Turkey way ka baaqsan kartay fadeexadda diblomaasiyadeed ee kasoo wajahday Soomaaliya

|

Turkey waxay maanta dhex fadhiyaan fadeexo diblomaasiyadeed iyo waji-gabax ay ka maarmi kareen. Kulanka maanta [Khamiis 23 Abriil 2026] safiirkooda Muqdisho, Alper Aktaş, uu la yeeshay hoggaanka mucaaradka Soomaaliya wuxuu ka turjumay walaaca sii kordhaya ee dadweynaha Soomaalida haatan ka qabaan faragelinta Turkey ku heyso arrimaha Soomaalida – gaar ahaan xilli weli aysan jirin is aaminaad dadka dhexdiisa ah.

Sannadkii 2011 oo ay Turkey soo galeen Soomaaliya, waxaan ahaa wariye ka hawlgalaayay Muqdisho, waxaana marar badan kasoo warramay hawlihii gargaarka ay Turkida ka wadeen Muqdisho. Waa sannadkii lagu dhawaaqay inay macluul ka jirto Soomaaliya, ka dib markii tobanaan kun oo ruux ay gaajo u dhinteen, halka in ka badan 240,000 ruux oo barakac ah, ay soo galeen Xamar.

Waxaan tagay xeryihii Badbaado 1, Badbaado 2 iyo Rajo oo ahaa xeryihii ay dadka barakaca ku soo xaroodeen halkaas oo hay’adaha Turkida ay raashiin qeybin, daaweyn iyo kaalmo kale u fureen dadka baahan. Markii abaartii ay dhammaatayna waxay Turkidu billaabeen bixinta deeqo waxbarasho oo dhallinyarada dugsiyada sare ka baxday la siiyay, oo maanta dhallin badan ay kasoo aflexeen.

Turkida marnaba looma arki jirin faragelin, ee waxaa loo arkay dad dhex dhexaad ah, oo ka xor ah is-heysadka Soomaalida dhexdeeda ah. Deegaanka kasta waa ka hawlgaleen aqbalaadda dadku aqbalay darteed.

MAANTA wax kasta way is bedeleen. Turkida hadda waxay Soomaali badan u arkaan “gumeysi cusub” iyo dad “dano gaar ah wata”. Waxaana sabab u ah miisaan la’aanta siyaasadooda ku wajahan Soomaalida, iyo isku daygooda boobka kheyraadka dalka.

Weerarkii Koonfur Galbeed lagu qaaday, ee Xasan Sheekh u adeegsaday ciidan ay Turkey tababareen iyo qalab ay iyaga bixiyeen wuxuu qaawiyay magacii Turkida, wuxuuna uga sii daray tuhunkii hore looga qabay hawlaha Turkida ee Soomaaliya.

Arrinta Somaliland waxay iyana abuurtay shaki kale iyo neceb loo qaaday Turkida. Xitaa Puntland iyo Jubaland maanta waxaa Turkida lagu fiirinayaa indho shaki leh.

Waxaan oo dhan xukuumadda Ankara waxaa u keenay diblomaasiyadeeda kheyrul mas’uulnimada ee Soomaaliya oo halkii ay wax guud ku koobnaan lahayd daba eryatay dano shakhsiyaad.

Soomaalida asal ahaan waa dad qab weyn oo neceb dhaqanka jujuubka iyo is gumeysiga ku dhisan. Khilaafaadka qabaa’ilka oo asal ahaan salka ku haya colaadaha miyiga waxay abuureen in qabiiladu loollamaan. Marka Turkey ay koox taageerto looma arko inay dowlad taageertay, ee waxay dad badani u arkaan in qolo gaar ah la safan tahay.

Hadda waxaa la joogaa xilli ay xukuumadda Ankara is-daba qaban karto, oo ay sixi karto dhaqan-diblomaasiyadeedkeeda ay kula macaamisho Soomaalida si ay ugu yaraan u badbaadsato magaceeda waxa yar ee ka haray, intaysan xaajadu faraha ka bixin oo aan la arkin Turkey lagu dhex eryanaayo gudaha Soomaaliya.

W/Q Abdalle Ahmed Mumin

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News