada Bari isku fidinaayo, kaddib heshiiskii Barlin 1884, gaar ahaan gumaystaha Talyaaniga, Ingiriiska iyo Faransiiska. Waxaa baryahaas si weyn u socotay oo culimada iyo guud ahaan bulshadaba aad afka ugu hayeen ama ka sheekaysanaayeen, dagaalkii ka socdey dalka Suudaan oo uu Maxamad Al-Mahdi hormuudka ka ahaa. Waxaa goobtaasi joogay culimo badan oo dariiqooyin kala duwan haysata oo goor iyo goob kasta faallayn jiray jihaadka iyo fadligiisa. Dhulka Xijaas waxay guud ahaan culimada Soomaaliyeed u aadi jireen si joogta ah iyaga oo kulamo la qaadan jiray madaxa dariiqada Saalixiya[4].

Hagalkii la hilmaamay ee Sheekh Barsane.

Dr. David H. Marlowe, waxa uu xusayaa in Sheekh Xasan Barsane kamid ahaa dadkii ugu horreyay ee ku biira dariiqada Saalixiyada, taasoo muujinaysaa in Sheekh Xasan muddada saddexda sano ee uu dhulkaasi ku sugnaa fursad u helay islamarkaana uu qayb ka ahaa fadhiyada diineed ee uu hormuudka ka ahaa Sheekh Maxamed Saalax. Rubacii ugu danbeeyay ee qarnigii 19aad ilaa horaanta qarniga 20aad, oo ay quwadaha Yurub isku fidinaayeen inay gacanta ku dhigaan Geeska Afrika, ayaa waxay culimada islaamka noqdeen hormuudka iyo hogaanka muqaawamada Soomaalida. Waxay culimadaani difaaca dhulka muslimiinta u arkayeen waajib islaami ah, kaas oo lagaga soo horjeedo Kirishtaanka duulaanka ah; Talyaaniga, Ingiriiska, Faransiiska, iyo Itoobiyaanka. Waxaa fatradaani loo yaqiinay “Casriga Shuyuukhda”, sida uu ugu magac daray Barefasoor Saciid Samatar.[5]

Kusoo Laabshada Dalka

Sheekh Xasan Barsane oo muddo saddex sano ku maqnaa magaalada barakaysan ee Makkah, ayaa wuxuu dalka kula soo laabtay aqoon diineed uu muddadaasi bowsaday iyo xiriirka dariiqada Saalixiyada. Wuxuu Sheekha soo laabtay asiga oo gaaray darajada Xaaji. Waxa uu kusoo beegmay xilli aabihiis, Shiikh Nuur Axmed, uu qaabeeyay mustaqbal siyaasadeedka jameecada. Intaa kadib, sanadkii 1890kii si uu Xaaji Xasan u qaato kaalintiisa hogaamineed wuxuu la yimid isbeddel ballaran, waxa uuna asaasay xarunta cusub ee Jameecada Mubaarak Baled-al-Kariim oo u dhaw deegaanka Ceeldheere ee Shabeellaha Dhexe. Sheekha, wuxuu muddadaasi ku guulaystay inuu sameeyo Gole Shura, oo ka kooban oday-dhaqmeed, culimo iyo waxgaradka degaannda. Sanadka 1897dii wuxuu qabtay shirweyna lagaga arrinsanaayo aayaha jameecada waxaana lagu go’aamiyay in jameecada loo raro Jilyaale[6] oo ahayd dhul beeraley[7]. Waxa uu go’aankaani ahaa mid kamid ah go’aannadii waaweynaa ee ay golaha gaaraan, kaasoo dib u qaabeeyay dhaqan-dhaqaalaha iyo baaxadda jameecada. Sheekh Xasan Barsane wuxuu dadaal ku bixiyay ka hortagga gacansiinta gumaystaha, kuwaas oo dad badan oo Soomaaliyeed duufsaday qaarna muquuniyay si ay ugu noqdaan adeegayaal, taasoo dhalisay iskuday ballaaran oo lagu soo furanaayo tirada kooban ee uu gumaystaha addoonsado. Waxay dadaalladaani ahaayeen natiijo samaayn buuxdo ku yeelatay adduun aragga bulshada ku dhaqan Koonfurta Soomaaliya, inkasstoo uu Barefasoor Maxamed Xaaji Mukhtaar uu ku doodaya inay aad u yaraayeen dad Koonfureed oo gumaystaha u noqday askar, tarjubaan, shaqaale iyo waxii la mid ah.

Isbeddelkaani hogaamineed, waxa uu sheekha kusii kasbaday xurmadii iyo xushmada uu ku helay u adeegidda diinta, asiga oo noqday hogaamiye siyaasadeed. Waxa uu wax-ka-baddel ku sameeyay xeer-dhaqameedkii, waxa uuna waafajiyay shareecada Islaamka, waxa uuna qaatay kaalinta u kala garsoorka bulshada, asiga oo olale xooggan u galay ku dhaqanka shareecada Islaamka. Is-bedellada uu sheekha sameeyay waxaa kamid ah kuwa la xiriira dhaqan bulsheedka guunka ah, waxa uuna billaabay fadhiyo diineed oo uu funuunta kala duwan dadka ku baraayo. Sidoo kale, qaab-dhismeedka hogaamineed ee dariiqada waxay ahayd awood baahsan waxa uuna u rogay awood dhexe oo sal looga dhigay ogolaanshada iyo talada oday-dhaqameedyada laguna dhisay Gole Shuura. Sidaas darteed, waxa ay go’aan qaadashada sheekha ahayd mid ku dhisan shuura, sida aan ka arki doonna go’aannada masiiriga ee halganka sheekha.[8] Soo noqoshada Sheekh Xasan, waxay Talyaaniga ku beertay walaac hor leh, waxayna billaabeen inay u diraan ergo xuuraansi kasoo sameeyo degaannada uu sheekha jooga. Waxay tani dhalisay inuu Sheekha durba dareemo is fidinta gumaysidoonka, wuxuuna sii xoojiyay iskacaabinta gumaystaha ee lagaga xoreynaayo guud ahaan Soomaaliya, isaga oo qalcad ka dhistay Taytayley, inakstoo ciidamada Talyaaniga ay cagta mariyeen fariisintaasi[9].

Iskacaabintii Xabashida

Sanadkii 1905-kii, waxaa Talyaaniga iyo Itoobiya tartan u galeen iskufidinta dhulka Soomaalida, waxa uuna sanadkaasi ku beegnaa markii Saldanadii Sansibaar ay Talyaaniga heshiis la gashay si ay u gaaraan xeebaha, sidaas darteed Sheekh Xasan iyo jameecadiisa ma aysan la kulmin saamayn toos ah oo kaga imaanayso dhanka gumaystaha Talyaaniga. Dhanka kale, goortii ay Xabashada ku gacansarraysay goobtii Adduwaa ee ay kaga adkaatay Talyaaniga, ayaa waxay guushaasi usoo hoyday qaddarin iyo soo dhawayn ay ka hesho reer Yurub, taasoo siisay fursad ay qayb kaga noqon karto boobka qaybsigii Afrikada Bari. Waxa uu Menilik is tusay inuu qabsan karo Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta, wuxuuna qorsheeyay inuu dhulkaasi kaga hormaro Talyaaniga. Horaanta qarnigii 20aad wuxuu soo gaaray Balcad, waxaase uu kala kulmay filan-waa, kaddib markii iskacaabin uu abbaanduule ka yahay Sheekh Xasan Barsane ay colka jilbaha u dhigeen, taasoo keentay inay si dhaqso ah kaga baxaan dhulka Soonmaaliyeed.[10]

Sheekh Barsane: 1853 – 1927.

Shirkii Baarliin, Febraayo 1884kii, waxay gumaysidoonka Yurubta Galbeed kaga arrinsadeen sida loo qaybsan karo Afrika si loo jaangooya sedka cid kasta ay heli karto, waxaana la isku raacay in saamiga lagu saleeyo; cidda ku hormarto inay gumaysan karto oo sidaasi loogu aqoonsanaayo. Balse, ayaandarrada waxay ahayd in Xabashid oo ahayd dowladda kaliya ee Afrikaan oo madaxbannaan inay qayb ka noqotay shirqoolka lagu qaybsanaayay Afrika oo sedkeedana qaadatay.[11] Damaca waalan ee Xabashida ee sanadkii 1905kii wuxuu dhaliyay inaysan xeerin Afrikaanimo iyo derisnimo, waxayna marin u noqotay fulinta qorshaha gumaysi oo ay iskudaygeeda ka billowday inay qabsato dhulka Soomaalida. Ayaandarrada weyni waa inay Itoobiya weli ka korin caqliyaddii miiska Baarliin, kaddib qarni iyo dheeraad ayaa billowga sanadkii 2024kii[12] waxay iskudayday inay xoog iyo xeelad ba ku gaarto badda Soomaaliyeed iyada oo la abuuraayo xasarad lagu kala-qaybinaayo midnimada Soomaaliyeed.

Koonfurta Soomaaliya oo ay ka dhasheen kacdoonoo gumaysidiid oo tira badan, marka la barbardhigo Waqooyiga Soomaaliya, waxaa Koonfurta ku yaraa inay bulshada kaalin ku yeeshaan gumaysi-kalkaalnimada, taasoo jirta haddana waxaa jiray dad uu gumaystaha duufsanaayay iyo kuwa uu muquuninaayay waxayna taasi keentay baraarug xooggan oo dadkaasi loo arko Tukebaalcad. Suugaanta muujinaysa gadoodka lagu gacan siinaayo Xabashida, waxaa kamid oraahda faaftay oo ahayd; “Ilaahayoow la kala miiranyee, Mililiq[13] ha iraacin.”

