MUQDISHO (Baraarug) – Sida uu sheegay Maxamed Aadan Cabdisalaam, oo ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaha Muqdisho, dhallinyarada Soomaaliyeed waxay wajahaan rajo-beel sii kordhaya. Waxa uu tilmaamay in burburka, shaqo la’aanta iyo caqabadaha kale ee hor taagan nolosha ay ku khasbeen qaar badan oo dhallinyaro ah inay dalka ka tahriibaan.
Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in xaddidaadda xorriyadda hadalka ay ka mid tahay sababaha sii xoojinaya niyad-jabka dhallinyarada, taasoo dhalisa in ay dareemaan in aysan mustaqbal ku lahayn dalka.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu raadsado xuquuqdiisa, isla markaana marka dhallinyarada la caga-jugleeyo ama la cabburiyo ay taasi keento niyad-jab iyo ka quusashada dalka.

