SO | EN

SO | EN

FIQI oo jeediyay hadallo qabyaaladaysan, wuxuu duray Farmaajo iyo Shariif

|

Muqdisho (KAAB TV) -Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in madaxwaynihii dowladii KMG Shariif Sheekh Axmed uu tago magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in shirka Garoowe ee Madaxwaynayaasha hore ee dalka Shariif iyo Farmaajo marnaba hortaagi karin  in wax laga bedelo Dastuurka.

Waxa uu soo hadal qaaday wax ka qaldan waqtiga Dastuurka waxana uu eeda dusha ka saaray Madaxwayne Shariif Sheekh Axmed oo uu sheegay in waqtigiisa uu qalday Dastuurka.

“Waxaan ka shaqeyneynaa dantiina waxaa la dulmiyey caasimadda sidaas darteed waa khalad in dadka reer Muqdisho ka horyimaadaan dastuurka dib loo qoray ‘’.

Waa uu sii hadlay Wasiirka arrimaha gudaha waxa uu yiri “Farmaajo ayaa warqad soo saarey waa ka soo daba saarey, Farmaajo ayaa maalin dhaweyd hadley, Sheekh Shariif waa ka daba hadley, Farmaajo ayaa Garoowe aadey waa ka taba tegay dee waxaasi sax maaha wax noo qalmana maaha’’.

Dhawaan Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in waxa  Muqdisho ka socdey ee qabiilka la shirinaayo isla markana eedaymaha u jeedinaayey madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aysan ahayn wax wanaagsan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News