Xeyla Salaase aabihii, Ras Makonnen, waxa uu daahfuray olale millitiri oo dhul-ballaarsi ah kaas oo lagu gaaraayo gobolka Banaadir (Shabeelaha Hoose, Dhexe, iyo Banaadir) lagana dhigo qeyb kamid ah istiraatiijiyada Itoobiya. Labadaasi dhacdo, waxaa uu sheekha iyo xertiisa goosteen in marka hore lala diriro Itoobiya, maadaama duulaanka Itoobiya uu waqtigeeda taagnaa ayna doonaysay dhulka uu sheekha ka taliyo. Xabashida si ay u fuliso istiraatiijiyaddeeda waxay soo gaartay Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan Balcad, oo ay iskacaabin ballaaran kala kulantay Sheekh Xasan Barsane iyo ciidankiisa. Dagaalkii koowaad ee dhex maro labada dhinac wuxuu ahaa dagaalka la magac baxay Gumarshiir, kaasoo ay kala kulantay jab xooggan. Ditoor Cabdiraxmaan Baadiyoow, oo xiganaayo majallada New York Times, waxaa ciidamada Ras Makonnen lagu qiyaasay inay gaaraayeen 3000 oo u badnaa fardooleey, waxaana ka badbaaday kaliya 69 askari oo ku laabtay Itoobiya. Dagaalka waxaa kaalin ku lahaa xerta sheekha uguna horreya cutubyo uu hoggaaminayeen ardaygiisa uu ku kalsoonaa, Sheekh Abuukar iyo Sheekh Oyaye, iyo Suldaanka Mustaxiil ee Olol Dinle kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay iskacaabinta duulaanka Xabashida.

Dhanka kale, ciidamada sheekha waxay dagaallo is-xig-xiga kula galeen ciidamada Itoobiya goobo ay kamid yihiin GaloKaror, Buulabarde, Yaaqbariweyne, iyo Ceel-Cabdi. Dagaalkaasi waxay Xabashida la kulantay awood iskacaabineed oo xooggan taasoo ku qasabtay inay dib kaga baxaan dhulka Soomaalida. Waxay tani ahayd guul taariikhi ah, kaddib marka uu fuli waayay qorshaha Itoobiya oo goosatay inay wax la boobta gumaystaha reer Yurub, waxayna farriin digniineed u diraysay Talyaaniga oo qorshaynaayay inuu ku fido dhulka. Guushaani waxay dhalisay in feejignaan dheeri ah loo yeesho gumaysidoonka, waxayna dhiirgelinaysay ciidanka kaddib markii la xaqiijiyay in si buuxda la iskaga dhicin karo duulaannada isbarbar socda.

Laashin Islaaw Nuur Abiikar (1861-1934) waxa uu gabay dheer ku cabbiray jabkii Xabashida ee dagaalka Gumarshiir, iyo guusha ay hanteen ciidanka uu abaanduulaha u aha Sheekh Xasan Barsane, waxaana gabayga kamid ahaa meerisyadaan hoose[14];

Markuu waaga galac yirina guluf lagu ekeyay

Oo faradaha iyo gamaankooda warmaha lala gaaray

Gurmad Rabbi iyo waxaan helnay gargaar badane

Gadii Badar kama duwana waa guul lama iloobaane

Guud injireyda gowracan ee la waray goobta

Oo meydkeeda gaanka ah boqolaalka gaaray

Wixii falaar lagu gamayay iyo wixii garuun lala haleelaaba

Wixii bilaabo lala gaaray iyo wixii abley goysayba

Galabtaas waxbadan haadda waa loo goglaye

Gumarshiir dagaalkii ka dhacay guushii laga gaaray

Gebigeenba garruun inaan ku helay sooma garatiin.

Duulaankii Talyaaniga

Dowladaha Yurub waxay tartan ugu jireen qabsashada xeebta Banaadir, si taasi u suurtagashana waxaa jiray sahano xuuraansi. Talyaaniga waxa uu Soomaaliya kusoo galay hab ganacsi iyo heshiisyo uu la galay qaar kamid ah reeraha, gaar ahaan deegannada xeebaha, balse ujeedka qarsoon uu ahaa qabsashada guud ahaan dhulka Soomaalida. Waxa uu qaatay kala qaybinta Soomaalida, iyada oo la dhaqangelinaayo siyaasadda qaybi oo xukun[15]. Sanadkii 1896dii, dagaalkii Lafoole, waxay beesha Wacdaan hor istaageen iskudaygii Talyaaniga uu ku sahminaayay Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan Banaadir, waxaana halkaasi si ba’an loogu jabiyay Talyaaniga ayada oo dagaalka lagu dilay Antonio Cecchi, qunsulkii guud ee Talyaanigu ku lahaa Zanzibar. Guushaasi laga gaaray dagaalka ayaa Sheekh Xasan iyo kooxdiisa waxay dabaaldagyo ka sameeyeen degmada Jilyaale. Lakiin Talyaaniga oo weerarada soo rogaal celiyay oo ka gadoodsan guuldarradaan ayaa goostay inuu aargoosta, wuxuuna gubid iyo boob ka gaystay deegaannada Nimow, Jasiira, Dhanaane iyo magaalo xeebeedya kale. Laashin xeebeed cabbiraayo xaaladda taagneed ayaa ku maansooday;“Biyamaaleey jebiyeene Barsaneey usoo socdaan”[16]

Talyaanigu kama welwelsaneyn kaliya guuldaradaa kasoo gaartay dagaalka ee waxaa hoos u dhacay maqaamkii uu ku lahaa kala-qaybsiga Afrika, taasoo uu kula tartamayay Ingriiska, Faransiiska iyo Jarmalka. Wuxuu isla sandkaas, 1896kii, uu ku jabay dagaalkii Adoowe ee uu Amxaarada la galay, waxaana u raacay guuldarrada Lafoole oo jab xooggani uu kasoo gaaray. Waxay natiijada noqotay in Talyaaniga saamigiisa gumaysiga lagu soo kooba saddexda dal ee kala ah Soomaaliya, Liibiya iyo Eriteriya, halka waddamadii kale ee uu tartanka kula jiray la siiyay dhulal badan oo ay gumaystaan.[17]

Shirweynihii Baarliin ee la isla gartay in Afrika la qaybsado loona qaybsado sida looga kala hormaro, waxay dhalisay hirdan adag. Itoobiya iyo Talyaaniga waxay u tartameen Koonfurta Soomaaliya, islamrkiina Talyaaniga wuxuu sanadkii 1896kii adduunweynaha ku wargaliyay in Soomaaliya Koonfureed (Benaadir) inay noqotay qayb kamid ah maamulka Talyaaniga.[18] Soomaalida waa tan ku maahmaahdo; “Buun ninka xado meel uu ku yeeriyo ayaa la iska rabaa.” Qeyladhaanta Talyaaniga ee dunida uu ku wargalinaayay inuu ka taliyo Soomaaliya, waxay ahayd gogol-xaarka istiraatiijiyaddiisa iyo ka boodidda hirdanka loogu jira cidda tallabo dheeraysa. Waxa uu maalin cad is-huwiyay oo uu la dhuuntay sharafkii iyo heybtii Soomaaliyeed, ayaandarraduse waa inuusan is weydiinin goobta lagu yeerin karo buunka.  Dhanka kale, waxaa ballaartay kacdoonadii gummaysidiidka waxa uuna Sheekha Xasan Barsane billaabay inuu sii xoojiyo iskaashiyada lala sameynaayo culimada iyo hogaannada reeraha si loo xaqiijiyo midnimida ummada islamarkaana si wadajir ah la iskaga kaashado dagaalka lagu la jira gumaysidoonka.

Inta lagu guda jiray Dagaalkii Koowaad, Talyaaniga waxa ku adkaatay inay si buuxdo usii maamulaan Soomaaliya. Tani waxay fursad u noqotay Sheekh Xasan Barsane si uu gaashaanbuur ula samaysto hogaamiyaal uu garabsan karo, sida boqorka Itoobiya, Lij Iyasu, oo soo Muslimay 1916dii. Sheekh Xasan Barsane, boqor Iyasu iyo hogaamiyaal kale, sida Sayyid Maxamed Cabdulle, waxay qorsheynaayeen in Bariga Afrika ka dhisaan Imbiraatooyad Muslim taasoo ka madaxbannaan faragelinta Kirishtaanka. Haseyeeshe, sirdoonnadii gudaha ayaa gudbiyay warbixinta qorshahan. Waxay tani Sheekh Xasan kaga dhigneed taageeradda koowaad ee uu dibadda ka helo, taasoo gaartay inuu garab ka helo Cusmaaniyiinta iyo Jarmalka kuwaas oo loolan kula jiray gaashaanbuurta gumaysidoonka uu Talyaaniga qaybta ka yahay[19].

Sheekh Xasan waxa uu dadaallo ku bixiyay inuu xiriiro adag la yeesho oday-dhaqameedka iyo hoggaanka Koonfurta Soomaaliya. Waxa uu olale u galay inay wadashaqayn yeeshaan hormuudka kala duwan ee degaannada, sida Marka iyo Baraawa, si loo hubiyo taageero dheeri ah oo la iskaga caabiyo colka gumaysidoonka. Wuxuu fariintiisa gaarsiiyay dhulka Soomaali Galbeed asigoo ku booriyay inay gumaystaha iskacaabiyaan. Sanadkii 1891dii oo Talyaaniga maamulaayay Muqdisho oo uu heshiis maxmiyadeed la saxiixanaayay qaar kamid beelaha, waxa uu Sheekh Xasan Barsane ku guulaystay inuu saldhig adag ka dhiso Danane. Talyaaniga oo dadaalladaa wado, haddana waxaa jiray is-aaminaad la’aan labada dhinac. Sanadka xigay ee 1892dii wuxuu Sheekh Xasan Barsane weerar ka qaaday dekadda Danaane, waxaana halkaasi lagu dilay ciidamo Eriteeriyaan oo taabacsanaa Talyaaniga iyo ciidamo badeed oo British ah. Dhacdadaan iyo jabka gaaray gumaystaha waxay dhalisay inay aargoostaan, waxayna adeegsadeen hub culus, taasoo u suurtagalisay inay gacanta ku dhigaan rag sarsare oo lagu xiray Muqdisho uuna kamid yahay Sheekh Cabdi Gaafle, saaxiibka dhaw ee Sheekh Xasan, inkastoo Sheekh Gaafle uu dib u baxsaday kuna laabtay halganka. Inkastoo Talyaaniga aysan waxyeello badan gaarin, haddana dagaalkaani wuxuu sooyaalka Soomaalida gobannimadoonka kaga dhignaa mid aad muhiim u ah, taasoo bannaanka keentay cadaawadda gumaystaha. Intaa waxii ka danbeeyay Sheekh Xasan Barsane waxay Talyaaniga u arkaayeen nin halis ku ah ayna tahay in la iska qabto, waxayna billaabeen diyaargarow iyo in la adkeeyo gacan ku haynta xeebaha[20].

Waxaa kale oo uu xiriir la lahaa Daraawiishta oo uu hogaaminaayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kuwaas oo halgan gumaysidiid kula jiray Ingiriiska, kana midka ahaa halgannadii ugu cimriga dheeraa gayiga Soomaalida. Inta uu xiriirka labada dhinac uu hagaagsanaa, waxaa la is dhaafsaday waayo-aragnimo, waxaana la is dhaafsanaayya sarakiil. Saraakiisha sare ee la is dhaafsaday waxaa kamid ahaa Sheekh Xasan Gaadaay oo ka socday Daraawiishta ujeedkuna ahaa aqoon kororsi, inkastoo asiga oo aan dhamaysan uu geeriyooday laguna duugay MahadaayWeyn[21]. Dhanka kale, Daraawiishta inta ay ku guda jireen soo rogaalcelinta dagaalka ka dhanka ah gumaystaha Ingiriiska ayay soo gaareen magaalada Baledweyna, waxayna taasi fududaysay inuu Sayyidka garab iyo gacan uu siiyo guud ahaan iskacaabintii Koonfurta ee lagu la dagaalamaayay Talyaaniga[22].

Sanadkii 1905tii culimada hogaanka u ahayd kacdoonnada Koonfureed oo ay kamid ahaayeen; Suldaan Cali Ciise, Shiikh Abiikar Axmed, Shiikh Xasan Barsane, Shiikh Aweys Maxamed, Sheekh Caashir Maadow, Shiikh Daa’uud Culusoow, iyo Cali Maxamuud Nuur, ayaa waxay iskugu imaadeen shirweyna loogu magacdaray ‘Axdigii Shalanbood’ oo lagu qabtay magaalada Shalanbood ee Shabeelah Hoose. Axdigaan waxa uu jawaab u ahaa dhiiladii kasoo yeertay Talyaaniga oo fagaaraha ka sheegtay dhulka Soomaalida. Shirka waxaa lagu go’aamiyay; in la mideeyo halganka, in la kala qeybsado aaggag dagaalka, iyo in la xoojiyo guubaabada xoola dhaqatada iyo beeralayda[23].

Sheekh Xasan Barsane si uu u xoojiyo iskuduubnaanta ciidankiisa looguna diyaargooba colka kusoo wajahan, wuxuu qabtay shir si loo dajiyo istiraatiijiyad loo dhan yahay oo lagu wajaho gumaysidoonka. Inta lagu guda jiray shirka wuxuu xubnaha golaha kaga warramy colka waxa uuna ku yiri; “Gaalada dhan walbo ayay inooga hareeraysan tahay, bariga waxaa naga xiga Yurubiraanka. halka Itoobiyaankana naga jiraan dhanka galbeed; waxayna labadaba kusoo siqayaan dhulkeenna si ay qabsadaan.” Inta shirka lagu guda jira ayaa waxaa sheekha la weydiiyay; sida ay naftooda ku difaaci karaan, waxa uuna sheekh Xasan Barasane kaga warceliyay in Allaah uu garabkooda yahay ilaa intay ku taagan yihiin jidka toosan, iyo in tira badan oo ciidan iyo hub inaysan guusha damaanad qaadi karin. Waxa uu intaasi raaciyay aayadda suuratu al-Baqara;كَم مِّن فِئَةٍۢ قَلِيلَةٍ غَلَبَتْ فِئَةً كَثِيرَةً بِإِذْنِ اللَّهِ وَاللَّهُ مَعَ الصَّـٰبِرِينَ. Talyaaniga wuxuu sanadkii 1908dii duulaan kusoo qaaday deegaannada u dhaw xeebaha Soomaaliya, waxaana u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan qayb kamid ah sida deegaannada Biyamaal. Sanadkaasi 1908dii wuxuu qorsheynaayay dhisidda iyo beerista beero waaweyn oo laga hirgalinaayo dhul beeraadyada Balcad iyo Jowhar. Intaa kaddib wuxuu 1913dii qabsaday Baydhabo, sanadka xigay ee 1914kii wuxuu Talyaaniga gaareen Xudur[24].

Jahwareerkii Talyaaniga

Talyaaniga oo adduunweynaha la wadaagay inuu taliskiisa maamulo Koonfurta Soomaaliya, ayaa wuxuu kulantay labo dhibaato. Kow, waxaa ciriiriyay Itoobiya oo ku damac ahayd, laakiin hirdanka ay labada ku jireen waxay Itoobiya sanadkii 1905tii, jabka dagaalkii Gumarshiir, xaqiijisay inay Soomaalida awood iska-caabineed ay dhankooda jirta, taasoo loo fasiran karo inay Itoobiya tabar reebtay, taasina marna waxay dan u ahayd Talyaaniga oo culayska ka yaraanaayay, mar kalena Soomaalida oo tijaabo ku martay inay iskadhicin karaan gumaysidoon, nooc walba. Labo, Talyaaniga waxaa ku fogaatay xaqiijinta hindisihiisa gumaysi, kaddib marka xerta Sheekh Xasan Barsane ay noqdeen darbi aan laga tallaabi karin.

Billowga qarniga 20aad waxaa si rasmi ah halis loogu aqoonsaday Sheekh Xasan Barsane, waxaana Baarlamaanka Talyaaniga uu walaac ka muujiyay hore-u-socod la’aanta ajandihiisa Gumaysi. Waxay tani ahayd in Sheekh Xasan uu dejiyay istiraatiijiyo si uu guul kaga gaaro dadaallada uu wado. Sheekha waxa uu soo rogay; inay ciidamiisa sumeeyaan dalagyada beeraha ee agagaarka magaalada Jowhar, si loo hubiyo inuusan Talyaaniga helin waxsoosaarka dalka. Waxay ciidankiisa u howlgalaayeen si joogta ah ayaga oo halheyskoodu yahay; “Su’aal Sheekh Xasan baa leh, Siibista annagaa leh.” Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga, Titonni, oo walaac badan ka muujiyay dhaqdhaqaaqa iskacaabineed ee Sheekh Xasan Barsane ayaa saraakiisha sare ee Muqdisho ku sugan waxa uu su’aalo ka weydiiyay gaabiska, kuwaas oo ku warbixiyay inuu Sheekh Xasan uu yahay wadaad aan fahan badan ka haysan diinta islamarkaana aan caqabad ku noqon karin maamulka. Waxay tani dhalisay in mar kale la barto Sheekh Xasan ayna ku sifeeyaan ‘Wadaad dagaalyahan iyo Gobonnimadoon.’[25]. Dhanka kale, Jameecada Jilyaale ee Sheekh Xasan Barsane waxay si buuxdo u diiday inay is dhiibaan oo ay kamid noqdaan ciidamada Talyaaniga ee Zaptie[26].

Soo-Magcaabiddii De Vecchi

Oktoober 1922dii waxaa dalka Talyaaniga ka dhacay isbeddel maamul, uu taliska la wareegay xisbiga Fashiistaha ee uu hogaaminaayay Binito Mussolini, oo ay aragtidiisu ahayd in wax lagu maamulo xoog iyo amarkutaaglayn ayada oo cidda ka hor timaadana awood lagu maquuninaayo. Cesera Maria De Vecchi, waxaa loo soo magacaabay inuu guddoomiye ka noqdo Soomaaliya kana hirgaliyo siyaasadda xisbigiisa. Dhamaadka sanadka 1923kii, De Vecchi, wuxuu kasoo dagay Muqdisho wuxuuuna la yimid aragtiyo siyaasadeed uu xisbigisu ka qabay habka lagu maamulaayo guunta Soomaaliya ee iskugu jira dhac, gumaaadka iyo cadaalad-darrada. Waxaa, De Vecchi, u muuqatay inuu qabsado labada saldanadood ee Hobyo iyo Waqooyi Bari, isagoo iska indhatirayo heshiiskii maxmiyadeed ee ka dhexeeyay saldanadahaas iyo dawladdiisa, oo u arkayay inay kurtummo hortaagan ku yihiin isballaarintiisa gumeysi. Tillaabadii ugu horreaysay uu qaaday waxay ahayd inuu soo saaro xeer uu hubka uga qaadayo Soomaalida Koofureed oo idil. Go’aankaasi wuxuu dhaliyay inay ka gadoodaan Soomaalidii degganayd tuulooyinka Jilyaale, Ceeldheere, Buur Gooyo iyo Afgooye BaadiCadde.[27]

Sheekh Xasan Barsane si uu kaga falceliyo arrinka soo cusboonaaday wuxuu qabtay shirweyna lagaga arrinsanaayo go’aanka Talyaaniga ee habdhigista, waxaana ugu danbayn uu Sheekha soo saaray warqaddii caanka ahayd ee uu Sheekh Xasan u qoray ku-suntanaha Duqa Mahadaay. Warqadda qayb kamid, waxay u qorneed, sida tan; “Waxa aan ku billaabayaa magaca Allaah, waan helay warqadaadii waana fahmay. Waxa aan kuu sheegayaa in aanan qaadaneeyn amarkaaga. Dowladdaadu waxa ay leedahay sharciyadeeda, annaguna waxa aan raacnaa sharciga Allaah iyo rasuulkeenna Muxammed NNKH, ma nihin sida ummadaha kale ee aad gumeeysatiin, iskuma dhiibno isticmaar, haddii aad dalkeena timaadu waa noo dagaal. Adduunku waxa uu joogaa dhammaad, waxaa ka haray 58 sanno, ma dooneyno in aan adduunkaan sii joogno, waxa aan doorbideeynaa in aan dhimano anaga oo difaaceeyna diinteena.”[28] Waqtigaa waxaa jiray fikir culumada qaar aay qabeen oo ahaa haddii isticmaar yimaado inay tahay calaamad Aakhiru Samaan.[29]

Warqaddii Sheekh Barsane.

Dagalladii laga hortagay Talyaaniga

Dhanka Talyaaniga waxay wadeen dadaallo gudaha ah oo ay ku xaqiijinayaan sida dhanka Sheekha lagaga heli lahaa is-dhiibid iyo aqbalaad, si taasi loo gaarana waxay adeegsan jireen dad iyagu taabacsan, kuwaas oo ciidanka Sheekha ku dhihi jiray oraahda suugaaneed; “Gaalo jimayste, jinkiisow ka haraa.” Haseyeeshee, dhammaan dadaalladaasi waanwaanta waa ay guuldareysteen, waxaana la gaaray go’aan lid ku ah gumaysidoonka, oo maslaxad u ah ummadda. Intaasi kaddiib, wuxuu Sheekha guda galay tabaabushaynta ciidanka ee dhanka tababarka iyo saadka[30]. Guushii laga gaaray dagaalkii Xabashida, waxa uu noqday shidaal iyo gubaabo, kaasoo ciidanka siiyo tamar hor leh, waxaana halhays suugaaneed noqotay;

Gaalo maa gaalo ka giiran,

Gaalo waa tii Gumarshiire,

Gibilkeygaa is guraayee,

Ii geeya gaalada yuubleyda!

Markii uu De Vecchi uu helay warqadda diidmada qayaxan ee ka timid sheekh Xasan Barsane, waxay goosteen inay qaadaan duulaan marka horena la dhaco xoolaha lagana hor istaago ceelasha. Balse damaca waalan waxaa lagaga hortagay cudud xooggan taaso keentay inay dagaallo is dabajoog ah la iskaga hor imaado. Dagaalladaasi waxaa ugu caansanaa; Dagaalkii Buulaburde (1922 iyo 1923), CeelDheere (1922 iyo 1923), Hiilweyne (1923), Jilyaale (1924) iyo Hareerile (1924), iyo dagaalkii Ceelka Haadfuul (1924). Waxaa xigay dagaal labada dhinac ah, 15 Maarso 1924, oo Talyaaniga kusoo dagaal galeen tiro 500 ciidan oo wato labo madfac. Iska-horimaataankaan oo lagaga adkaaday Talyaaniga, waxaa laga dilay taliye Lieutenant Colonel Mario Re oo ahaa hoggaamiyaha Ciidamada Gumaysiga ee Dhulka Soomaalida[31]. Boobka xoolaha waxa uu ahaa siyaasadda koowaad ee dadweynaha loogu ciqaabaayo dagaalka ay ku jiraan ciidanka Sheekh Xasan Barsane. Duulaanka Talyaaniga inta uu socday, waxaa xusid mudan, in kaliya Buq Aqable laga dhacay kun geel[32]. Waxay taasi muujinaysa arxandarrada gumaystaha iyo sida daran ee u boobaayay hantida ummadda.

Dagaalka Buulaburte oo dhacay 13 April 1923, waxa uu kamid ahaa dgaallada ugu cuslaa ee labada dhinac, waxaana dagaalkaasi uu Talyaaniga ku waayay Kabtan lagu magacaabi jiray Battuditill. Arrinkaasi oo Talyaaniga u qaadan waayay, si uu aargoosi ballaran u sameeyo waxa uu duulaan ku qaaday degaanka Baliwayne oo 6km u jirta Jalalaqsi kana xigta dhanka Bari, waxayna Talyaaniga halkaasina kala kulmeen jab xooggan iyaga oo goobtaasi ku waayay xidigle Maremaldo iyo tira kale oo ciidan ah, halka dhanka Sheekhana ay waayeen abwaankii gobannimadoonka Islaaw Nuur Abiikar. Dhacdooyinkaani waxay soo dadajiyeen in DeVechi uu isbeddel ku sameeyo qorshaha jajuubka, waxa uuna mar kale isku dayay waanwaan si loo hubiyo suurtagalnimada waanwaan dhex marta Talyaaniga iyo reeraha. Waxay tani keentay in wufuuddii uu Talyaaniga dirsaday ku guulaystaan soo uruurinta hub gaaraayo 3000 qori. Laakiin, dhammaan wadahadalladaasi waa uu ka biyadiiday Sheekh Xasan, waxa uuna sii xoojiyay dagaalka lagu la jira gumaystaha[33].

Xabsiga, Geerida iyo Aaskii Sheekha

Talyaaniga markii uu arkay inuu ku guuldarraystay gacan ku haynta Soomaaliya, waxa uu basaasiin ku dhex beeray ciidanka Sheekha, waxayna taasi dhalisay inay kaalin ka qaataan gudbinta xogta iyo kaladhantaalidda cududa ciidanka Sheekha. Stefano, waxa uu kamid ahaa basaas dhalashadiisu ahayd Itoobiyaan, waxa uuna jameecada Sheekha ku dhex joogay inuu cilmi doon yahay. Kol danbe oo la hubsaday shaqada uu haayo Stefano ayaa waxay Soomaalida ka sameeyeen tixda suugaaneed ee dhahaysa; U adeegimaa Stefano, Eebadaa ku aarsanaa![34]

Buugga Mario Devechio ee lagu magacaabo Orizento De Impero waxaa lagu xusay inuu Talyaaniga adeegsaday, sanadkii 1924, hub casri ah oo aad u culus iyaga oo sii xoojiyay duulaankooda. Waxaa dhanka kale laga waday howgal ballaaran oo barakacin ah kaasoo lagu beegsanaayo xoolaha, ceelasha iyo beeraha, si dadweynaha loogu ciqaabo loona gaarsiiyo heer ay is dhiibaan. Haseyeeshee, waxay ciidanka Sheekh Xasan Barsane sii wateen halgankooda, waxaana dhanka Talyaanigana garab u ahaa ciidamo ka socda Eriteeriya, Liibiya iyo Soomaali kale oo ay duufsadeen. Si walbo, isballaarintii gumaystaha iyo howlgalladii basaasnimada waxay keentay inay ugu danbeyn  gacanta lagu dhigo hogaamiyaha iyo hormuudka Iskacaabinta Sheekh Xasan Barsane, Ku-xigeenadiisa oo uu kamid ahaa Xaaji Maxamed Macallin oo ahaa xaakimkiii magaalada Baledwayna iyo Xaaji Maxamed Kheyr Maxamed. Waxay qabashadaani lamafilaanka ah aad usoo dhaweeyay raysalwasaaraha Talyaaniga, Benito Mussalini, isaga oo bogaadiyay guusha dhulballaarsiga ee Soomaaliya[35].

Dr. David H. Marlowe buugiisa ’The Galjaal Barsana of Central Somalia’, waxa uu kusoo tabinayaa sheekhada qabashada Sheekha isaga oo la kulmay mid kamid ah owlaadda Sheekh Xasan, waxa uuna kasoo wariyay sida; “Anigu waxaan ku dhashay Jilyaale. Aabbahay waa Xaji Xasan, oo ahaa Sheekh iyo hogaamiye gobonnimadoon. Hooyaday, Caa’isha Axmed, waxay ahayd Xawaadle oo ka timid agagaarka BuloBurti. Aniga oo shan sano jir ah, waxaa dhacay dagaalkii u dhexeeyay Talyaaniga iyo Barsana. Inkastoo aan aad u yaraa, haddana waxaan xusuustaa Talyaaniga oo ay la socdeen ciidan Eriteeriyaan iyo kuwa Carab ah kana soo jeedo Yaman. Carabtii Yemen waxay ahaayeen kuwa ugu arxanka daran, waxayna gubayeen oo burburiyeen guud ahaan deegaanka Jiliyaale. Intaa kadibna waxay aabbahay u taxaabeen xabsi.” [36]

Sheekh Xasan Barsane waxaa ugu danbeyn lagu xiray Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, waxaana lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah. Waxaa sheekha halkaas kaga billowday nolol adag oo lagu ciqaabaayo. Sheekh Cabdisataar Sheekh Cabdisalaan (Buugiisa qalinjebinta 1978) waxa uu la kulmay Cali Macallin (Cali Karanle) oo 6 bil la xirnaa Sheekh Xasan Barsane, waxa uuna kasoo wariyay in sheekh Xasan si daran xabsiga loogu dhex cadaabi jiray, si lagaga xaqiijiyo inuu ka tanaasulo mabda’ uu u dagaallamaay ee uu dalkiisa iyo dadkiisa ku dicaafayay. Balse, si walba Sheekha wuu diiday inuu u hogaansamo doonista gumaysiga, taasoo ugu danbayn keentay in la sumeeyo, wuxuuna Sheekha suntaasi u geeriyooday 28 bisha Janaayo 1927dii.[37]

Sheekha oo markii hore lagu aasay Muqdisho, ayaa waxaa maydkiisa loo qaaday degmada Jilyaale, waxaana halkaasi lagu siyaartaa, sanad kasta, maalintii uu geeriyooday. Guuldaradii gaartay Jameecada Jilyaale iyo geeridii Sheekh Xasan Barsane waxay fursad u noqotay hirgelinta riyadii soo jireenka ahayd ee uu Talyaaniga uu ku doonaayay Imbaraadoriyadda Gumeystaha Fashiistaha (Impero Colonial Fascista) ee sanadkii 1936dii, siddeed sano kaddib geeridii Sheekh Xasan. Kacaankii 21 Oktoober ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre, ayaa waxay Sheekh Xasan Barsane ku maamuuseen in loogu magac-daro dusgi sare oo ku yaallo magaalada Muqdisho.[38]

Ugu danbeyn, Barefasoor Maxamed Xaaji Mukhtaar buuggiisa Historical Dictionary of Somalia, waxa uu sanadka 1924kii ku santay inuu yahay guga iskacaabineed ee uu Sheekh Xasan Barsane hogaaminaay kaasoo ka dhan ahaa duulaanka Fashiistaha Talyaaniga. Allaah Unaxriisto Sheekh Xasan Barsane, wuxuu noloshiisa ku dhamaystay halgan, waxa uuna gutay waajib diineed iyo mid ummadeed asiga oo difaacaayo diintiisa, dhulkiisa iyo dadkiisa. Waxa uu is hortaagay quwado xooggan kuwaas oo uu ka hortagay riyadooda gumaysi ee dhulka Soomaalida. Waxa uu ka adkaaday Xabashida, waxa uuna dagaallo fool-ka-fool ah la galay Talyaaniga, kuwaas oo gooba badan uu kaga gacan sarreeyay. Gobonnimadii uu Sheekha u dagaalamaayay, ee la is dhaxalsiiyay laguna xoreynaayay dhulka iyo dadka Soomaaliyeed waxa maanta miraheeda harsanaayo Ummada Soomaaliyeed, wuxuuna Sheekh Xasan uu baaqi ku yahay kuna ahaan doonaa sadarrada iyo xasuusaha ummada, waxa uuna tusaale, dhan kasta, u yahay faca koraayo si ay u fahmaan qiimaha sare ee dhadhanka xorriyadda iyo gobonnimada kuwaas mudan in lagu faro adeego.

Dhammaad.

[1] Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Historical Dictionary of Somalia, daabacadda 203, bogga 209

[2] Sheekh Xasan Barsane (Hogaamiyihii Halganka Iskacaabinta Gumaystaha Talyaaniga), Prof. Dhicisoow iyo qaar kale, b.62-63

[3] Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Historical Dictionary of Somalia, daabacadda 203, bogga 209

[4] Aw Jaamac C. Ciise -Taariikhdii Daarawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan (1895-1921)

[5] Dr. Cabdiraxmaan Badiyow, Sheikh Hassan Barsane: The Resistance leader againist Ethiopia and Italy, Wardheer news 2024.

[6] Jilyaale waxa maamulka Hirshabeella, Maajo 2025, u aqoonsaday degmo dhamaystiran

[7] Prof. Mohamed Haji Mukhtar, b. 209

[8] The Galjaal Barsane of Central Somalia: A lineage Political system in a Changing the World’, b.106-107

[9] Adan Makina, Sheikh Hassan Barsane: Forgotten Mujahid of the colonialist, https://bit.ly/43OHn9h

[10] Taariikh Fasalka Koowaad ee Dugsi Sare, Xamar 1976, b.132

[11] M.I. Liiqliiqato, Taariikhda Soomaaliya (Dalkii Filka Weynaa ee Punt), b.61

[12] Ethiopia signs agreement with Somaliland paving way to sea access, BBC, Jan 2024, https://shorturl.at/cGZlE

[13] Menelik II-Mililiqii Labaad(1844 — 1913 ) waxa uu ahaa boqorkii Xabashida laga bilaabo 1889 taniyo geeridiisa.

[14] Axmed M. Iimaan, Taariikh Taxan iyo Dhaqanka Soomaalida, daabacadda labaad 2017, b.74

[15] Sheekh Xasan Barsane (Hogaamiyihii Halganka Iskacaabinta Gumaystaha Talyaaniga), Prof. Dhicisoow iyo qaar kale, b.79

[16] Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Sidoo kale b. 209-210

[17] Prof. Yaxye Sh. Caamir, Saddexdii Dagaal ee Lafoole, Laashin, 2016, https://bit.ly/4kes8MG, la booqday 2025

[18] Taariikh Fasalka 1aad D.Sare, Sidoo kale b.132

[19] Adan Makina, Sidoo kale

[20] Adan Makina, Sheikh Hassan Barsane: Forgotten Mujahid of the colonialist, https://bit.ly/43OHn9h

[21] Sheekh Xasan Barsane (Hogaamiyihii Halganka Iskacaabinta Gumaystaha Talyaaniga), Prof. Dhicisoow iyo qaar kale, b.70

[22] M.I. Liiqliiqato, Taariikhda Soomaaliya (Dalkii Filka Weynaa ee Punt), b.74

[23] Axmed M. Iimaan, Sidoo kale, b.88

[24] Mohamed Haji Mukhtar, Sidoo kale, b. 210

[25] Adan Makina, Sheikh Hassan Barsane: Forgotten Mujahid of the colonialist, https://bit.ly/43OHn9h

[26] Mohamed Haji Mukhtar, Sidoo kale, b. 210

[27] M.I. Liiqliiqato, Taariikhda Soomaaliya (Dalkii Filka Weynaa ee Punt), b.91

[28] Prof. Yaxye Caamir, Taariikhda Halgamaa Sheekh Xasan Barsane, 2017, Laashin

[29] Prof. Yaxye Caamir; ’Waqtigaa waxaa jiray fikir culumada qaar ay qabeen oo ahaa haddii isticmaar yimaado inay tahay calaamad Aakhiru samaan.’

[30] Sheekh Xasan Barsane (Hogaamiyihii Halganka Iskacaabinta Gumaystaha Talyaaniga), Prof. Dhicisoow iyo qaar kale, b.70

[31] Alberto Alpozzi, Dall’Alto Scebeli inizia il ritiro delle armi per la pacificazione della Somalia, Feb 2022, https://bit.ly/3SZmXUP

[32] La Nuova Italia D’Oltremare – L’Opera Del Fascismo Nelle Colonie Italiane

[33] Sheekh Xasan Barsane (Hogaamiyihii Halganka Iskacaabinta Gumaystaha Talyaaniga), Prof. Dhicisoow iyo qaar kale, b.83

[34] Prof Dhicisow, Sheekh Cabdisataar, iyo Raage Cali, sidoo kale, 2016

[35] Axmed M. Iimaan, Sidoo kale, b.77-78

[36] Dr. David H. Marlowe, Harvard University, 1963, b.168

[37] Prof Dhicisow, Sheekh Cabdisataar, iyo Raage Cali, sidoo kale, 2016

[38] Prof. Mohamed Haji Mukhtar, Sidoo kale b. 209-210

The post Halgankii Sheekh Xasan Barsane: Duulaankii Talyaaniga iyo Xabashida appeared first on Kaab TV.

Odaygii Bunka
Sidii caadada ii ahayd waxaan halhaleel u soo galay meheraddii bunka ee Raxma, meherad ku taal xaafadda aan Hargaysa ka deganahay. Fadhigii aan fadhiistay iyo dalbashada ah ii dhiib kofee, tinish, duqur ah ayaa is xigay. Fiiqsigii bunka anoo wada, taleefoonka na gacanta ku haya ayaan is idhi wixii ay odhan jireen qolada nafsadda iyo rooxaaniyaadka ee ahaa daqiiqadaas aad ku sugan tahay noolow oo si wacan u dhadhami bal tijaabi, se waan Kari waayay oo telefoonkii intaan furay baan si faduul ah u galay xasuusqor kayga. Sidaan marba qoraal xun iyo mid wanaagsan, mid qosol leh iyo mid murugaba leh isha ugu dhufanyay ee u dhaafayay baa bunkii iga dhammaaday.

Anoo isku diyaarinaya in aan kaco, qado doonto oo seexdo ama wax iska daawado, ayaa waxa soo galay oday. Ha fadhiisto kursiga iga soo horjeeda, lugahana ha isa saarto. Wuxuu illan yahay buudh kalaasik ah, surwaal dameeriya iyo Shaadh caddays ah. Odaygu si buu ufiigsan yahay oo u didsan yahay, hareerahana u baaladaymoonayaa si uu wax iska eegayo ama u eegayo. Ishaydu waxay qabatay waraaqo badan oo uu sitay. Markiiba waxaan suuraystay suuro xoogan in uu yahay macallin. Maxaan kalee maleeyay? Waxaan maleeyay Sababta uu sidan oo dhan aanu u xasillayni in ay tahay xisaabaad nololeed oo isku qaban la; islaantii ay is qabeen oo qaylo ah biilka keen nafta kaga goysay iyo caruurtii oo dhankooda wixii maankooda qab ku soo dhaha, ha u baahnaadaan ama yaanay u baahnaane, aabbo waxaas noo yeel iyo aabbo waxaa kale noo samee ku subxaanalaysta ayaa madaxa ka galay. In waydiin jiraaleed ku taagan tahay una maaro la’ yahay baan is tusay, se waxaan xasuustay in qofku Marka uu da’dan oo kale soo gaadho aanu la waleecaadin waydiimaha la xidhiidha maqanta, taa beddelkeeda na uu meel uun ku calool-adaygo. Jaahwareerka jiraalku waxa uu badanka ku eeg yahay dhallinyarnimada iyo da’da dhexe.

Cabbar markuu xaladaas baaladaymoodka ah ku sugnaa, ayuu bilaabay in uu gashaantidii kofeega samanaysay u eego si qof wax ka dalbanaya, se waxba kama dalban. Mar kele ayaan maleeyay; in aanu haysan shilimaadkii kofeega ama uu la bakhaylayaba. Muddo ka dib koob buna ayuu ka dalbaday gabadhii, si dhakhsiyo badanna way usoo ag dhigtay. Labo jeer markuu fiiq…fiiq ka siiyay, jeebka shaadhka oo ay ugu jiraan qalin, leetar iyo baakidh sigaar ahi buu midh sigaara kala soo baxay baakidhkii.

Marna kofeeguu fiiqsadaa marna sigaarkuu afuufaa! Hadda maahsanaantii iyo didsanaantii badnayd way ka kala yaraadeen se may gaadhin heer aan laga dareemi Karin. Gunuus iyo hadallo aan la fahmayn baa carrabkiisa ka soo duul duulaya. Mar buu yidhi wax u eeg “ There is a life!”

Goortii uu isla helay sigaarka iyo kofeega, anigu waxaan ka fekerayay filim aan aad u jecelahay oo la dhaho “Coffee and Cigarettes”.

Labadaas iyo xaaladdii ku wehelinaysay saga oo dhex maquuranaya, waxa u yimi oo salaamay nin ay saaxibo yihiin, sida aan ka fahmay tabta ay isu qaabileen. Sigaar, kofee iyo saaxiibkii jeerkii uu isla helay deganaan ruuxeed baa foolkiisa laga dheehanayay. Goortaas baa odaygii ugu dambaysay xaaladdii waalida aan waxba dhaamin. Waa kaa wax waraystay, la warayatay, ka dibna la is waraystay! Waxbarashada, dhaqaalaha, iyo iinsaannimada ayay si guud wax uga dheheen. Intaas dabadeed, sidii soomaali caadada u ahayd si aan ka fiirsi la hayn oo sibiq ah bay u galeen arrimihii siyaasadda, mise siyaasad soomaali…. Mid uun u badi. Itoobiya iyo Masar bay siyaasaddooda si taariikhaysan uga hadleen. Halkaas baan kaga hadhay la socodkii sheekadooda, waayo nin aanu saaxiibo nahay baa ii yimi.

Meheradii markaan ka soo kacay, waddadii xaafadda aadaysayna qaaday, waxa maan kayga ku sawirnaa sidii odaygu u nafisay una farxay goortuu isla helay; sigaar, kofee iyo saaxiibkii. Isla daqiidahaas waxaan jeclaystay in filimkaas magaciisu ahaan la ahaa “Coffee, Cigarettes and friends”.

Soomaalidu ma leh dhakhtar cilmu-nafsi, balse fadhi-ku-dirirka makhaayaduhu waa cisbitaalkooda kasmonafeed. Sheekada maqaaxiyuhu kaliya ma aha kulan firaaqo; waa goob nafsi ah oo bulshada Soomaaliyeed isku baanato. Halkaas ayaa murugada lagu kala qaataa, farxadda lagu wadaagaa, niyaddana lagu soo nooleeyaa.

Laba habeen ka dib, riyooyin goos goos ah oo kala duwan baan ku riyooday. Waxa ka mid ahaa kulan aan la yeeshay odaygii kofeega. Goor maqaariiba ayay ahayd, markii aan fadhiisanay meherad kofee aan tii raxma ka fogayn. Isbarasho guud buu iigu sheegay in la dhaho Axmed, macalin Dugsi oo dhiga maaddooyinka tarbiyada iyo biyoolojiga na yahay. Hadal kaasi goortii uu ka so dhammaaday afkiisa, waxaan ka fekerayay sida ay u kala tagan yihiin ama isku jiidhayaan labadaas maaddo in le’eg ama ka badan in ay is diidan yihiin hab-fekerkiisa iyo waaqacu.

Gebagabadii kulan kaas, Axmed waxaan ku ganay waydiin caato iila muuqatay. Rejo iyo Rejo la’aan maxay ka dhigan yihiin? Se wax u dhexeeya ma jiraa? Si danayn la’aani ka muuqato ayuu uga jawaabay “ Rejo iyo Rejo la’aan waa laba lid isku ah. In aad in uun Rejo leedahay waa noolaanshaha nolol wax uun macno leh. Rejo la’aantuna waa dhimashada teeda ugu xun, adoo lugaynaya ayaad dhimanaysaa calaashaan mayd socda. Se waxa jira meel u dhaxaysa labadaas; hal mar baanay jirin Rejo, isla markaana qofku Rejo la’aan maaha mana quusan waayo markii horeba wax rejo u ah iyo wax uu ka quusto toonna may jirin. Waa tabta aad ku tahay walxaha qaar ama noolayaashaba,_ma jeclid mana necbid.

Xaaladdan mar waxa lagu sheegaa khalkhal maskaxda ku yimaadda, mar kalena qaangaadhnimo…” Adeer, talo-nololeed maxaad igu darsan lahayd? baan waydiiyay Axmed. Intii aanu ii jawaabin ayaan ka toosay riyadii! Dhanka kale intaan isku rogay baan ka yara fikiray macnaha riyada iyo waxa ay dhab ahaan tahay, jeer aan gam’ay, haddana aan dib u riyooday!

The post Odaygii Bunka appeared first on Kaab TV.

Prof. Ibraahin Maygaag Samatar
Ibraahin Maygaag Samatar, waxa uu ku dhashay Hargaysa dabayaaqada 19938dii. Waxa uu wax ku bartay dugsiyadii caanka ahaa Camuud iyo sheikh labadaba. Intaa ka dib, waxa uu dalka Ingiriiska ugu baxay jaamacad isaga oo 1962 ku biiray jaamacada Yale. Waxa uu ahaa aqoonyahan, halgamaa iyo siyaasi wacyi leh oo hadalkiisa iyo khudbadihiisuba ay ka marag kacayeen in uu yahay siyaasi afkaar togan leh.

Waxa uu u taagnaa siyaasadda iyo dawladnimada dhabta ah, sidoo kale waxa uu wacyi u lahaa xeerarka iyo waaqaca guud siyaasadda. Waxa uu qoray, qoraal cilmiyeed iyo xasuusqor laga dheehan karo wax kasta oo uu Ibraahin u taagnaa. Waa maqaalka “Where I stand”, oo u uku galaa bixiyay wixii u muuqday ee dhaliil iyo toosin ba uga baahnaa, isaga oo waajibkiisa indheergaradnimo guydanayana, waxa uu curiskaa ku soo gdubiyay afkaaro badan oo macna le. Profku waxa uu, sida la sheegay turjumay buugga caanka ah ee Baaqa Shuuciga, hase ahaatee buuggaasi ifka uma soo bixin.

Sanado uu dibadda ugu maqnaa waxbarasho jaamaceed, markii uu soo laabtay, waxa loo magacaabay agaasimihii waaxda miisaaniyadda ee wasaaradda maaliyadda ee dawladdii rayidka ahayd. Halkaas ayuu ka soo bilaabay safarkiisii dheeraa ee siyaasadda, aqoonta, jabhadnimada iyo adeegga bulsho lahaa.

Markii kacaanku dhashay ka dib, waxa loo magaacaabay wasaaraddii maaliyadda. Isla waayadaana waxa uu noqday kaadiriintii Shuuciyadda loo ga danbaynayay ee hantiwadaagga cilmiga ku dhisan sharraxayay. Waxa kale oo uu xiligii kacaanka noqday safiir dalka ku metala dhulkii la odhan jiray Jarmalka galbeed. Si guud waxa uu dawladdii kacaanka u adeegayay ku dhawaad toban sano.

Markii uu bilawday dhaqdhaqaaqii laga ga soo hor jeeday kacaanku, waxa uu prof. Ibraahin Maygaag u baxay dalka dibadiisa, muddo yar ka dibna waxa uu ku biiray SNM, isaga oo noqday xubnihii muhimka ahaa ee aqoonta iyo wacyiga sare golaha ku biiriyay. Shirkii Boorame ee 1993 waxa uu profku isu sharraxay madaxwayne, kuma uu se guulaysan. Waxa uu sidoo kale noqday gudoomiyihii ugu horeeyay ee golahaha guurtida Soomaalilaan.

Ibraahin Maygaag Samatar waxa uu ku jiray dad dhif ah oo dowladnimada fahan wanaagsan ka haystay bilawgii dawladdii rayidka ahayd, tii kacaanka iyo ugu danbayntii oo uu SL ku qaatay waqtigiisii ugu badnaa uguna danbeeyay waxa uu ahaa qof u taagan indheergaradnimo iyo akhris siyaasadeed horusocod ah.

Ibraahin Maygaag waxa uu waqti badan ku bixiyay sidii ay u dhalan lahayd dawladnimo macna leh ee Somaliland u noqon lahayd nidaam hufwan oo ka ceeb la’ dhaliilaha soo jireenka ah ee dawladnimada Soomaalida ragaadiyay. Waxa uu qabay aragti dad badanina la qabeen oo ah in SL sida ay muhiimka ugu tahay aqoonsi dibadda ah, si la mid ah ay muhiim u tahay is-aqoonsigeeda gudeed iyo in ay iyadu guhaheeda hagaajisato, dhan dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ba. Tusaale ahaan, mar isaga oo Addis Ababa jooga wax laga waydiiyay arrimaha aqoonsiga SL, sanadii 1993kii, waxa uu yidhi: “Aqoonsigu waa masalo ku haboon in waqtigeeda laga hadlo. Aqoonsiguna noocyo badan buu leeyahay, aqoonsigu mar waa mid naftaada iyo gudahaaga ka dhalan kara, marna waa mid dibadda kaaga imanaya.

Aqoonsiga gudahaaga ka dhasha, haddii aad xaaladahaaga gudeed hagaajisato, iyada oo aan dibadda cidi kaa aqoonsan baad waligaa dawlad ahaan kartaa.” Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa Taywan, iyo Jaynaha oo uu xusayo in isaga qudhiisu muddo badan bilaa aqoonsi ahaa. Waxa uu intaa ku darayaa in si kasta oo ay muhiim u tahay in SL amnigeeda, dhaqaalaheeda iyo xasiloonideedaba u ilaaliso haddana ayna intaasi ku filnayn aqoonsi dibadeedna lagu raad joogo. Waxa uu ku dooday in SL gar sharci ah oo ay aqoonsiga ku heli kartana ay haysato oo ay xaq u leeyihiin.

Prof. Ibraahin Meygaag waxa uu fahansanaa dawladnimada. Wacyigeeda iyo aqoonteedana waa uu lahaa. Waxa uu fahansanaa waaqaca siyaadda Soomaalida, islaamka, qabiilka iyo dawladnimada. Garanayay dimuqraadiyadda iyo waxa ay tahay.

Waxa aynnu intaas oo faahfaahsan iyo maqifkiisii siyaasadeed ba ugu tegaynaa maqaalkiisa “Where I stand” oo sidoo kale, uu kaga warramayo wax badan oo taariikhdiisa ah. Waxyaabaha uu maqaalkiisaa ku xusay waxa ka mid ah dhaliisha uu u u hayay nidaam xisbiyeedka SL isaga oo ku dooday in lagu degdegay qaadashada nidaamka xisbiyada badan.

Waxa uu dooddiisa ku xoojiyay in ay muhiim ahayd in bilawgaba dadka la fahansiiyo in xisbiyadu ku dhismaan mabaadii’da xaaladaha, iyo dabaqadaha ku kala aroora oo ku salaysan. Taas baa sahli lahayd in qofku ku biiro xisbi uu doortay oo uu afkaar ku raacay. Marka aad dib u eegto sida ay maanta xisbiyada SL yihiin waxa soo baxaya in waaqacu u hiiliyay Ibraahin Meygaag Samatar. Isaga oo ka hadlaya dimuqraadiyadda waxa u uku dooday in asalkaba eraygaa la khalad fahmo inta badan inaga iyo dunidaba, hase ahaatee waxa uu tibaaxay in badnaanta xisbiyadu ayna mushkilad sideeda u ahayn oo dunidaba ay ka soo jirtay, waxa se dhaliisha ahi ay tahay in nidaamka xisbiyada badani aanu ahayn dawadeenna.

Prof-ku waxa uu maqaalkiisa Where I stand kaga faalooday islaamka, midnimada Soomaalida, dimuqraadiyadda iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Prof. Ibraahin Meygaag isaga oo dhaqaalaha iyo SL ka hadlaya waxa uu qoraalkiisan ku yidhi:

“Waynu ognahay inaynu sabool nahay. Laakiin saboolnimadu una baahna in la hiifo. Waddamo inaga khayraad yar oo haddana saboolnimada ka baxa baa jira. Horumarinta dadka iyo diyaarintiisu waxay inaga furanaysaa khayraad la’aanta oo ay mucjisooyin dhashaa. In tacliinta iyo caafimaadka la maalgashado waa koritaan bulsheed, waa adkayn midnimo iyo dareen lahaansho la isu wada hayo iyada oo isku hal mustaqbal iyo himilo mida oo ka dhaxaysa muwaadiniinta kala qabiilada duduwan ah.”

Midnimada Soomaalida marka uu ka hadlayay waxa uu xusay in ay ahayd wax la wada jeclaa oo loo han waynaa. Waxa uu xusay in isaga oo yar oo dugsiga dhigta uu la dhacsanaa riyadaa, isaga oo waynna uu ka shaqeeyay sidii ay ku taabagali lahayd. Sidaas oo ay tahay, waxa uu ku doodayaa in aanay imika suurtagal ahayn midnimo Soomaaliyed. Jabuuti waa dal madax banan, Soomaalida Kiiniya iyo Itoobiya ku hoos noolina waxa ay ku dedaalayaan in ay dhulalkaa ka helaan xuquudooda iyo baahiyahooda, waxa kali ah soo hadhay waa Soomaalilaan iyo, Soomaalia ayuu leeyahay.

Mar kale, isaga oo islaamka faallaynaya waxa uu leeyahay: “Waa xaqiiqo in Reer galbeedku sawir inaga bixiyeen ah in islamku yahay bini’aadamdiid, haweendiid, dimuqraadi-diid iyo ta ugu danbaysay oo ahayd argagixisinimo.”

Waxa uu Ibraahim xusayaa sida Orientalist-ga reer Galbeedku ay rayi’caamka dunnida u jiheeyeen ee sawir wanaaga ah u saaraan waxa ay wataan, waxa ay diidantyihiina sawir xun ka bixiyaan.

Tusaale waxa uu soo qaadanayaa in gumaystuhu Orientalis-ga ka faa’idaystay oo is ku sifeeyay horusocod, macquul ah oo garasho leh. Halka dadka uu gumaystayna ku sifeeyay lidkeeda oo ah dad waxmagarato ah oo u baahan in la xukumo oo la ilbixiyo.

Prof. Ibraahin Maygag Samatar.

“Waxaa jira aragti la yidhaahdo Isjiidhka Ilbaxnimooyinka (Clash of civilizations) oo ay reer Galbeedku qabaan. Waa aragtida eelka u ah dagaaladii Ciraaq iyo Afgaanistaanba. Si loo ilbixiyo, waa in la dimuqraadiyeeyaa oo xukunka laga beddelaa cidda joogta.

Waa feker halis, inaga iyo iyagabana u daran. Wax uu xumeeyo mooyee aan waxbana hagaajin. Isjiidhka ilbaxnimooyinku waa khiyaali qofi iska dhaadhiciyo, mana aha xaqiiqo taariikheed. Waxaa la ogyahay in Islaamku nooleeyay dhaxalkii Masaarida, kii Giriiga iyo kii Roomaankaba. Mutacallimiintii Islaamkuna sida Ibmu Rushdi iyo Ibnu Khalduunba waxa ay dhaxalkoodaa barteen Dark Ages-kii. Diimaha iyo dhaqamaduna, wax bay kala bartaan ee isma jiidhaan haddii aanay khiyaali qofi iska dhaadhiciyay ahayn.

“Taariikhada Islaamka waa la ogyahay in aynu mar iyaga macallimiin u ahayn, iyana ay iminka inoo yihiin. Ma aha arrin cilmi ah, waa arrin awoodda la xidhiidha. Si kasta oo Islaamku meel sare u gaadhay, waxa gaabiyay khilaafyo gudeed kooxaysan. Metelan Muslin iyo Shiico iyo Cabaasiyiin iyo Umawiyiin. Maxay haddaba umadda Islaamku u baahantahay? Waxa dawo u ah in; la nooleeyo akhlaaqda islaamka, in waddamada is dumuqraadiyeeyaan oo codka dadwaynaha la wada maqlo, laguna xukumo. In waddamadu is wada kaashadaan, xaaladan lagu jiro iyo in weerarkaa islaamka lagu hayo la iska dhiciyo oo miisaankeenna aynu muujino.”

Ibraahim, waxa uu naqdinayaa in kooxo wareersani ay dad aan waxba galabsan magaca Islaamka ku laayaan hadday dooonaan iyaguba muslina. Ma habboona in loo diirnaxo. Ficiladoodaasina waxa ay cudurdaar siiyaan sawirkii reer Galbeedku islaamka ka bixinayeen ee xumaa ee keenayay in la soo weeraro akhlaaq ahaan iyo siyaasad ahaanba.

“Xamaas iyo Xisbullaahba waxa ay halgan dhab ah bay ku jiraan. Laakiin kooxaha aan cidna metelin haddana isu tixgeliya in ay iyagu magacii Islaamka haystaan ee foolxumyooyinkaa sameeyaa, ma mudna in tudhaale loo muujiyo ama loo cudurdaaro.

Islaamka waxaa sal u ah oo aynu haysanaa Quraanka iyo sunnada nebiga. In wax la isku maandhaafaa waa caadi oo waa sababta shuuradu u jirto. Waa sida go’aamada bulshada loo gaadho. Waxa aynu xasuusanahay in sharciyaqaannadii mutacllimiinta ahaa ee Islaamku ay tan dhaqangeliyeen, nebiga sannado badan kadib sida Khulafaa’u Raashidiinkii.”

Prof. Ibraahin Meygaag Samatar, waxa uu ahaa indheergarad iyo aqoonyahan ku xeeldheer dowladnimada. Waxa tusaale ah sida uu qoraalkiisan ugu lafaguray arrimahaas oo dhan, iyo sida uu mar kasta ugu taagnaa dawladnimo sax ah oo shacabku fahan ka haystaan.

Waxa jira qoraal kale oo uu Ibraahin Meygaag qoray, kaas oo si gaar ah uga warramaya taariikhdii iyo marxaladihii SNM soo martay. Waxa u uku qaadaadhigay sooyaalkii SNM, isbedaladii ay maraysay jabhaddu, sidii ay ku bilaaban tay, goortii u uku biiray iyo doorkiisii ba. Waxa sidoo kale jira buug isaga laga qoray oo taariikhdiisii ku saabsan. Ugu danbayn, Ibraahin Meygaag waxa 1dii February, 2011 ku geeriyooday dalka Jabaani isaga oo macallin ka ah jaamacad halkaa ku taalla.

The post Prof. Ibraahin Maygaag Samatar appeared first on Kaab TV.

Mahadsanid Marwo
Waxa ay ahayd gabadh xoog u cayilan oo ku raran shandad weyn oo guddaheeda laga heli karo wax aan ka ahayn dubbe iyo musbaar. Suun dheer oo shandadda ku xidhnaa ayey garabka ka kala ridday oo ay sidii dibi fuunyeysan ugu wadaa.

Saacaddu waa 11kii habeenimo, kaligeed ayey waddada laba laxaadsanaysaa, wiil ayaa gadaal iska ga soo maqiiqay oo isku taxalujiyay in uu shandadda ka la haado. Xadhigii waxa uu kadh ka yidhi darafkii uu wiilku sida aan wax u la hadhka lahayn u soo dhuftay. Ha yeeshee, shanadaddii iyo isagii oo waddarta cufkoodii is la cuslaatay ayaa istaagga ka riday, halkii uu guusha dhakhsaha ah ka filayay. Yarkii inta uu halbaarkeed tagay ayuu dirrida madaxa ku xoqay, labadiisii addin ayaa cirka daawaday.

Gabadhii cayilnayd oo sidii sac wayraxay walam u soo tidhi ayaa laag isla kala jiiday, oo isaga oo si xun u soo hawaara boodhka kaga kicisay. Dabadeed, inta ay surka dhab soo siisay ayey sidii waraabe raq helay kolba dhan u wadhfisay, ilaa iyo ay labadiisii qawlal isgaraaceen oo qacqacda ilkihiisu isu baxday.

Intaa ka dib ayey ku tidhi:

— Wiiloow, soo qabo shandadayda oo halkeedii ku celi.

Wali way ku dhegan tahay, balse gacantii birta ahayd way ka yara dabcisay, si uu shandadda ugu soo qaban karo. Dabadeed waxa ay ku tidhi:

— Miyaanad qof wax isku falaya ahayn?

Isaga oo kaladhka shaadka ee ku ciijisan la xargagaya ayuu ku tiraabay:

— Haa, waan iskufalayaa.

— Haddaa maxaa waxan kugu kallifay? ayey gabadhii waydiisay.

— Waxba maan samayn, ayuu ugu hal celiyey.

— Beenaale ayaad tahay, ayey ku halgaaday.

Halkaa marka ay marsay, seddex qof ayaa xuf ku dhaafay, qaarbaa istaagay, qaarbaa soo jalleecay, qaarkalana inta ay is dultaageen ayey indhaha la raaceen.

— Haddii aan nuuxsiga kuu ogalaado ma baxsanaysaa? ayey gabadhii su’aashay.

— Haa, waan baxsanayaa, ayuu ugu jawaabay.

—Haddaa kaama dabcindoono, ayey ku hal celisay oo uma ay jixinjixin.

—Marwo, aad baan uga xun ahay, waan ka xun ahay, ayuu wiilkii ku qayliyey.

— Wagar, wagar! Wajigaaga usgag baa saaran, si fiican ayaan u aqaanaa sida wajigaaga loo nadiifiyo. Waligaa qof ma u tagtay si uu wajiga kuugu dhaqo?”

— Maya, uma tagin ayuu yidhi.

—Haddaba fiidkan ayaa laguu dhaqi doonaa, ayey tidhi oo waddada ayey cagta kor u saartay; iyada oo wiilkii oo firkanaxsanina uu daba jiitamayo.

Da’ ahaan waxa lagu qiyaasi karaa afar iyo toban jir ama shan iyo toban jir, waa wiil caato ah oo ay dabayshu wadhfin gaadhayso, surwaal jiimis ah oo buluug ah iyo kabo fudud ayuu ku jookhanyahay. Mar kale, gabadhii waxa ay ku tidhi:

— Wiilkayga oo kale ayaad tahay, waxa aan ku kala bari doonaa saxa iyo qaladka. Ugu yaraan waxa aan imika ku tari karaa waa in aan wajiga kuu maydho. Ma gaajo ayaa ku haysa?

— Maya, ima hayso, ayuu ku halceliyey wiilkii la jiidayey.

— Waxa kaliya ee aan u baahanahay waa in aad isiidayso.

—Sii dayn aa! Miyaan waalanahay marka aan cidladan kugu sii daynayo.

—Maya.

—Laakiin, waa in aad naftaada aniga igu aamintaa. Haddii aad filayso in taasi aannay wakhi badan sii soconayn, mid kale ayaad uga wareegi kartaa. Mudane, marka aan si fiican isku kaa baro, waxa aad soo xasuusan doontaa Marwo Luella Jones.

Dhidid waaweyn ayaa wajigiisii ka soo daatay sidii roobka, dabadeed nafuhurnimo ayuu isbiday. Marwo Jones inta ay gabigiisiiba soo qabatay ayey horteeda dhigtay, labada gacmood inta ay raqabadiisa ka buuxsatay ayey waddada gadhka u galisay. Ugu danbayn gurigii ayey soo gaadhay, inta ay albaaka furtay ayey wiilkii dalaq siisay. Waa god lagu dhaadhacayo, sida oo kalana madbakh iyo meel lagu raaxaysto geesta danbe ku leh. Laydhka ayey daartay albaabkuna wuu iska balaqnaa. Wiilkii waxa dhagihiisa ku soo dhacay sheekada iyo qosolka ay dad kale ka dhex wadaan gurigan weyn. Sida oo kale, qaar ka mid ah albaabadooduna way furan yihiin, sidaa daraaddeed, waxa u soo baxday in isaga iyo gabadha la weheliyo. Gabadhii wali kaladhka ayey ku dhexhaysaa badhtanka gurigeeda.

— Magacaa? ayey waydiisay

— Roger, ayuu ugu jawaabay.

— Gorger-oow, haddaba baaldigaa wajiga iskaga soo maydh, ayey tidhi, kolkaas oo ay ugu danbayn faraha ka qaadday. Roger albaabkii ayuu eegay, haddana gabadhii ayuu eegay, albaabkii buu mar labaad eegay, ugu danbayn xaggii baaldiga ayuu u dhaqaaqay.

— U yar kaadi inta ay biyuhu diirayaan, ayey tidhi. Halkanna waxa kuu yaal tuwaal nadiif ah, ayey sii raacisay.

— Ma jeelkaad ii taxaabaysaa? ayuu waydiiyay, isaga oo baalidigii sii tiigsanayaa.

— Sidaas kuu gali maayo, meelna kuuma wado, ayey tidhi.

— Dhagayso, halkan waxa aan u imid in aan waxoogaa cunto ah oo aan iliga saaro samaysto, adna waxa aad iga daftay shandadaydii, waxa laga yaabaa in aad bilaa casho ahayd ama ay kaa raagtay. Saw sidaa ma aha?

— Gurigayga cidna ma joogto, ayuu wiilkii yidhi.

— Haddaba innaga ayaa wax wada cuni doonna, ayey gabadhii ugu laabqaboojisay.

— Waxa aan aaminsanahay in aad gaajoonayso— ama aad gaajoonaysay— oo ay taasi ku gayaysiisay in aad shandadayda dafto.

— Waxa aan doonayey kabo maas ah oo buluug ah, ayuu yidhi.

— Gartay, markaa ma in aad kabahaa hesho awgeed baad shandadda iiga gafsiisay, miyaad qunyar tidhaahdid marwo i caawi, ayey ugu caqli celisay Marwo Luella Jones.

Dhidid hooraya ayaa wajigiisii ka soo butaacay, wiilkii gabadhii ayuu ku qalalay.

Sacab dheer ayaa dhacleeyay. Sacab aad u dheer. Markii uu mar iska tiriray dhididkii, mar labaadkii waxa uu iskaga titiri karo ayuu iska waayay, wiilkii wuu isku meeraystay dabadeed waxa xigidoona ayuu dhawray. Albaabku wuu furan yahay. In uu taw yidhaa ayuu istusay, dabadeed cagaha ayuu tamartii iskugu geeyay.

Gabadhu waxa ay dul fadhiday sariir-fadhi. Cabaar kadib waxa ay tidhi:

— Waayaha qaar waxa aan ahaa dhalaan, waxa aannan raadcayn jiray waxyaabo aannan hannan karin.

Sacab kale ayaa baxay. Qawlaladii wiilka ayaa kala waaxmay. Dabadeed cadhuu afka isku qabtay, balse kamuu warqabin cabano kuuskiisa.

Jeer kale gabadhii ayaa tidhi:

— Waxa aad u malaysay in aan wax ku odhan doono, balse waxba kuma odhan, waxa aad filasay in aan sidaa ku odhan doono, hase ahaatee anigu shandadaha dadka ma gafo.

Aamusnaan yar ka dib;

— Waxa aan falay waxayaalo aan ku xiiso galin, Ilaahayna aannu kuu sheegin—waaba haddaanu ogayn bee. Kolkaa wiiloow, halkan iska sii fadhiiso inta aan inoo samaynayo wax aynnu jidiinka marino. Haddaad doonto shaladaa timaha ku feedho oo ku haggaajiso, si qoodhaadu u soo baxdo.

Qolka cidhifkiisa kale ee shaashadda dabadeeda waxa yaalla shoolad iyo talaagad. Marwo Jones way kacday, waxanna ay waydaaratay shaashadda. Gabadhu wiilka isha kuma ay ahayn, si ay ula socoto in uu baxsado iyo in kale, sida oo kale kama ay warqabin in ay shandaddii taallo sariir-fadhida agteeda. Balse, wiilku waxa uu ka taxadaray in uu fadhiisto cidhifka ka durugsan ee ka soo horjeeda, si aannay u arag haddii ay milicsato. Gabadha kuma uu kalsoonayn, xitaa isagu iskuma uu kalsoonayn. Laakiin imika xoog buu uga digtoon yahay in laga shakiyo.

— Miyaad u baahan tahay in istoodhka wax la guu gu doono, ayuu wiilkii waydiiyay; sida caano iyo wax la mid ah.

— Ha rumaysan waayin in aan soo qabsaday, ayey tidhi.

— Haddii aad u baahantahay caano macaan, caano fadhigan ayaan kuu habayni.

— Waa arrin aad u fiican, ayuu yidhi wiilkii.

Waxoogaa biinis ah ayey dabka saartay, khudaar iyo xawaashayn kalana way isku celcelisay, ugu danbayn miiska ayey soo dhigtay. Gabadhu wiilka ma ay wayddiin meeshii uu ku noolaa, aaminaadihiisa iyo wax kasta oo ka yaabiyay toona. Intii aannay cuntada bilaabin, ayey u sheegtay in ay ka shaqayso meel dumarka lagu qurxiyo oo ay habeenkii ku soo daahdo iyo sida ay shaqadu tahay iyo sida ay foodlayda iyo gashaantimuhu u galaa baxaan ayey ku jalbeebisay. Dabadeed, waxa ay qayb uga goysay keegeedii tobanka shilin joogay.

— Wax badan ka cun wiiloow, ayay tidhi.

Markii ay cuntadii dhammaysteen inta ay istaagtay ayay tidhi:

— Imika toban doollar halkaa kala bax, oo ku soo iibso kabaha maaska buluugga ah. Mar danbana ha u noqon qaladkii oo kale, shandad danbana ha iga dafin, cid kalana ha ka dafin. Waayo, kabaha sidaa ashax xumada ah lagu helo, cagaha ayaad kaga guban. Intii iga ga kaa beegnayd waan ka soo baxay. Laakiin, wiiloow waxa aan jeclaan lahaa in aad adna halkaa iska sii anba qaado oo aad inta dhiman dhammaystirto. Gurigii godanka ahaa ayey ka soo dhaqaajisay oo xagga albaabka usoo horkacday.

Inta ay albaabka ka furtay ayey ku tidhi:

— Habeen wanaagsan, waakukaa wiiloow.

Wiilku waxa uu jeclaystay in uu ku yidhaa kalmad aan ahayn:

— Mahadsanid Marwo, laakiin afkiisa ka ma ay soo bixin. Kolkii uu jaleecay albaabkii furnaa waxa uu arkay gabadhii cayilnayd oo albaabka ku soo gudban, dirqi ayuu ‘Mahadsanid’ kula gaadhay, intii aannay albaabka qab ka soo siin. Dibna umuu arag.

The post Mahadsanid Marwo appeared first on Kaab TV.